Araweelo News network

faysal UCIDHargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu mar saddexaad u sharraxan yahay xisbigiisa si uu ugu tartamo xilka madaxweynenimada ee Somaliland doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan in la qabto 28 bisha March 2017.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in sheegay in sababtii uu Somaliland u yimi ahayd sidii ay u noqon lahayd Qaran madaxbannaan oo salka ku haya hannaan dawladnimo wanaagsan oo ka baxsan nidaam qabiil.
“Anigu waxaan u imi halkan in aynu Qaran yeelanno tolaayey kumaan iman ee waxaan ku imi yaa reer Somaliland-nay ka kaca oo mar dambe ha ku noqonina xabaashii Koonfur, laakiin sida iminka socota waxaan u malaynayaa innagoo is haysanna in dusha la innaga qabsan doono, waxaannan idiinku bushaaraynayaa anigu mar saddexaadkiina waan ordayaaye (tartamayaa) waa barbarkay ka baxdo ha eego,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo khubad ka jeediyey xaflad shalay Hargeysa loogu sameeyey furitaanka Jaamacad cusub oo laga leeyahay dalka Itoobiya.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay ka gaashaamato qalalaasaha ka socda Geeska Afrika oo ay ku mitido nabaddeeda aan ciyaarta ku iman ee lagu keenay dadaalka adag xilliyadii sagaashamaadkii, waxaannu ka digay saamaynta qabiilka sii xoogaysanayaa ku yeelan karo dawladnimada iyo deganaanshaha Somaliland.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Innaga hadda waxa samaysantay qabyaalad oo tolaayey yaa reer hebelaay ayaa bilaabantay, kursigii Somaliland wuxuu galay tolaay waa markeenii haddaynu reer hebel nahay, xisbiyada in la qabiileeyo maaha ee waxaynu u samaysanay in aynu qabiilka kaga baxno, siyaasadda iyo kursiga Somaliland maaha Hagbadaha wareega ee waxa weeye yaa waddanka wadi kara oo yaa dadka isku hayn karaya? Dacaayadahan socda ee la leeyahay Hagbad baa la isku dhiidhiibayaa ee maantana ka kacaay. Cid Somaliland la faquuqay iyo reer gaar loo faquuqay midna ma jiro, waa dad siman. Waanu soo dhawaynaynaa nabadgalyada ka socota bariga, Cali Khaliif iyo Khaatumo waanu soo dhawaynaynaa, waxaannu leenahay nabad baa socota ee ha laga daayo axsaabta qabiilka, faraha ha lagala baxo qabiilka iyo xisbi meel ma wada galayo ee tolaayeyda ha la joojiyo.”
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ku jirto waqtigan oo uu ku tilmaamay mid sii hurinaysa colaadda muddada dheer ka taagnayd dalkaasi, “Waad aragteen Soomaaliya maanta waxa ka taagan dawlado yaryar oo qabaa’il ah baa loo kala saaray, gobolladii lixdankii la odhan jiray Nugaal iyo Mudug oo markii dambe midkiiba laba gobol laga dhigay ayaan xalay (Isniintii) waxaan daawanayey iyagoo ciidammado samaystay oo is dilaya oo hubka ay isku adeegsanayaan aad yaabto oo Gaalkacayo ku sheegay Kashmiir. Waxaannu aragnaa in siyaasaddaa la qaybqaybiyey Soomaaliya ee laga dhigay dawlad-goboleedyada qabaa’ilka ku salaysani in aanay keenayn nabadgalyo ee ay keenayso dagaal hor leh oo qabaa’il,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID waxa uu ugu baaqay shacabka Itoobiya inay wadahadal ku xallistaan xiisadda colaadeed ee ka taagan dalkaasi, waxaannu yidhi, “Itoobiya waa waddamada Afrika ee hadda horumaray oo labaatankii sanno ee u dambeeyey waxay ka mid noqotay waddamada la majiirtay ee horumarkooda, balse, hadda wax aka bilaabmay qalaalase siyaasadeed, waxaannu jecelnahay in ay ku dhammaystaan wadahadal oo la joojiyo cunfiga iyo rabshadaha, sababtoo ah deganaanshaha Itoobiya waa deganaanshaha Geeska Afrika, waa waddankii ugu ballaadhnaa Geeska Afrika, innagana aad iyo aad bay inoo saamaynaysaa deganaashaha iyo xasilloonida Itoobiya.”