Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqa-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Maxamed (Hinda Gaanni), ayaa ka hadashay warar is khilaafsan oo ku faafay bulshada markii xilka laga qaaday.

 

Marwo Hinda, ayaa ka mid ahayd liis sagaal masuul oo xilka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka qaaday Axaddii Jan 10th, 2021, halka 34 masuul oo kale loo magcaabay xilal cusub, qaarkoodna laysku bedelay, taas oo noqonaysay isku shaandhayntii, magcaabistii iyo xil ka qaadistii ugu badnayd ee kasoo baxda madaxtooyadda Somaliland muddo ku dhow saddex sannadood oo Madaxweyne Biixi dalka hoggaaminayay, walaw aannay dad badan soo dhowayn oo in badan oo bulshada ah ay ku macneeyeen mid aan miisaan weyn oo dhanka mansabka xilalka lahayn, isla markaana aannay ahayn tii laga filayay Madaxweynaha oo aan wax muuqda ka bedelin xukuumaddii uu soo dhisay markii uu talada la wareegay iyo kuwii uu hore usii hayay saddex sannadood ka hor.

 

Hase yeeshee Marwo Hidna oo ka mid ahayd haweenayda keliya ee golaha wasiiradda Madaxweyne Biixi magcaabay, markii uu soo dhisay xukuumaddiisa, marka laga reebo Wasiirka Deegaanka iyo Duur-joogta Marwo Shurkri  Xaaji Boondare oo hore xilkaa usii haysay, ayaa noqotay mid si weyn ay bulshadu doodo uga dhex-dhalisay xil ka qaadista lagu sameeyay, iyadoo dad badan ku sifeeyeen Marwo Hinda Gaanni, laanbad ka ifaysay xukuumadda Madaxweyne Biixi soo dhisay bilawgii, isla markaana ay ku tilmaameen masuul dedaal badan samaynaysay oo kalsooni, haybad iyo karaamo ku lahayd xilka qaranka ee ay haysay mudadaa.

AKHRI: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Farriimo U Diray Bulshada

Marwo Hinda waxay maanta la hadashay warbaahinta qaarkeed, waxayna meesha ka saartay wararka laysla dhexmarayo ee lala xidhiidhiyay xilka laga qaaday.

 

“ Waxan u dhashay Somaliland, siyaasadana waan ku jirayaa oo safar iguma jiro ee taas ha iiga biqina, saaxada siyaasadana waynu ku kulmi doonaa sidaynu horeba ugu kulmi jiray, annigoo ah gabadh xubin ka ah xisbiga KULMIYE” ayay yidhi, iyadoo ay hareera joogaan Agaasimaga guud ee wasaaradda Shaqa-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland iyo saraakiil kale.

Marwo Hinda, waxay meesha ka saartay in khilaaf dhexmaray Madaxweyne Biixi, kaas oo gaadhay gacan-ka-hadal, iyadoo ku tilmaantay wararkaa kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana ku tilmantay Madaxweyne Biixi inuu yahay dhaqan-yaqaan aan la murmin hablaha, “Ma jiro khilaaf na dhexmaray namana dhexmari doono insha Allah” ayay tidhi.

 

Sidoo kale, waxa la weydiiyay gabadh ay dhowaan kulmeen oo weydiisatay in la caawiyo, balse markii ay isku khilaafeen qaabka loo caawinayo baraha bulshadu ku xidhiidho ku faafisay wax, waxayna sheegtay in gabadhaa yar ay ka dalbatay in loo kireeyo guri, isla markaana ay maadaama ay gabadh yar ahayd usoo jeedisay in ay guri gabadh wasaaradda ka tirsan geeyaan oo ay halkaa ku caawiyaan, haddii kale ay keento qof masuul ah, sidaa awgeed ay ka wasiir Hinda ahaan saluugtay sababta ay gabadha yar ugu dhegantahay in loo kireeyo guri keligeed ay ku noolaato, marka kaddibna ay weydiisay in haddii ay leedahay balwad ay xal u samayn karaan oo ay arrinteeda maaraynayaan, sababtoo ah ayay tidhi, dhalinyaro balwado leh ayaanu ku samaynay dhaqan-celin, balse ay gabadhii iyadoo aan jawaab ka siin su’aasha oo weli ku dhegan in guri gaar ah loo kireeyo ay shuruud uga dhigeen markii danbe inay keento cid masuul ka noqotay iyada oo damiin ah, sidaana ay kaga tagatay oo ay ku war heleen waxyaabaha la weydiiyay oo ay ku faafisay gabadhaa yar baraha Bulshadda.