Akhri wax ka yar 2min

 

#Araweelo_News_Network.

 

Qaahira (ANN)-Xukuumadda Dalka  Masar ayaa ku dhawaaqday innay doonayso inay ku biirto dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil, taas oo ka socota Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay.

Warbaahinta dalka Masar ayaa soo tebisay in Xukuumaddu ku dhawaaqday innay taageerayso dacwadda Koonfur Afrika ee maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ku eeddaysay Israa’iil xasuuqa Qaza.

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada Israa’iil ay weli ka howlgalayaan xuduudka Masar iyo Qaza u dhexeeya, tallaabadaa oo ay Qaahira ka digtay innay halis gelin karto heshiiska nabadeed ee labada dal hore  ugu dhexeeyay.

Bayaanka Masar ayaa sheegaya in go’aanka “uu yimid iyadoo la eegayo xaallada sii xumaanaysa iyo baaxadda weerarrada Israel ee ka dhanka ah dadka shacabka ah ee  Falastiiniyiinta ee Marrinka Qaza, iyo sii socoshada ku-dhaqanka habaysan ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan beegsiga tooska ah ee rayidka iyo dadka maatada ah ee laga burburinayo kaabayaasha Jidadka, ee ku riixaya Falastiiniyiinta innay cararaan.

”Masar ayaa sheegtay in aannay furi doonin xuduudaheeda si ay u ogolaato in tiro baddan oo reer Qaza ah ay ka baxsadaan dagaalka.

Sidoo kale, waxaa la xidhay isgoysyada Rafax si ay gargaar bini’aadantinimo uga qayb qaataan si looga  cidhiidhiyo howlgallada ay ciidamada DF ka wadaan halkaas.

Bayaanka  ayaa Tilmaamay xaaladda   sii xumaanaysa iyo baaxadda weerarrada Israel ee ka dhanka ah rayidka Falastiiniyiinta ee Marrinka Qaza, iyo sii socoshada ku-dhaqanka habaysan ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan beegsiga tooska ah ee rayidka ah.

Masar, ayaa ka digtay burburinta kaabayaasha Jidadka, iyo in shacabka Falastiiniyiinta ay ku riixaan si  uga cararaan dhulkooda.

”kumaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jerusalem, ayaa lagu yidhi, Bayaanka, iyagoo ku seexday waddooyinka ‘ si ay Mudaharaad ugu muujiyaan dhibaatada Israel ku hayso shacabka Falastiinta, ayaa lagu yidhi, bayaanka.

 

Masar ayaa sheegtay in aannay furi doonin xuduudaheeda si ay u ogolaato in tiro badan oo reer Qaza ah ay ka baxsadaan dagaalka.

Sidoo kale waxaa la xidhay Isgoyska Rafax si loo gaadhsiiyo gargaar bini’aadantinimo si looga dhiidhiyo howlgallada ay ciidamada DF ka wadaan halkaasi.

Bayaanka ayaa ku baaqaya in beesha caalamka ay ku riixdo xabbad joojin laga sameeyo Qaza, lana soo afjaro howlgalka Rafah.