Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Maxkamadda Ciidanka Somaliland ayaa sideed nin ku xukuntay dil toogasho ah saaka sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke

Siddeed nin waxaa lagu helay in ay rasaas kuwada rideen oo ay dileen taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf 2 March 2016., iyadoo dilkaasi ka dhacay deegaanka Berbera.

Gudoomiyaha maxkamadu wuxuu sheegay in siddeed nin oo kale isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todoba sano oo xadhig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan horaantiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in dadkan oo dhammaan rayid ah ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda, qareenku wuxuu sheegay in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.