Araweelo News Network
xeebtamarka

Marka(ANN)- Warar hordhac ah, ayaa sheegaya in deegaanka Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose lagu arkay Maydadka dad Ajaanib ah oo kusoo caaryay dhinaca Xeebta.
Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo gacanta ku haya deegaankaa, ayaa xaqiijiyay Maydadka dadka caddaanka ah deegaanka Gandershe oo ah xeebta dhinaca Bari kaga beegan magaalada Marka, waxaana la sheegay in lagu arkay Maydadka dhaawacyo ka muuqda jidhkooda, iyadoo loo malaynayo in ay ahaayeen dalxiisayaal ku haligmay Badda oo dhaawacyo jidhkooda soo gaadheen mudadii ay sabaynayeen Badweynta.

Maamulka Al-shaabab ee ka taliya deegaanka Gandershe, ayaa sheegay in uu Meydadka labada qof oo Nin iyo Haweenay caddaan ah kasoo qaadeen xeebta kadibna lagu aasay isla deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee lahelay qoorta iyo gacmaha uu kaga xidhnaa dahab farabadan sida Katiinado ,dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaantood dahab ah, isla markaana aan lagu arag waxyaabo dukumenti ah oo muujinaya dalka ay u dhasheen, balse marka la eego dharka ay ku labisnaayeen oo ahaa dharka ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha reer galbeedka ah loo malaynayo inay u dhasheen dalalka Yurub