Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Vladimir Putin ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu wadahadlo laga yeesho dagaalka Ukraine, balse waxa uu maamulka Ukraine ku eedeeyay in aanay miiska soo saarin qorshe lagu joojinayo dagaalka.

 

“Ruushka ayaa diyaar u ah inuu wada xaajood la galo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine, balse Kyiv iyo taageerayaasheeda reer galbeedka ayaa diiday inay wadahadal galaan, ayuu yidhi madaxweyne Vladimir Putin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan himilooyinkooda, laakiin ay ka wada xaajoon doonaan haddii Ukraine ay miiska soo saarto, balse Saraakiisha Ukraine ayaa dhankooda sheegay in Kremlin uu u baahan yahay inuu kusoo laabto xaqiiqda.

Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa laga soo weriyay inay dhankooda aaminsan yihiin in Ruushku aannay weli dhab ka ahayn wada xaajood dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Haseyeeshee, Mr Putin ayaa waraysi uu Axaddii siiyay warbaahinta ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu raadiyo xal la aqbali karo.

 

Duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukrain horaantii sannadkan Febeury 2022, waxa uu dhaliyay iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee Yurub ka dhaca tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, sidoo kale, waxa lagu tilmaamaa iska horimaadkii ugu weynaa ee dhex mara Moscow iyo reer galbeedka wixii ka danbeeyay sannadkii 1962, xilligaa oo xiisaddii ugu weynayd ee gantaallada ee Cuba ka dhex aloosantay.

 

 

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin, ayaa sheegtay in ay dagaalami doonnaan ilaa laga gaadhayo dhammaan ujeedooyinka laga lahaa dagaalka, halka maamulka Kyiv ay dhankooda sheegeen in aannay ka nasan doonin ilaa askari kasta oo Ruush ah laga saaro dhammaan dhulka Ukraine oo ay ku jirto Jasiirada Crimea, taas oo Ruushku uu la wareegay 2014.

 

“Waxaan diyaar u nahay inaan kala xaajoono cid walba oo ay khusayso xalalka la aqbali karo, laakiin taasi iyaga ayay ku xidhan tahay, ma nihin kuwa diida gorgortanka,” ayuu yidhi, Mr Putin, wuxuuna sidaa u sheegay warbaahinta dowladda.

 

Dhankiisa, Agaasimaha CIA William Burns, ayaa wuxuu ku sheegay in inta badan colaaddaha ay ku dhammaadaan wada xaajood, qiimaynta Hay’adda siroodnka Maraykanka ee CIA ayaa ahayd in Ruushka aannay weli dhab ka ahayn gorgortan dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in Mr Putin looga baahan yahay inuu ku soo laabto xaqiiqada oo uu qiro inay tahay Ruushka oo aan doonayn wax wada xaajood ah.

 

“Ruushka wuxuu si keligiis ah u weeraray Ukraine wuxuuna dilayaa muwaadiniin,” Mykhailo Podolyak ayaa sidaa ku yidhi, qoraal uu dhigay bartiisa Twitter.

 

“Ruushka ma rabo wadahadal, laakiin wuxuu isku dayayaa inuu ka fogaado mas’uuliyadda.”, ayuu raaciyay.

 

Mr. Putin ayaa sheegay in Ruushka uu u dhaqmayo jihada saxda ah ee Ukraine sababtoo ah reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykanka ayuu ku eeddeeyay inuu isku dayayo in ay kala gooyaan Ruushka. Laakiin xukuumadda Washington ayaa beenisay in ay qorshaynayso burburka Ruushka.

 

“Waxaan aaminsanahay in aan u dhaqmayno jihada saxda ah, waxaan difaacaynaa dannaha qarankayaga, danaha muwaadiniintayada ee dadkayaga. Ma lihin doorasho kale oo aan ka ahayn inaan ilaalino muwaadiniintayada,” ayuu yiri Mr Putin.

 

Mar uu ka jawaabayay Madaxweynaha Ruushku in khilaafka juqraafiyadeed ee kala dhexeeya reer galbeedka iyo Moscow uu ku soo wajahan yahay heer halis ah, wuxuu si kooban u yidhi, “Uma maleynayo inay sidaas khatar u tahay.”

Hase yeeshee Mr. Putin ayaa reer galbeedka ku eeddeeyay bilaabeen colaadda Ukraine 2014, iyagoo xukunka ka tuuray madaxweynihii taageersanaa Ruushka ee mudaharaadka kacaanka Maidan.

 

Wax yar ka dib kacdoonkaas, Ruushku waxa uu Crimea ka qabsaday Ukraine, waxayna ciidamada gooni u goosadka ee Ruushku taageerayaa bilaabeen inay la dagaalamaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine ee ku sugan bariga Ukraine.

 

“Runtii, waxa ugu muhiimsan halkan waa siyaasadda juquraafiyadeed ee naga soo horjeeda, taas oo looga golleeyahay in lagu kala gooyo Ruushka, Ruushka taariikhiga ah,” ayuu yidhi, Putin.

Mr. Putin ayaa ugu yeedhay arrintan “howlgal Millateri oo gaar ah, kaas oo ka dhacay dalka Ukrain” wuxuuna sidoo kale,  ku tilmaamay waqti biyo-mareen ah markii Moscow ay ugu dambayntii u istaagtay koox reer galbeed ah oo sida uu sheegay doonayay burburinta Ruushka tan iyo 1991, wixii ka danbeeyay burburkii Midowgii Soofiyeeti.

 

Ukrain iyo reer galbeedku waxay sheegeen in Mr. Putin aannu wax cudurdaar ah u haynin waxa ay ku rideen dagaal la moodo boqortooyo oo gumaysi ku beeray dhibaato iyo dhimasho guud ahaan Ukraine.

 

Putin ayaa Ruushka ku tilmaamay dal gaar ah, wuxuuna sheegay in inta baddan dadkiisa ay ka midaysan yihiin sidii ay u difaaci lahaayeen dalkooda.

 

“Boqolkiiba 99.9, muwaadiniintayadu, waxay diyaar u yihiin in ay wax walba u bixiyaan danaha dalkooda Hooyo, ma jiraan wax aan caadi ahayn oo halkan ah,” ayuu yidhi, Mr Putin.

 

“Tani waxay mar labaad igu qancinaysaa in Ruushku yahay waddan gaar ah, waxaanu leenahay dad aan caadi ahayn. Tani waxay ahayd mid la xaqiijiyay ilaa taariikhda jiritaanka Ruushka.”ayuu yidhi, Madaxweyne Putin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com