Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Dalalka Galbeedka ayaa xaalad qas iyo werwer galay, iyadoo qiimaha gaastu si weyn ugu sii kordhay, taas oo ka dhigan masiibo uu sabab u noqday dagaalka Ukraine.

ALT: Araweelo News Network
Nord Stream 2, Image file Araweelo News Network

Ruushka, ayaa hore u sheegay inuu jarayo gaasta dhuummaha u qaada Yurub, isagoo kaga aarsanaya talaavooyinka ay kula kaceen Maraykanka iyo xullufadiisa NATO.

Hase yeeshee Saraakiisha Denmark iyo Sweden ayaa Talaadadii sheegay in labo sirood lagu ogaaday dhuumaha gaaska Nord Stream 1, ee Ruushka iyo Yurub ee mara Badda Baltic.

 Warku waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii horumar la mid ah uu ka sameeyay dhuuntiisa mataanaha ah, Nord Stream 2. Labada marin ayaa noqday kuwo si weyn warbaahinta loogu faaqido tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine ee cirka ku shareeray qiimaha tamarta ee sii kordhaya,  kaas oo u si yaable u kiciyay qiimaha gaaska tan iyo horaantii sannadkan February duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Saraakiisha ayaa sheegay in hoos u dhac cadaadis ah lagu arkay dhuunta Nord Stream 1 ee gaaska hoostiisa wax yar kaddib markii dhibic la mid ah laga helay dhuunta mataanta la ah ee Nord Stream 2, wallow warbaahinta Ruushka laga arkayay Maraakiib ku mashuulsan dhuummaha oo ku xidhaya kuwo cusub goobta ay yaaleen ee lagu arkay gaasta biyaha Badda heehaabay.

Labada xariiq ee Nord Stream 1 ayaa la saameeyay, halka mid ka mid ah dhuummaha Nord Stream 2 uu muujiyay cadaadiska hoos u dhaca. Maamulka badda ayaa ku tilmaamay gaaska ka soo daatay koonfur-bari ee jasiiradda Danishka ee Bornholm inay tahay sababta ay u baddan tahay arrinta saamaynaysay Nord Stream 2.

Saraakiisha Danishka ayaa ka digay khatarta maraakiibta ee aaggaas, waxayna waydiisteen Maraakiibta inay meesha ka baxaan.

Saraakiisha Maamulka Sweden ayaa Tallaadadii sheegay inay jiraan laba sirood oo laga helay Nord Stream 1 , mid ku yaal aagga dhaqaalaha Badda ee Danishka iyo kan Swedishka. Labada arrimood ayaa la sheegay in ay aad isugu dhawaayeen.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay in ay baadhayso dhacdadan. “Hadda ma garanayno sababta hoos u dhaca cadaadiska,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

khubarada Sweden ayaa sheegaya in ay diiwaan geliyeen Qaraxyo, kooxda Seismology-ga Sweden (SNSN) ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee SVT in qaraxyo xooggan ka diiwaan galiyeen aagaga gaaska uu ka soo daatay Isniintii. “Shaki kuma jiro in kuwani ay ahaayeen qaraxyo,” SNSN seismologist Bjorn Lund ayaa u sheegay SVT.

Ciidamada Danmark ayaa dhanka kale siidaayay muuqaal muujinaya xumbo ka muuqda oogada Badda Baltic-ga oo ka sarraysa dhuumaha Nordstream 1 iyo 2, waxayna sheegeen in daadadkii ugu badnaa ay sababeen khalkhal xagga sare ah oo dhan 1 kilomitir (0.62 mayl) dhexroor ah.

Dhinaca kale, Labada dhuummoodba waxaa loo dhisay inay gaaska dabiiciga ah ka qaadaan Ruushka una gudbiyaan Yurub, inkastoo dhuumaha Nord Stream 2 aan waligood lagu samayn dayactir.

Jarmalku waxa uu wajahayaa musiibo ka dhalanaysa samaynta gaaska dabiiciga ah ee laga jaray Ruushka., iyadoo Ruushka iyo Shiinaha ay safaf ugu jiraan maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Alaska. oo ku waajahan Maraykanka, halka Serbia ay heshiis la saxeexatay Ruushka.

 Saraakiisha Jarmalka ayaan weli wax war ah ka soo saarin waxa sababay khasaaraha. Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Tagesspiegel ee ka soo baxa Berlin ayaa soo xigtay laamaha ammaanka ee Jarmalka, isagoo sheegay in si adag looga shakisan yahay in wax ka dhaceen halkaa, “Male-awaalkeennu hadda ma oggola xaalad aan kani ahayn, balse ma cadda in khatar kale oo weerar la beegsaday uu jiro, wallow Ra’iisal wasaaraha Denmark Mette Frederiksen sheegtay in ay adagtahay in la qiyaaso in xogta la helay ay tahay shil, balse dadka khuburadda ah ee ka bixiyay faallooyinka ayaa arrintan ku tilmaamay mid marmarsiiyo Ruushku uga dhigayo si uu gaasta uga jaro Yurub, isla markaana xaaladda uga dhigo mid qalafsan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com