Araweelo News Network.

Dacaayaddaha Khiyaanada wata ee ay faafinayaan dowladdaha reer Galbeedka iyo Saxaafaddoodu waxaa ka mid ah inay caalamka tusayaan gawaadhi baddan oo ay ka dhigayaan in muwaadiniinta Ruushka ahi leeyihiin, kuwaas oo taagan xuduudda dalka Joorjiya (The Republic of Georgia). Waxayna mujtamaca caalamka u sawirayaan in dowladda Ruushka ay halkaa ka waddo raaf iyo afduub iyagoo ka dhigaya in dadkaa Ruushka khasab lagu askaraynayo.

Arrintan oo kale dagaalladu markay dhexmaraan dowladdaha caalamka way dhacdaa in dadka xoog lagu Askareeyo, balse marka laga hadlayo dalka Ruushka oo kale waa mid dhif iyo naadir ah, waayo dalka Ruushku Quwad Sarre oo Militeri ayuu leeyahay. Dhammaan warbixinada ay sii baahinayaan warbaahinta reer galbeedku waa dacaayado been abuur ah ( Falsehood Propaganda Information ).

Dadka Ruushka ahi sida caadiga ah maalin walba waxay u safrayaan xuduuddaha waddamada ay jaarka yihii balse waxaad arkaysaa Warbaahinta reer galbeedka oo arrimaha ka abuuraya dacaayado been ah.

Sidaa oo kale ayay dacaayado been abuur ah u sameeyeen xilligii uu socday dagaalkii Ciraaq sannadihii 90 meeyadii. Waxay reer galbeedku ku eedeeyeen Saadam Xuseen inuu ku kacay Dagaal ka dhan ah baabi’inta Deegaanka kaddib markii Badda dalka Ciraaq iyo Baddaha caalamiga ah oo ay sheegeen inuu kusii daayay wasakhda Batroolka.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa faafiyay xilligaa muuqaalo xayawaano dhintay oo shimbiro u baddan, kuwaas oo ay eeddayn dusha kaga saarayeen xukuumaddii Ciraaq ee Saddam Xuseen uu hoggaaminayay inay geystay dembiyo caalamiya oo ka dhan ah Deegaanka.

Balse, goor dambe ayaa la ogaaday inay eeddeeyntaasi uu Maraykanku u jeediyey dalka Ciraaq inay ahayd dacaayado been abuur ah ( Propaganda) waxaana la ogaaday inuu ahaa markab siday wasakhda Batroolka oo ku xumaaday Gobolka Alaska ee dalka Maraykanka .

Waxa kale oo la xuusanyahay in ay Sadam Xuseen ku eeddayn jireen inuu haysto hubka wax gumaada, iyagoo sabab uga dhigay weerarkii lagu burburiyay dalkaa oo weli aan kasoo kaban burburkii, isla markaana wuxuu duulaankoodu horseeday in uu burburo dalka Ciraaq oo ahaa kuwa ugu xadaarad weyn aduunka, iyadoo maaliiyin qof ku nafwaayeen, halka maalaayiin kalena ku naafoobeen, tiro intaa ka badanina ay qoxooti noqdeen, balse hoggaamiyayaashii ku doodayay in Sadam haysto hubka wax gummaada, waxay ugu danbayntii noqdeen kuwo beentii ay aduunka u sheegayeen soo gaabatay, markii la burburiyay dalka, iyadoo ra’iisal wasaarihii hore ee Britain Tony Blair ku waayay xilkiisa xilli laba sannadood ka hadheen muddo xileedkiisa.

Dhacdooyin baddan oo warbaahinta reer galbeedku hormood u ahaayeen, ayaa lagu burburiyay dalal baddan oo Aduunka ah, iyadoo la faafinayo dacaayaddo been abuur ah, sidaa awgeed waxa dhacda Sida caadiga ah marka Dagaal lagu jiro in Askar baddan la qoro oo dal walba uu muwadiniintiisa ku khasbbo inay Dagaal galaan waa wax caadiya oo dunida oo dhan ay soo aragtay, balse saxaafadda reer Galbeedka ayaa arrintaa ku eeddaynaya dowladda Ruushka taasina waa marin habaabin ay ku samaynayaan ra’yi caamka Bulshada aduunka.

Maraykanku wuxuu caalamka islaamka ka wadaa Dagaal aan dhammaad lahayn oo dhiig badani ku daatay. Wuxuuna caalamka islaamka ka samasystay dowladdo iyo madax isaga Camiil u ah (raaciyad, ama adeecayaal), kuwaas oo sida uu rabo uugu addeega. Waxayna dhibaateeyaan cid kasta oo diidan nidaamkiisa saliibiga ah ee ku wajhan caalamka islaamka.

Maraykanka iyo xulufadiisu reer Galbeedka ayaa dunidda Islaamka ku dhibaateeya barnaamijka ay ugu magac dareen la dagaalanka argagixisada.

Sidaa awgeed iyadoo waxaa oo dhibaato ah ay caalamka islaamka ka geysanayaan reer galbeedku ayay haddana waxay ku dadaalayaan inay Naftooda beri yeelaan, waxayna ku dadaalayaan inay dowladda Ruushka ka dhigaan sheydaan sharwade ah oo kasoo baxay Bariga Yurub ee Adduunka oo caalamka oo dhan halis ku ah.

WQ Dr.Ahmed Hasan Saalah