Hal-xidhaalaha Khilaafka Gaamuray Ee Siyaasadeed Xeerarka Kala Qaybiyay Gollayaasha Iyo Arrimaha Murrugsan Muxuu Xalkoodu Noqonayaa?

Qoraalada Labada Guddoomiye Ee Guurtida Iyo Wakiillladu Isu Cuskadeen Iyo Dooddaha Mid Walba Salka Uga Dhigay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, lama ogga waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka oo Arbacadii maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda sida ay shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyeen ila wareedyo kala duwan.

Laxidhiidha: Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Khilaafka Xeerarka Iyo Mudda Kordhinta

Sidoo kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kulanka Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud oo xoggaha la xidhiidha kulanku sheegayaan in ay ku weheliyeen xubnaha shirguddoonka gollaha.

In kasta oo ay tibaaxaha laga helay kulanka tilmaamayaan in arrimaha ay ka wadahadleen ay kow ka yihiin mudda kordhinta loo soo gudbiyay gollaha , xeerarka khilaafka sii murgiyay ee kala irdheeyay shirguddoonka iyo qaabka loo waajahayo, balse kulanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo khilaafka siyaasadeed iyo murranka loo maarawaayay ee arrimaha doorashada oo u dhexeeyay muddo dheer labada Xisbi mucaarad iyo madaxtooyadda uu si dhab u kala qaybiyay gollaha wakiillada, kaddib markii ay ku kala irdhoobeen xeerarka doorashooyinka ee kaabista iyo wax-ka-bedelka ku sameeyay gollaha wakiilladu Toddobaadkii hore, 19 September 2022.

Laxidhiidha: Guurtida Oo Ka Cadhooday Qaabka Guddoomiye Saleebaan Uga Jawaabay Xeerarka Gollaha Wakiillada

labada xeer ee kala ah xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer L/R 91, 2020, waxa maalin kaddib oo ku beegan 20 September 2022, loo gudbiyay, Balse Guddoomiye Saleebaan oo xeerarka dib usoo celiyay ayaa waxay shirgddoonka gollaha wakiilladu diideen in ay ka qabtaan,waxaana la dhigay meel bannaan ah u dhaxaysa xayndaabka dhismaha ay ku wada jiraan labada golle, taas oo ahayd ficiltan si weyn u dhaawacay quluubta shacbiga Somaliland ee ay metelaan labada aqal ee Baarlamaanku.

Laxidhiidha: Xalka Khilaafka Siyaasadeed, Mudda Kordhinta Iyo Xeerarka Muranka Dhaliyay Oo Isugu Biyo Shubtay Guurtida

Guddoomiye Saleebaan, ayaa ku sababeeyay soo celinta labada xeer mid uu ka fursan waayay iyo isagoo uga baqay gollihiisa guurtida inay xeerarku kala qaybiyaan, isla markaana horseedaan khilaaf geyaysiiya in uu fadhiisan waayo gollaha guurtidu, si la mid ah gollaha wakiillada.

33 xildhibaan oo gollaha wakiillad ah, ayaa u coddeeyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista labada xeer, wallow ay si weyn uga qayliyeen xildhibaanada gollaha wakiillada oo ku tilmaamay qaabka loo meel mariyay mid aan sharci ahayn, sidaa awgeed waxay qoraal cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in lagu soo celiyo gollahooda wakiillada u qoreen shirguddoonka guurtida, taas oo qayb ka ahayd waxyaabaha uu gudodomiye Saleebaan u daliishaday in aannu xeerarkaa pp ahmiyad weyn u leh qaranka xilligan xaasaasiga ah horgeyn gollaha guurtida ee uu guddoomiyaha ka yahay.

ALT: Araweelo News Network
Qoraalka Guddoomiyaha Guurtidu u qoray Shurguddoonka Wakiillada ee ku sabeeyay inuu dib ugu celiyo xeerarka khilaafka dhaliyay Isniintii 26 September 2022, Araweelo News Documentt

Doodda Guddoomiyaha Guurtida, waxa qoraal dheer kaga jawaabay Guddoomiyaha gollaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo cuskanaya qodobo Dastuuriya iyo xeer hoosaadka golihiisa, wuxuu ku tilmaamay Guddoomiyaha Guurtida in aannu xaq u lahayn inuu soo celiyo xeerka, iyadoo aannu gaadhin gollaha guurtida ee xaqa Dastuurku u siiyay in ay kaabis iyo wax-ka bedel ku sameeyeen, ama ay ansixiyaan, ama kusoo celiyaan gollaha wakiillada ee xeerarku ka yimaadeen.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Ka Halday Muddada Doorashada

Qoraalka Guddoomiyaha Guurtida, ayuu Guddoomiye Khaliif ku macneeyay mid aan haysan wax daliil sharci ah iyo qodob Dastuuri ah.

Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu kaga jawaabay qoraalka Guddoomiyaha Guurtida,  ee ku sabeeyay in aanu dib ugu soo celin karin xeerarka khilaafka dhaliyay Isniintii 27, September 2022, Araweelo News Documt
ALT: Araweelo News Network
Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu kaga jawaabay qoraalka Guddoomiyaha Guurtida, ee ku sabeeyay in aanu dib ugu soo celin karin xeerarka khilaafka dhaliyay Isniintii 27, September 2022, Araweelo News Documt
ALT: Araweelo News
Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu kaga jawaabay qoraalka Guddoomiyaha Guurtida, ee ku sabeeyay in aanu dib ugu soo celin karin xeerarka khilaafka dhaliyay Isniintii 27, September 2022, Araweelo News Documt

Xiisadda iyo khilaafka ka dhashay xeerarka ayaa sababay in gollaha wakiilladu aannay wax fadhi ah yeelan tan iyo markii laysku khilaafay xeerarka wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Toddobaadkii hore, 19 September 2022, iyadoo aannay muddanayaasha gollaha wakiilladu fadhiisan tobbankii maalmood ee u danbeeyay oo annay jirin wax hawl ah oo ay qabteen sabab la xidhiidha khilaafka kala qaybiyay, sidoo kale gollaha Guurtida ayaa la fasaxay muddo shan maalood ah, markii Guddoomiye Saleebaan soo celiyay xeerarka khilaafka siyaasadeed iyo sharci xudunta u ah, iyadoo ay madaxtooyaddu usoo gudbisay gollaha guurtida qoraalka muddo kordhinta ee .ku lifaaqan soo jeedinta guddida doorashooyinka Qaranka ee taariikhaysan tahay, 24, 9 2022, iyagoo tilmaamay in muddada dastuuriga ee Madaxweynaha u hadhay aannay ku qabsoomayn doorashada Madaxtooyaddu sidaa awgeed ay u baahan yihiin muddo Sagaal Bilood ah si ay ugu diyaariyaan dhaqaale ahaan iyo farsmo ahaan.

Laxidhiidha:Xildhibaano Hanjabaad U Diray Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada

Qabsoomida iyo muddaynta Doorashada Madaxtooyadda oo mad-madaw baddan ay ka muujinayeen labada Xisbi mucaarad iyo furista Ururada Siyaasada iyo Asxaabta qaranka, ayaa ahaa xuddunta khilaafka loo caalwaayay soo jiitamay, waxayna labada xeer xilligan dabka kusoo shiday noqonayeen sharciyadii qabayada ahaa ee jaangon lahaa jihada siyaasadeed ee wax baddan qayb ka noqon lahaa daminta in baddan oo murranka iyo khilaafka siyaasadeed ah, kaas marar baddan lagu guuldaraystay xalkiisa, wallow ay qayb weyn ka noqonay khilaafka muddada xukuumadda ee gabaabsiga ah iyo in xukuumadda loo kordhiyo muddada xilka oo aannay ka fursanayn, balse waa mid ka mid ah dooddaha ugu waaweyn ee ay inta baddan ka qaylinayeen mucaaradku, iyagoo cod dheer ku sheegayay in baddan in aannay marnaba aqbalayn.

Laxidhiidha:Xeerarka Xiisaddu Ka #Aloosantay Oo Guurtida Loo Gudbiyay Iyo Xaaladda Cakiran Ee Siyaasadda

Hase yeeshee dhammaan arrimahaa khilaafka siyaasadeed ee soo jiitamay oo ay dabka kusii shideen xeerarka dhaawacay hawl maalmeedkii shaqada gollaha wakiillada iyo fadhiyadiisa, isla markaana lumiyay kalsoonida wadasahqaynta labada golle iyo mudda kordhinta miiska saaran, ayaa ugu danbayntii kusoo afgo’ay aqalka gollaha guurtida ee Guddoomiye Saleebaan hoggaamiyo, waxayna dhammaan furdaaminta arrimahan iyo iswaafajintoodu hal-xidhaale aan hore usoo marin ku tahay Aqalka Guurtida, iyadoo qaabka ay furdaamiyaan raad cad ku yeelanayaan masiirka iyo mustaqbalka Somaliland, maadaama arrimahan khilaafka ee hore u taagnaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad xilligan kusii fidayaan hay’addaha qaranka oo ay goroda isu geliyeen Wakiillada iyo Guurtida oo ah Baarlamaanka iyo xukuumadda oo ah fulintii, isal markaana aannay ka madhnayn dooraka ay khilaafka ku yeelanayaan Ururrada Siyaasadeed ee dhowaan la yegleelay.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

Khilaafka siyaasadeed maaha mid ku cusub Somaliland, waxaana inta baddan la arkaa xilliyada loo heensaysto dhanka doorashooyinka xilli hay’addihii muddada dastuurku cayimay lasoo dooran lahaa aannay suurta gelin sabab kasta ha ku timaadee, balse inta baddan khilaafyada ayaa ugu danbaynta xal dhinacyadu heshiis ku yihiin miiska la keeni jiray, laakiin arrimaha ayaa u muuqda kuwo ka miisaan weyn muddada xukuumadda oo la kordhinayo iyo asbaabaha kale ee ku xeeran waana sababta khilaafku muddada dheer usoo jiitamay, mana aha in xal loo waayay ee xafiiltanka sida xadhkaha ugu soohmay oo sababay in illaa xilligan uu soo gaadho khilaafkan oo mararka qaar loo ibasaaro inoo kasoo unkamay shan sannadood muddo ku dhow xilligii doorashada Madaxtooyadda, laakiin marba sida hirarka usoo kacayay ilaa uu sida ladhka usoo kacay markii muddo kooban u muuqday mid sida dabka u gamaaray markii lagu kala calaf qaaday gaadhay doorashooyinkii isku sidkanaa ee gollaha Wakiillada iyo gollayaasha deegaanka ee ka qabsoomay Somaliland May 2021.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

Xilligana khilaafka siyaasadeed iyo sharci, wuxu u muuqdaa mid isagoo sii xoogaystay, isla markaana harabiyood ugu soo ururray Aqalka Guurtida oo daawadayaal ka ahaa ka hor intii aannu afaafka uga soo gelin isagoo Ooddihiisa wata, sidaa awgeed waxa looga fadhiyaa furdaamintiisa iyo sidii ay qaranka uga badbaadin lahaayeen hal-xidhaalaha isku xidhmay ee u baahan in si taxadir iyo lexejeclo baddan ka muuqato oo aan uga sii darin xaaladda u furdaamiyaan, waxaase la eegi doonaa qaabka ay ku bilaabaan baaxadda hawlaha horyaal ee shacbigu u dhegtaagayaan oo ku dhammaanaya natiijo ahaan dariiqa ay u maraan furdaaminteeda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com