“Guddoomiyuhu wuxuu sameeyay wax aan weligeed ka dhicin Somaliland” Odatyaasha Guurtida

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaano ka tirsan Aqalka Odayaasha gollaha Guurtida, ayaa ka cadhooday qaabka guddoomiyaha gollahooda Saleebaan Maxamuud Aadan uga fal celiyay xeerarka murranka ka dhex aloosay gollaha wakiillada ee dib loogu celiyay gollaha, iyadoo aan la keenin fadhiga gollaweynaha Guurtida.

Xildhibaanada Odayaasha guurtida oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku tilmaamay go’aanka guddoomiyaha guurtida mid aan soo marin taariikhda golle ahaan, waxayna ku macneeyeen mid khaldan oo ay wax iska weydiin doonaan.

“Weligeed may dhicin in xeer lasoo gudbiyay oo ka yimi gollaha wakiillada ee wadashaqayntu naga dhaxayso dib loo celiyo, iyadoo aan la horkeeniin fadhiga gollaha ee muddanayaasha, mana dhicin weliba in banaanka la dhigo oo lagu daadiyo.” Sidaa waxa yidhi, xildhibaanada Aqalka Odayaasha ee ka hadlay arrintaa oo noqotay dhacdo ku cusub Somaliland.

Dhawr ka mid ah muddanayaasha Odayaasha Guurtida, ayaa si cad u dhaleeceeyay qaabka shirguddoonka gollaha guurtidu u celiyay Xeerarka khilaafka ka dhex abuuray muddanayaasha gollaha wakiillada Somaliland.

Muuqaalkan Ka Daawo

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com