Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa maddaxa lasoo kacay saacado baddan kaddib markii ay la daandaameen dingaraaro siyaasadeed oo si lama filaan ah u sadhaysay saaxaadda siyaasadda Somaliland oo horeba ula liic-liicaysay khilaafka siyaasadeed ee ugu danbayntii isugu biyo shubtay gollaha guurtida.

Laxidhiidha: Guurtida Iyo Madaxweyne #Biixi Oo Isu #Kordhiyay Mudda Xileedyada

Mucaaradku waxay cod-dhiilo ah kaga jawaabeen mudda kordhin laba sannadood ah oo gollaha guurtidu maalintii Sabtidii si lama filaan u meel mariyeen, kaddib markii ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo mudda xileedkiisu ku dhowyahay dhammaad u kordhiyeen laba sannadood, isla markaana golle ahaan ay korodhsadeen muddo shan sannadood ah si ay usii fadhiyaan kuraasta.

Soo jeedin toddobaadkii hore ay soo gudbiyeen guddida doorashooyinka qaranka oo lagu socodsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axsaabta Qaranka iyo danneeyayaasha geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, waxay ku sharaxeen in aannay muddada xilka Madaxweynaha ka hadhay ku qaban karin doorashadda Madaxtooyadda, sidaa awgeed loo baahanyahay muddo sagaal bilood ah in ay helaan si ay ugu diyaariyaan doorashadda Madaxtooyadda.

Dhawaaqa Guddida Doorashooyinka ee ay ku sharaxeen in xilligan sababo jira awgood aannay ku qaban karin doorashadda, ayaa loo arkayay mid macquul oo aannay axsaabta mucaaradku si weyn uga biyo diideen, waxayna naawilayeen guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ooh ore carabka ugu dhuftay in golle ahaan ay guddi u saarayaan si ay usoo naaqishaan arrimaha ku gadaaman mudda kordhinta iyo xilliga munaasibka ah.

Laxidhiidha: Guurtidu Ma Furdaamin Doonaan Arrimaha Kusoo Afgo’ay Maxayse Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Saleebaan Ka Wadahadleen

Labada xisbi mucaarad, ayaa u dheg-taagay weedhaha kasoo baxay guddoomiyaha guurtida, waxayna filayeen in sida caadada u ahayd gollaha Odayaasha marka ay yimaadaan arrimahan oo kale loo saari doono guddi soo naaqishta oo kulamo la yeelata dhinacyada doorashada tartankeedu ka dhexeeyo iyo xukuumadda oo fulinteeda leh.

Gollaha Guurtida, waxa labadii toddobaad ee u danbeeyay ku kulmay xeerar khilaaf weyn ka dhex dhaliyay gollaha wakiillada oo ay ku kala qaybsameen, isla markaana sababay in shirguddoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilladu si weyn isugu maandhaafeen oo aan weli xal loo helin.

Sidoo kale, waxa soo gaadhay soo jeedinta guddida doorashooyinka oo Madaxtooyadda looga xanbaariyay lifaaqa mudda kordhinta, waxayna dhammaan arrimaaha oo sal u ahaa khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer haystay saaxadda Siyaasada Somaliland, isla markaana wer-wer iyo cabsi ku haya bulshadu isugu soo gororeen gollaha guurtida, waxaana guurtida loo jeedinayay baaqyo iyo dhawaaqyo warbaahinta loo marinayay oo ka imanayay muwaadiniinta aan iyagu qayb ka ahayn loolanka siyaasada iyo shaqsiyaadka indhaha gorgorka leh oo ugu baaqayay dhammaantood in arrimaha is barkan ee ku kulmay gollahooda aannay la mug iyo miisaan ahayn marxalado sidan oo kale ah marka laga hadlayo mudda kordhinta ay gollaha guurtidu marar baddan usoo sameeyeen Madaxweynayaashii hore, isla markaana ay arrimaha horyaal ka mug weyn yihiin kuwii ay masraxa hore ugu arki jireen, sidaa awgeed aannay ku degdegin ee sameeyeen la-tashi ballaadhan iyo deganaansho si aanu go’aanka ay qaataan u noqon foolkaane siyaasadeed oo cawaaqib xun ku yeesha deganaanshaha iyo xasiloonida Siyaasadeed ee uu ruxayay sannadii u danbeeyay oo marba soo kicinayay ladh siyaasadeed iyo hibashooyin mucaaraadka iyo taageerayaashoodu diiwanka gashadeen.

Hase yeeshee guurtida, ayaan dheg u dhigin talliooyinka iyo dhawaaqyada ka digaya in aannay gaadhin xilligan xaaladda dalku kusii socoto murruga siyaasadeed ee loo maara waayay, waxayna Sabtidii 1 Oct, 20220, xilli hore iska xaadiriyeen gollaha 74 xildhibaan oo qaarkood aannay muuddo dheer fadhiyada gollaha kasoo xaadirin, iyagoo sanqadhtirasho ku jira, waxayna miiska soo dhigteen laba mudda kordhinood oo mid ahayd mudda Madaxweynaha iyo muddada xilkooda, waxayna ku duugeen codka, iyadoo aannay jirin su’aal keliya oo layska weydiiyay waxa ka dhalankara labada go’aan ee saamaynta weyn ku leh masiirka iyo mustaqbalka dalka.

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga ugu weyn mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku sugnaa gollaha guurtida iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif wax yar ka hor inii aannay labada soo jeedimood u codayn xildhibaanada gollaha guurtidu, waxayna Guddoomiye Khaliif iyo Cabdiraxmaan Cirro oo aan si dhab ah loo ogayn waxay u socdaan kulan gaar ah oo gooni gooni ah la yeesheen Guddoomiye Salebaan Maxamuud Aadan, wallow aan la ogayn waxyaabaha rasmiga ah ee ay ka wada hadleen, balse tibaaxo ay heshay Araweelo News Network, ayaa shaagaya in Cabdirisaaq iyo Cabdiraxmaan Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, aannay arrimaha ay gollaha ugu jarmaadeen ka madhayn in Guddoomiye Saleebaan ay kala hadlaan arrinta mudda kordhinta oo u muuqtay in mid aannay Sabtidii filayn mucaraadku iyo arrimaha xeerarka khilaafka ka dhaliyay labada shirguddoon iyo weliba kala qaybsanaanta gollaha wakiillada.

Sida ay xoggahaasi u tibaaxeen Araweelo News Network, Guddoomiye Saleebaan wuxuu ku dhaqaajiyay Murrashaxa Cabdiraxmaan in aannay muddada ay golle ahaan kordhinayaan ka badnaanayn muddada sagaalka bilood ee farsamo ahaan Guddida doorashooyinku qabsadeen, balse Cabdiraxmaan oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha, ka hor intii aannu ka bixin xayndaabka dhismaha Baarlamaanka, wuxuu afka la gaadhay qaar ka mid ah Xildhibaanada Guurtida ayaa ku booruyay in ay diidaan, wallow aannay waxba ka beddelin mawqifkoodii ay saaka ku yimaadeen gollaha oo u muqday mid dibedda laga soo abaabulay oo aan xilligaa cid kale fursad uga banaananayn, waxayna 74 xildhibaan u coddeeyeen in muddo laba sannadood ah loo kordhiyo mudda xileedka Madaxweynaha, sidoo kale, waxay muddo shan sannadood ah ku darsadeen mudda xileedkooda, iyagoo ku meel mariyay cod gacan tag ah.

Go’aamada oo dingaraaro siyaasadeed iyo filanwaa ku ah nidaamka geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ee khilaafka xalka loo waayay ka taagnaa, ayaa xaaladda usii cayn iyo bayd gooyay, isla markaana taageerayaasha mucaaaradka iyo in baddan oo muwaadiniinta aan ku milmin xafiiltanka Siyaasadeed iyo ficiltanka luminaya, ama daaha madaw saaraya masiirka iyo mustaqbalka dalka, ayaa su’aalo iska weydiinaya halka uu dariiqa siyaasadeed ee xilligan loo jeexay Somaliland iyo qaranimadeeda geynayo.

Mucaaradku iyagoo la daandaansan go’aamada sida lama filaanka ah ay guurtidu u meel mariyeen ayay maqleen dhawaaqyo xanbaarsan wiirsi iyo hanjabaad oo daba socda go’aamada Sabtidii dhega-barjeeyay ee Guurtida, kaddib markii Madaxweyne Biixi oo maalintii Sabtidii ka sugnaa munaasibad loo qabtay Ciidanka Badda ee Somaliland hadal uu ka jeediyay halkaa ku tiiq-tiiqsaday, isagoo tilmaamaya in mudda kordhinta Dastuurku jideeyay, balse aannay Ururro muddada loo kordhinayaan jirin, isla marakaana doorashada tartanka Uruurrada la qabano.

Tashiyo hoose oo mucaaradku lahaayeen 48-kii saacadood ee u danbeeyay waxay si cad u sheegeen iyagoo muujinaya sida ay uga murraara-dilaaceen go’aamada mudda kordhinta ee guurtida in hadda wixii ka danbeeya aannay filayn wax baddan oo ay rajo ka qabeen, sidaa awgeed waxa muuqata in marka laga yimaado dhawaaqyo kooban oo ah in aanay marna ixtiraamayn mudda kordhinaha in ay jiraan go’aamo kale oo meel u yaal, kuwaas oo aannay xilligan shaaca ka qaadin, balse waxay taageerayaashooda ku wargeliyaan in guushu ay hadda ugu dhowadahay oo ay doyaar garoobaan.

Si kastaba ha ahaatee xilligan waxa muuqata in dad baddan oo dhacdooyinka khilaafka  xidhiidhka ah ee dhanka Siyaasadda Somaliland ku dhowaad sannadkii u danbeeyay ku socday xawaare sare ay noqon karaan kuwo calaamtu su’aal geliya mustaqbalka, isla markaana manja-xaabiyo xasiloonida iyo deganaanshaha aan tiirarka adag ku taagnayn, balse waxay jawaabaha dhacdooyinkan noqon doonaan kuwo taariikhdu xusi doonto natiijadooda iyo halka ay u jiheeyaan Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com