Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo saaka xili hore yeeshay fadhi dibedda lagaga soo shaqeeyay, ayaa miiska soo dhigay laba soo jeedinood oo dhanka Madaxtooyadda ka yimi, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa in ay xilalka isku kordhiyaan muddo laba sannadood ah iyo muddo shan sannadood ah.

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhiga ka sheegay in 74 xildhibaan oo ka mdi ah 82-ka xildhibaan ee golluhu ka kooban yahay fadhiyaan oo kasoo xaadireen madashada.

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu markaa kaddib u sheegay muddanayaasha in ay horyaaliin laba soo jeedimood oo ka yimi Madaxtooyadda, kuwaas oo mid ka mid ah ay tahay muddada xilka Madaxweynaha oo gabaabsi ah sidaa awgeed loo baahanyahay in la kordhiyo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in soo jeedinta kale tahay mid Madaxweynuhu ku dalbanayo maadaama xilka muddada guurtidu dhammaanayo in la kordhiyo.

Muddanayaasha maddasha fadhiga kasoo xaadiray, ayaa markaa kaddib cod loo weydiiyay, iyadoo aan wax dood ah la gelin labada soo jeedimood, isla markaana aannay jirin guddi uu guddoomiye Saleebaan hore u sheegay inuu u ssaarayo arrinta mudda kordhinta sida gollaha hore looga bartay marka ay yimaadaan arrimaha la xidhiidha mudda kordhinta.

Gollaha ayaa u kala coddeeyay siday u kala horeeyaan labada soo jeedimood, waxaana muddada Madaxweynaha loogu kordhiyay muddo laba sannaood ah, iyadoo markaa kaddib golluhu u codeeyay inuu isu kordhiyo mudddo shan sannadood ah.

Muuqaalkan ka Daawo qaabka ay u dhacday mudda kordhinta Madaxweynaha iyo muddada ay isku kordhiyeen Guurtidu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.