Qalalaasaha ayaa ku qasbay Bangiga England inuu sameeyo faragelin degdeg ah.

Araweelo News Network.

London(ANN)-Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay London iyo magaalooyinka kale ee dalka Britain, iyadoo xukuumadda ay waajahayso dhaqaale xumo uu sababay dagaalka Ukraine, waxaana si weyn hoos ugu dhacay lacagta Pound-ka oo ka hoos martay dollarka taariikhda markii ugu horaysay.

ALT: Araweelo News Network
Muuqaal ka mid ah Muddaharaadyada gilgilay Uk, 1 Oct 2022, Image Araweelo News Network

Dadka muddaharaadyada isugu soo baxay ayaa ka soo horjeeda sare u kac weyn oo ku yimid qiimaha tamarta, waxayna arrintani sababtay in xaaladdu qasanto oo ay noqoto mid aan la saadaalin karin, haweenayda ra’iisal wasaaraha ka ah Britain Liz Truss ayaa u muuqata mid wajahaysa qalalaase dhanka kalsoonida shacabka wax ka yar bil kadib markii ay xilka la wareegtay.

Kor u kaca kharashaadka daynta, hawlgabka ayaa meesha ka saaray, ganacsiyada, dhibaatada ayaa kusoo beegantay Todobaad keliya ayaa markii ay kasoo wareegtay tan iyo markii Ra'iisal Wasaare Liz Truss iyo Wasiirkeeda Maaliyadda, Kwasi Kwarteng ay ku dhawaaqeen qorshe dhaqaale oo cusub, kaas oo lagu dhimayo canshuuraha laguna kordhinayo amaahda Boqortooyada Ingiriisku ay bixiso.

Xukuumada Truss waxa saaran cadaadis aad u ba’an si ay u soo jeediso qorshe lagu dhimayo cashuuraha dadka hodanka ah, oo ay ku jiraan gunnooyinka Bangiyada, taas oo kicisay cadho dadweyne oo gilgishay suuqyada maaliyadeed.

Qorshaha cashuur-dhaafka, oo ay weheliso kharashka dawladda ee sicirka qiimaha tamarta, ayaa si weyn u kordhin doona amaahda dawladda, halka Kharashaadka cusub uu keenay in lacagta Pound-ka Ingiriiska uu hoos ugu dhaco heerkii ugu hooseeyay abid marka loo eego doolarka.

Qalalaasahaas ayaa ku qasbay Bangiga England inuu sameeyo faragelin degdeg ah si xaaladda loo dejiyo, iyadoo laga cabsi qabo inay burburto lacagaha hawlgabka ee UK.

Mudaaharaadyada ayaa Sabtidii ka dhacay magaalooyin baddan oo UK ah, kuwaas oo ka dhashay dhibaatada maciishada oo sii xumaanaysa iyo tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Liz Truss, waxayna dad baddan oo khuburo ah u malaynayaan inay arrimaha uga sii dartay siyaasadaha dowladda.

Kumanaanka isugu soo baxay muddaharaadyada, ayaa masiibadan la xidhiidhiyay arrimo kala duwan, iyagoo qaarkood ahaayeen kooxda diiradda saaraysa sicir-bararka, kuwaas oo leh, “Don’t Pay UK”, isla markaana xidhay waddooyinka iyo Buundooyinka London.

Kooxda kale, ayaa ku boorisay dadka British-ka ah inay diidaan bixinta biilasha gaaska iyo korontada, iyadoo ay jirto sare u kac ku yimid qiimaha tamarta, qayb ahaan natiijadii dagaalka Ukraine.

Qaar badan oo ka mid ah mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay “ma bixin karaan, ma bixin doonaan,” waxayna gubeen tabeelayaal ay ku qornaayeen weedho ka hadlayay tamarta oo ay u arkayeen in ay yihiin kuwo jeesjees ah iyo Biilasha, kuwaas oo tixraacaya korodhka qiimaha weyn ee tamarta ee dhaqan galay Sabtidii.

Hase yeeshee Qiimaha tamarta ayaa kor u kacday ku dhawaad saddex meelood meel in kasta oo uu sarreeyo, waxayna ra’iisal wasaaraha UK Liz Truss  kor u qaaday si celceliska qoysku u bixiyo biilasha tamarta sannadlaha ah ee 2,500 rodol, taas uu u dhiganta ($2,792, €2,840), waxaana lagu tilmaamay mid aad uga hooseeya saadaasha ugu xun ee ay waajahaan dadka reer Britain.

Khuburada dhaqaalaha, ayaa muujinay in qiimuhu weli kor u kici doono celcelis ahaan 27% labada sano ee soo socota, isagoo horeba u kacay dhawr jeer 12 bilood ee la soo dhaafay.

Muadaharaadayaasha oo muujinayay arrimo kala duwan iyo cabashooyin xidhiidhsan, waxay qaarkood ahaayeen Dibad-baxayaasha si gaar ah u muujinayay arrimaha deegaanka, kuwaas oo sitay Boodhadh ay kusoo xardheen “Just Stop Oil,” waxayna dalbanayaan in dawladda UK ay joojiso soo saarista cusub ee saliidda iyo gaaska.

Mudaaharaadyo kale ayaa ka socday magaalooyinka Manchester, Glasgow, Belfast iyo Cardiff, iyo sidoo kale magaalada Birmingham ee badhtamaha Ingiriiska, halkaas oo xisbiga talada haya ee Conservative Party uu maalinta Axadda ah ka furmi doono shirweynihiisa sannadlaha ah.

Ra’iisal wasaare Truss ayaa Sabtidii qalinka ku duugtay sida lagu sheegay maqaal ku soo baxay wargeyska The Sun, waxayna ku qiratay maqaalkaa in qorshuhu uu sababay carqaladayn muddo gaaban ah,  balse waxa ay wacad ku martay in ay ku cadaadin doonto, iyadoo  lacagta dadwaynaha ku maamuli doonta sida ay sheegtay gacan bir ah.

Daily Telegraph, Chancellor (Wasiirka Maaliyadda) Kwasi Kwarteng ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay bisha soo socota daaha ka qaadi doonto “qorshe maaliyadeed oo dhexdhexaad ah” kaas oo dejin doona waddo lagu dhimo amaahda, oo ay weheliso “sharciyada maaliyadeed ee cusub iyo ballanqaadka kharashka anshaxa.

Ra’iisal wasaaraha UK Liz Truss , ayaa sheegtay in qorshe buuxa oo ay ka heleen hay’adda ilaalisa maaliyadda dalka, Xafiiska Mas’uuliyadda Miisaaniyadda (OBR),  ay la socon doonto qorshaha 23-ka November 2022.

“Dhammaan tallaabooyinka aan ku dhawaaqnay usbuucii hore ma noqon doonaan kuwo caan ah oo caalami ah. Laakiin waxay ahayd inaan sameyno wax ka duwan. Ma haysanno doorasho kale,” Kwarteng ayaa ku qoray wargeyska.

Dhinaca kale, ra’yi ururin ayaa lagu ogaaday in in ka baddan kala badh dadka Ingiriiska ah ay qabaan in Truss iyo Kwarteng labaduba ay tahay inay is casilaan, iyadoo xaaladda dalku gashay meel adag oo khatar ah, waxaana laga walaacsan yahay in istaraatijiyadda maaliyadeed ee dawladda ay si joogto ah u wiiqdo awoodda deynta UK.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com