Araweelo News Network.

Masuuliyiinta Ku Nafwaayay Qaraxyada Iyo Al-shabaab oo Ka Hadashay Khasaaraha

Beledweyn (ANN)-Qaraxyo waaweyn, ayaa si xidhiidh ah uga dhacay saacadihii u danbeeyay Magaalada Beledweyn ee gobolka Hirshabeelle ee Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyay in ay dadka dhintay ku jiraan Wasiirkii Caafimaadka iyo masuuliyiin maamulka gobolka ka tirsanaa.

Burburka dhismayaashii xarunta u ahaa Maamulka ee ay burburiyeen qaraxyadu ka dhacay Lama-galaay Beledweyne, Image Araweelo News Network, 3 Oct, 2022.

Tirada dadka ku dhintay qaraxyada ayaa sheegaya ugu yaraan 20 qof, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiintu, halka ilaa inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen 36 qof, wallow Al shabaab sheegtay in ku dhowaad 100  qof oo masuuliyiin iyo saraakiil u baddan ay ku dhinteen qaraxyada.

Qaraxyada oo ay laba ka mid ah ahaayeen baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha loo adeegsado qaraxyadam ayaa galay xerada ciidanka loo yaqaan lama-galaay, halkaas oo maamulka gobolka hoy u ah, isla markaana ay ku yaaliin xafiisyada maamulku.

Labo ka mid ah qaraxyada ayaa dhacay saaka barqadii xilli ay saacadu ku beegnayd 10:30 subaxnimo ee xilliga Soomaaliya, balse qaraxa kale ee saddexaad ayaa isla maanta gelinkii danbe ka dhacay halkaa, oo galabnimadii si weyn looga maqlayay gariirka uu sameeyay iyo qiiqa hawadda isku shareeray.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka ag dhowaa goobta qaraxyadu ka dhaceen, ayaa warbaahinta u sheegay in labadii qarax ee hore ahaayeen laba baabuur oo lala beegsaday saldhigga ciidamada ee loo yaqaan Lama-galaay oo sidoo kale maamulka Hirshabeelle ay degan yihiin.

Dadka ku dhintay qaraxyadii saakay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Madey iyo wasiirkii caafimaadka ee gobolkaasi Sakariye Maxamed Axmed.

 

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna Al Shabaab oo ka hadashay weeraradii nafhurnimo ee Beledweyne ka dhacay sheegtay in ay ku dishay in ka baddan 100 qof, wallow dawladda Federaalku sheegtay in ay ku dhinteen 15 qof.

Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al-shabaab, ayaa u sheegay warbaahinta inta baddan baahisa wararka xarakadda in ujeedadii laga lahaa weerarada qaraxyada ah laga gaadhay guul weyn, isla markaana khasaare weyn ay gaadhsiiyeen kuwa uu ku tilmaamay in ay yihiin caddaw isu bahaystay xumaan iyo in ay walaayadda Islaamiga ah la dagaalamaa, wuxuuna dadka deegaanka uga digay in ay ka fogaadaan goobaha maamulka iyo xeryaha si aan khasaare uga soo gaadhin weerarada ay qorshayanaan eek u waajahan.

Magaalada Beledweyne, ayaa qiyaastii 300-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxaana deegaanka Hirshabeelle ee ay xarunta u tahay Beledweyn toddobaadyadii u danbeeyay ka socday dagaalo aan waxba laysula hadhin noo u dhexeeyay ciidanka maamulka gobolka iyo kuwa federaalka oo taageeraya malayshiyaad dagaal kula jiray ciidamadamada Al-shabaab ee muddada dheer deegaamadaa sida xooggan u deganaa.

Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo  ay horkacayeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, kuwaas oo ciidamo malayshiyaad deegaanka ah oo ka barbar dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya hoggaaminayay, iyagoo guulo ka sheeganayay dagaalka, isla markaana soo bandhigayay in ay deegaamo baddan ka saareen oo la wiiqay awooddii ay Al-shabaab ku lahayd gobolka, balse weerarada xidhiidhka ah ee sababay khasaaraha weyn ayaa muujinaya in Al-shabaab sida ay inta baddan samayso dib isu soo abaabusho, isla markaana qaraxyo waaweyn oo dhiig baddan ku daato iyo weeraro sameeyaan.

Dhinaca kale, qaraxyada silsilada ah ayaa kusoo beegmay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe 1 October, 2022.

 

Wasaaradda Warfaafinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Isniintii maanta sheegtay in howlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda oo kaashanaya waxay ku tilmaameen saaxiibada caalamiga ah oo  aannay magcaabin kuwa ay yihiin hawlgalkaa ku dileen Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Ururka  Al-Shabaab ee caanka ku noqday dagaalada uu ka wado Soomaaliya dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay, tan iyo markii la maqlay magaca kooxdaa 2004.

Sarkaalka xilligan ay dawladda Soomaaliya sheegtay in la dilay oo xubin sare oo muhiim ah ka ahaa Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgal dhinaca cirka ah oo lala kaashanayo wararka sirdoonka ee sattaliytka iyo sirdoonka dhulka, waxaana sarkaalkaa hore Maraykanku ugu baayacay maddaxiisa dhawr Milyan oo dollar. Iyadoo aqalka cad uu bixiyay $3 milyan oo dollar, taas oo ujeeddada uu ka lahaa ahayd in la helo xog la xidhiidha sarkaalkaa si loo dilo, ama loogu qabto nolol, sidoo kale, Maraykanku waxay khaarajinta sarkaalkaa ciddii door ka qaadata  la siin doono $6 milyan.

 

Nadiir, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdullaahi Yare, waa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna kasoo qabtay Ururka xilalka warbaahinta, maaliyadda iyo wacdiga ama waaxaha loo yaqaan “Daawaha”. Sidoo kale, Sarkaalka ayaa saaxiib dhow la ahaa hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya September 2014, iyadoo markaa kaddib uu xukunka la wareegay Amiirka xilligan hoggaamiya koooxda Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com