Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Asbaabaha xuddunta u ah arrimaha sida weyn laysugu khilaafsanaa muddo ku dhow sannad oo ruxuyay saaxadda siyaasadda Somaliland, isla markaana saamayn ku yeeshay nidaamka geedi socodka dimuqraadiyada doorashooyinka, deganaanshaha iyo xasiiloonida dalka, ayaa ugu danbayntii isugu biyo shubtay gollaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Ka Halday Muddada Doorashada

Alt: Araweelo News Network
Gollaha Guurtida Somaliland, Image file, Araweelo News Network, 24, September 2022,

Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku xaqiijinayaan in aannay xilligan qaban karin doorashada Madaxtooyadda 13 Nivember 2022, iyagoo farsamo ahaan sheegay in ay suurta gal tahay in ay helaan muddo Sagaal bilood ah, taas oo ay ka eegeen sida y ku muujiyeen qoraalkooda farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Laxidhiidha: Xildhibaano Hanjabaad U Diray Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada

Sida ay sheegeen ila wareedyo ku dhow gollaha guurtida Qoraalka sababysan ee Guddida doorashooyinka, wuxuu Madaxweyne Biixi isla maanta usoo gudbiyay Gollaha Guurtida,, isagoo ku lifaaqay qoraalka tilmaamaya in muddada xukuumaddu ku dhowdahay gabaabsi, sidaa awgeed ay waajibkooda uga gutaan si dastuuri ah, si aannay u dhicin xilli dhammaadka xukuumadda oo aannay jirin xukuumad cusub, maadaama ay guddida doorashooyinku cadeeyeen in aan muddada u hadhay xukuumadda lagu qaban karin doorashada Madaxtooyadda.

Laxidhiidha:Xeerarka Xiisaddu Ka #Aloosantay Oo Guurtida Loo Gudbiyay Iyo Xaaladda Cakiran Ee Siyaasadda

Qoraalka dhanka Madaxtooyadda waxa ka horeeyay xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha Xeer L/R 91, 2020., kuwaas oo loo gudbiyay gollaha Guurida si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan 20 September 2022, kaddib markii gollaha wakiilladu ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis labadaa xeer oo ahaa kuwo xaasaasi ah oo qayb ka ahaa xudunta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimha doorashooyinka oo soo jiitamayay.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

Hase yeeshee wax-ka-bedelka iyo kaabista labada sameeyay labada xeer, ayaa si lama filaan ah looga ansixiyay, wallow aannay xildhibaanada meelmmariyay u helin aqlabiyad buuran, kaddib markii ay ku meel mariyeen 33 xildhibaan oo ahayd, balse maalin kaddib 46 xildhibaan oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada gollaha ayaa si weyn u naqdiyay meel marinta labada xeer ee loo gudbiyay gollaha guurtida, waxayna ku tilmaameen khiyaamo cad oo masuuliyadeeda uu leeyahay shirguddoonka golluhu.

Xildhibaanada dhawr iyo afartanka oo u balnsanaa Sabtida 24 September, 2022, in ay keenaan mooshin ka dhan ah shirguddoonka, ayaa hore ugu hanjabay in aannu golluhu furmayn ilaa laga bixiyo arrinta labadaa xeer raaligelin, iyagoo guurtidana saaka u gudbiyay qoraal ay kaga dabatageen labada xeer ee kala ah, xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha Xeer L/R 91, 2020., kuwaas oo ay gollaha Guurida ku wargeliyeen in aannay ahayn sharci ee ay dib ugu soo celiyaan golla wakiillada si loo waafajiyo sharciga.

Dhammaan mawduucyada xudunta u ah khilaafka ee Isbhaysiga labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda u dhexeeya, isla markaana ay xilligan qayb ka yihiin Ururada dhowaan la diiwaangeliyay iyo weliba xeerarka xaasaasiga sababay in mar kale uu kala qaysamo gollaha wakiilladu, ayaa isugu biyo shubtay gollaha guurtida,

Inkasta oo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu weheliyo guddoomiyaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif mar u holaday xalinta khilaafka, kaddib markii ay kala wareegeen ergooyin iskood isu xilqaamay, balse waxa in baddan oo bulshada ka mid ah ku macneeyeen in aannu ahayn guddoomiye Saleebaan ahayn mid si daacad ah uga hawlgalay sidii xal loogu raadin lahaa khilaafka siyaasadeed, taas oo sababtay in xalka khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka ee loo caal wayaayo, iyadoo golohiisa guurtidu noqdeen kuwo dhufayska ugu jiray marka laysla gaadho xilliga gabaabsiga xukuumadda ee muddada xilka Madaxweyneha, isla markaana indhaha ka qarsadeen in dhinacyada laysu soo jiido xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad inta aan xeedho iyo fandhaal kala dhacin.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

Xilligan oo gollaha guurtidu ay noqdeen halka ay kusoo gororeen arrimaha bud-dhiga ah u ah khilaafka siyaasadeed ee soo jiitamay, sidaa awgeed waxay in baddan oo ka mid ah Bulshadu ka wer-wersan yihiin qaabka ay u maareeyaan arrimaha isuku murrugsan ee xeerarka horyaala iyo dalabka mudda kordhinta Madaxweynaha oo aan laga fursananayn, balse waxa si weyn looga dardaar werinayaa in aannay si miisan leh u qiimayn arrimaha masiiraga ah ee horyaala gollaha guurtida, iyagoo taas bedelkeeda qaada tallaabo aannay kasoo waaqfsan Somaliland oo uga sii darta khilaafka doorashooyinka iyo dhammaadka muddada Madaxweynaha ee xalkoodu kusoo ururay gollaha guurtida Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com