Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga ugu weyn mucaaraadka ee WADDANI, ayaa soo dhawaaqyo iska daba yimi oo kala duwan iyo jawaabo warbaahinta laysu mariyay kaga falceliyay soo jeedinta guddida doorashooyinku Axaddii 24 September 2022, ku caddeeyeen jedwalkooda doorashada Madaxtooyadda Somaliland.

Guddida doorashooyinka, ayaa qoraal ay soo saareen oo ay warbaahinta la wadaageen ku shaaciyay in aannay doorashadu ku qabsoomayn xilliga mudda xileedka Madaxweynaha ee ku beegan 13 Nevember 2022, sidaa awgeed ay u baahan yihiin muddo sagaal bilood ah si ay ugu diyaariyaan doorashada Madaxtooyadda dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Ka Halday Muddada Doorashada

Xisbiga mucaaraadka ee WADDANI, ayaa durbadiiba ka hadlay arrinta soo jeedinta guddida doorashooyinka oo si cad u muujisay in ay lagama maarmaan tahay in la helo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, maadamaa aannay suurtagal ahayn in muddadaa lagu qabto doorashada.

Laxidhiidha: Somaliland: Xalka Khilaafka Siyaasadeed, Mudda Kordhinta Iyo Xeerarka Muranka Dhaliyay Oo Isugu Biyo Shubtay Guurtida

Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Maxamuud Jaamac Galaal oo ka hadlay mawqifkooda Axaddii, ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan soo jeedinta Kommishanka doorashooyinka.

Hase yeeshee afhayeenkii hore ee WADDANI, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa naqdiyay falcelinta Afhayeenka, wuxuuna soo jeediyay in aannu xisbigu ku dedegin inuu go’aan aan laga tashan ka qaato arrimahaa oo kale.

Laxidhiidha: Xildhibaano Hanjabaad U Diray Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada

Xildhibaan Barkhad, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu dhigay bartiisa Facebook, isagoo xusay in xisbi ahaan ay mawqifkooda ku waajahan arrimahaa soo saari doonaan, balse Afhayeenka WADDANI, Maxamuud Jaamac Galaal, ayaa si deg-deg ah jawaab uga bixiyay, isagoo baraha bulshada u mariyay jawaabta,  waxaana jawaabtiisa loo arkay mid muujinay kala duwanaanshaha mawaaqifta siyaasadeed ee xisbiga dhexdiisa arrimaha qaarkood iyo inuu dhibsaday qoraalka xildhibaan Barkhad ku durayay jawaabta uu ka bixiyay soo jeedinta guddida doorashooyinka ee iftiimisay in muddo sagaal billood ah loo baahanyahay in la helo, maadaama aannay  muddada dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha oo gabaabsi ah ku qaban karin doorashada, isla markaana farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan aannay diyaar u ahayn xilligii hore loo filayay ee 13 November 2022.

Laxidhiidha:Xeerarka Xiisaddu Ka #Aloosantay Oo Guurtida Loo Gudbiyay Iyo Xaaladda Cakiran Ee Siyaasadda

Hase yeeshee qoraalada ay baraha bulshada isu mariyeen Afhayeenka iyo Xildhibaan Barkhad oo ah Afhayeenkii hore ee Xisbiga WADDANI, ayaa muujiyay khilaaf saraakiisha ugu sareeya xisbiga qaarkood ka dhex aloosan oo laga dareemay jawaabaha iska soo horjeeda,.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

 Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay hareeraha ka joogaan murrashaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Cali, Xoghayaha Xisbiga, Xidhibaan Barkhad, Afhayeenka Maxamuud Galaal iyo saraakiil kale, ayaa ka muuqday goobta.

Guddoomiye Xirsi, oo ka hadlaya Isniintii soo jeedinta Kommishanka Qaranka, ayaa sheegay in aannay waxba iska beddelin mawqifkoodii ahaa in aannay aqbalayn mudda kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa, marka uu dhammaado xilliga sharciga ahaa ee 13 November 2022.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

“Maadaama xukuumaddan waqtigeedii dhammaaday oo aannay waxba inoogu maqnayn, WADDANI, wuxuu xalka dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa nolloleed u arkaa isbedel lagu diyaariyo doorashooyinka oo doorashada Madaxtooyaddu ugu soo horayso, sharci ahaana diyaar tahay, waxaana markhaatigaa furay guddiga doorashooyinka oo ahayd ha’yaddii u xil saarayd, waxa muuqata in ay muddo iyo jadwal soo gudbiyeen mawqifja xisbiguna waa doorasho” ayuu yidhi., Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com