Jamal Cali XuseenHargeysa(ANN)Murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku eedeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay kalsooni-darro darteed xisbiyada mucaaridka ah uga horjoogsato in lagu martiqaado xafladaha madaxweynuhu ka qaybgalo.
Qoraal uu soo saaray shalay waxa uu ku sheegay in xukuumadda KULMIYE samayso ficillo uu ku sifeeyey inay yihiin qawda maqashii, waxna ha u qaban, laguna beer-laxawsado dadweynaha Somaliland.
“Dadka reer Somaliland ee waddooyinka sameystay waannu hambalyeynaynaa, laakiin xukuumad aan waxba ku darsan inay iyadu xafladaha oo qudha kala qaybgasho oo haddana ugu hanjabto in aan mucaaridka la casumin ma dawbaa? Waa qawda maqashii waxna haw qaban! Waxa aad iiga yaabiyey dhaqanka xukuumaddan KULMIYE ee aadka u jecel xafladdaha, faanka iyo damaashaadka oo weliba dadka ku khasabta in aanay mucaaridku iman, haddii kale madaxweynaha Somaliland in aannu ka soo qaybgeli doonin,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kaloo uu tilmaamay in ficillada in aan mucaaridka lagu martiqaadin xafladaha ay muujinayso kalsooni-darro xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qabo, “Xilligii KULMIYE mucaaridka ahaa waxa uu xafladaha qaran sida kuwa qalin-jebinaha iyo kuwa waddooyinka lagu furayo ee dadkoo dhan mideeynaya uu kala qaybgeli jiray xukuumaddii uu gadh-wadeenka ka ahaa Daahir Riyaale ee UDUB, laakiin markii KULMIYE talada dalka la wareegay wuxuu bilaabay dhaqan siyaasadeed cusub oo ay ka muuqato kalsooni-darro uu mucaaridka iyo afkaartooda ku cabudhinayo. Haddaba, goob aanay xataa dawlad ahaan waxba ku darsan inay yidhaahdaan dadka kale ayaanay iman ma dawbaa? Shalay milgihii iyagoo mucaarid ah ay UDUB siisay hadday garan waayeen miyaanay muujinayenin kalsooni-darro. Shacabku way ka dheregsan yihiin in dawladda oo ordaysa la arko marka ay ka qaybgalayaan xaflad furitaan ah ama meel lagu dhagax-dhigayo, iyadoo xafladdaha dhagax-dhigiduna yihiin kuwa xukuumaddu caan ku tahay, laakiin aan midho-dhalin.
Waxa kuu markhaati ah safarkii dheeraa ee madaxweynahu ku soo maray xeebaha ilaa galbeed ilaa bari iyo Laas-qoray kal-hore (sannadkii 2014); meeye mashaariicdii lagu qiyaasayey $500 milyan ee doollar ee ay dhagax-dhigeen? Miyaanay ahayn qawda maqashii waxna haw qaban? Dadka reer Somaliland ee waddooyinka samaystay waannu hanbalyeeynaynaa.”
Murrashaxa madaxweynaha ee UCID, ayaa kalsooni-darro ku tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ah lagu martiqaadi waayo xafladaha muhiimka ah ee ka dhexeeya qaranka, sida qallin-jabinta ardayda ka baxa jaamacadaha dalka.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com