Araweelo News Network

 

Murrasha WADDANi

 

Hargeysa, (ANN) – Murrashaxa  xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa ku tilmaamay dhacdadii Baarlamaanka ee golaha Wakiiladu qaawisay Hay’addihii dawladda, wuxuuna sheegay  in marka Somaliland khilaaf yimaado ay markiiba soo gurman jireen Xukuumada markaasi joogta, Guurtida ama Maxkamada Sare, balse dhacdadii lixdii August ka dhacday Golaha Wakiiladu ay qaawisay dhamaan hay’adahaasi.

Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaa ku daray in dhacdadaasi ay walwal galisay doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, waxaanu ka digay faragalin lagu sameeyo madaxbanaanida hawlaha guddida doorashada.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa uu sidaasi ka sheegay Munaasibad balaadhan oo xisbiga Waddani uu ku soo dhaweynayey siyaasiyiin miisaan leh oo ka soo shaqeeyey xukuumadihii iskaga kala dambeeyey dalka, kuwaas oo ka soo digo rogtay xisbiga Kulmiye.

Khudbada Musharax Cabdiraxmaan Ciro munaasibadaa ee uu kaga hadlay arrimahaa , wuxuu ku bilaabay sidan:-

“Hoolkan aynu joogno maanta waxa yimid dad tiradoodu ka badan tahay todoba kun oo qof, intaa in leegina banaankay taagnayd taa macnaheedu waxa weeyi in shacbiga Somaliland isbadal rabo, inay yihiin hiil qaran oo shacbigu u hiilinayo isbadal iyo cadaalada, waxaan u mahad naqayaa shacbiga reer Somaliland, waxaan u balan qaadayaa hiilkaa shacbiga in ana aan cadaalad ugu hiiliyo hadii ilaahay ka dhigo.

 

Waxaan ka xumahay in raga halkan sawiradoodu ku sawiran yihiin qaar ka mid ah la afduubay ka dibna la xidhay hadana ay xidhan yihiin dambiga ay sameeyeena waxa weeyaan maxaad Waddani ugu biirteen, shacbigu waa xor, qof waliba isagoo xor ah ayuu dhashay, taasina waxay ka soo horjeedaa dhamaan qawaaniinta iyo distoorka Somaliland, waxaanu kuwii afduubtay ugu baaqaynaa iyo hay’adaha nabadgalyada in sharci jabintaa laga noqdo, xuquuqdoodiina loo soo celiyo, xoriyadoodiina loo soo celiyo, waxay kala yihiin nimankaa la xidhay Cabdilaahi Saleebaan Cali iyo Maxamed Caabi waxa kale oo isaguna mudo xidhnaa nin ka tirsanaa dufcadii hore eek u soo biirtay xisbiga ee la socotay odayaasha Ismaaciil Yare iyo Abiib Timacad oo ah mujaahid Maxamed Cabdi Yuusuf, isaguna dambiga uu galay waa maxaad Waddani ugu biirtay.

 

Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga Waddani, qalbi furan iyo gacmo furanba ku soo dhaweynayaa odayaasha, waayo araga ah ee siyaasiyiinta ah ee miisaanka Somaliland ugu culus leh ee garbahayga taagan oo maanta aan halkan usoo doonan xil iyo xoolo toona, haday xoolo doonayeen Kulmiye yaaliin, haday xil doonayaan Kulmiye ayay yaalaan, labadaa midna may doonayn, waxay u yimaadeen inay qarankan u hiiliyaan, inay dalka badbaadiyaan ayay u yimaadeen, hiil qaran ayay u yimaadeen aad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa.

Waxaan u mahadnaqayaa cidii soo abaabushay xafladan aadka u quruxda badan, xoghayaha guud iyo dhamaan gudidii qaban qaabada.

 

Halkan inantii ka hadashay ee ka midka ahayd dadka qiimaha leh ee inoo yimid, waxay tidhi waxaad ii balan qaadaa inaan la cabudhin hablaha, horta cabudhintu Waddani waa ka xaaraanba, laakiin waxaan balanqaadayaa in aan la cabudhin hablaha iyo Inamada toona.

 

 

Walaalayaal Somaliland waxay kaga duwanayd Somalia waa nabad iyo hanaan saameeya geedi socodka dimuqraadiyada, waxaynu qabsanay laga bilaabo 2001-dii shan doorasho, waxay inoogu qabsoomeen si nabadgalyo ah, waxaynu u mahadnaqaynaa dhamaan xukuumadihii inoo soo qabtay doorashooyinkaas.

Maanta waxaan xusayaa gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo maalin dhaweyd yidhi ‘maanta ayaan u walwal badanahay intii Somaliland jirtay’,- tolow muxuu Arkay, Walwalkaa Faysal waan la qabaa anigu, Shacbiguna wuu la qabaa, waxaan idin tusayaa tusaale yar, Marka Khilaaf yimaado Somaliland waxa markiiba soo gurman jiray oo xalili jirtay Xukuumada markaa joogta ama Guurtida amaba Maxkamadaha (Maxkamada Sare).

 

 

Waxa ayaan daro ah in dhacdadii ka dhacday Baarlamaanka lixdii August ay qaawisay xukuumadii, waxay qaawisay Guurtidii, waxay qaawisay Maxkamadii, xagaynu u ciirsanaa Markaas, waa ayaandaro, walwalka taalaa waxa weeyi in hay’adihii qaranka ee lagu baxsanahay ay maanta dhacdadaasi qaawisay oo ay isku raaceen intaasi iyagoo arkaya oo indhahooda ku arkaya khalad ama cadaaladd daro ama sharci daro, taasi waxa ay walwal galinaysaa in doorashada soo socota ay dadku aad uga walwalaan waxaan soo jeedinayaa in la ilaaliyo madaxbanaanida gudida doorashooyinka, waxaanu uga digaynaa cid kasta oo isku dayda inay faragaliso, waxaanu uga baaqaynaa sidii awalba ahaan jirtay in ciidanka amaanka ee goobaha doorashooyinkku ay ka amar qaataan guddida doorashooyinka oo aanay cid kale ka amar qaadan.”