Araweelo News Network

 

Kulanka Hoggaanka WADDANI kusoo afjaray Khilaafkii golaha Wakiiladda Somaliland

Hargeysa(ANN)-Murrrashaxa Madaxweynaha  ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa ku guulaystay inuu soo afjaro khilaafkii  Baarlamaanka ee golaha Wakiilada ee ka dhashay doorashadii golaha Wakiilada Somaliland.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ay weheliyaan Hoggaanka Xisbiga WADDANI XIrsi Cali Xaaji Xasan, Cabduqaadir Jirde iyo Labada Xildhibaan ee ku muransaa Kursiga Guddoomiyaha.

 

Madasha lagu soo afjaray khilaafkaa oo ay wada joogaan Masuuliyiinta WADDANI Iyo Xildhibaanada ku muransanaa Kursiga Guddoomiyaha Baashe Maxamed Faarax Iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa lagu sheegay in Kursiga Guddoomiyaha cod ki markii hore loogu dhawaaqay Baashe uu lahaa Cabdiraxmaan Talyanle, balse waxa laysla qaatay in  loo daayo Guddoomiyaha  Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.

 

 

Halkan Ka Daawo madasha Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) kusoo afjaray khilaafkaa.