Araweelo News Network

 

 

Hargeysa(ANN) – Murrashaxa  Xisbiga  WADDANI,  Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa Ka haflay Colaadda  ka aloosantay deegaanka Buuhoodle ee u dhaxaysa qayb  ka mid ah  deegaanka.

 

Qoraal kooban Oo Guddoomiye Cirro kasoo saaray arrintaas wuxuu ugu baaqay Labada dhinac in ay joojiyaan dagaalkaa  oo sida uu sheegay la  isku adeegsaday hub wixii ay heli karayeen labada dhinac, Isla  markaana  ay  ku dhinteen  dad tiradooda lagu qiyaasay lix qof halka ay dhaawacyo ka soo gaadheen tiro intaa ka badan.

Murrashaxa  xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro waxa uu ugu baaqay labada dhinac  ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Buuhoodle inay xabada iyo dagaalka joojiyaan oo ay soo celiyaan caqliga iyo nabadgalyada, dagaalkana dad ku dhinta mooyaane aanu dheef lahayn, ayuu Yidhi.

Murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo colaadda  ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa shacbiga walaalaha ah ee degan deegaanka ask in nabadgalyada laga wada-shaqeeyo, walaalnimada la soo celiyo, colaada la joojiyo, dagaalka la joojiyo, dagaal wax inagaga dhinta mooyaane wax inagu soo kordhin maayo.” Ayuu yidhi  Cabdiraxmaan Ciro.