Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhallinyaro muwaadiniin ah oo tiradoodu gaadhayso 240 qof, ka qaaday imtixaan ay ugu tartamayaan 30 shaqo oo ka bannaan Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland.

 

Ka qaybgalayaasha Imtixaanka shaqada

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo ay weheliyaan Madaxda kale ee hay’addaasi oo hoolka Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ku dhaariyey macallimiinta imtixaanka ka qaaday 240 muwaadiniin ee shaqo-doonka ah , ayaa hadal dardaaran ah u jeediyey dhallinyarada u tartamaysa 30 shaqo oo ka bannaan Wasaaradda Dalxiiska Somaliland.

 

“Dhammaantiin dad aqoonyahan ah ayaad tihiin oo imtixaano hore u soo galay oo umaydaan baahneyn sida imtixaan loo galo iyo sida loo dedaalo iyo sida loo tartamo in aynu iskaga warrano, wuxuubaynu iskugu nimmi in aynu isku adkayno, isla markaana Ilaahay uga mahadcelino in uu inoo suurtogalo nidaamkan aynu dooneyno in wixii qarankeena u soo kordha si daah-rogan (transparent) loogu kala calaf qaado oo kaalmaha aad ku tartami doontaan oo 30 shaqo oo bannaan ku dhaw baa waxaan Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka uga mahadcelinayaa runtii hortiina garashadda iyo la shaqaynta ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda la shaqeeyeen ay ogolaadeen wixii ay hayeen intay dhulka soo dhigeen inay yidhaahdaan tartama oo qaranka Somaliland ha ku tartamo shaqooyinka bannaan dhallinyaradiisu, waxaan is leeyahay Wasiirka Khadar (Wasiirka Dalxiiska) waxa caawiyey macallin ayuu ahaayo intiinuba ubadkiisii ayaad tihiin oo isaga ayaan kala jeclaysiga ogoleyn oo badhtamaha iyo badka inoo soo dhigay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu.

Waxaannu intaas ku daray;“Hay’adda Shaqaalaha Dawladda madaxdeeda iyo saraakiisheedu waxay shaqaynayaan saacadahaasi adag si waxaasi ay u noqdaan imtixaan si fiican oo caddaalad ah oo daah-rogan ugu dhaco, waan ugu hambalyeynayaa, waxaynu isku ognahay qaranka Somaliland waxa ina dhexyaala ma badna, laakiin waxa ina dhexyaala inta uu doonaba ha leekaado ee in aynu si caddaalad oo nadiifa u qaybsano in aynu si tartan imtixaan lagu kala baxo u qaybsano in qofka walaalkii maanta marka uu imtixaanka galo haddii uu guulaystana waa gallad, haddii uu guulaysan waayana goldalooladiisa ayuu baranayaaya oo iyana waa gallad labaad, wuxu ogaan doonaa halkii uu qalday iyo erayga iska dhaafay, halkii uu awalkii hore ka diiqadoon jiray ee dalka nici jiray, maanta waxa laga yaabaa in oo qofku isguul gaara dib u galo oo uu is ogaado meeshii yareyd ee uu shalay qalday sidaasina uu barito mustaqbalkiisa shaqo fiican imtixan kale ku guulaysto oo dhaxal gal ah.”

 

Dhinaca kale arrintan ayaa si weyn  u Iftiimisay shaqo La’aanta haysata Dhalinyarada ee ka taagan Somaliland, iyadoo ay aad u kala badnaayeen tirada shaqaalaha la doonayay Iyo tirada usoo xaadirtay in ay nasiibkooda ka qaadaan.