W/Q. Cumar Axmed Cali

Bulshooyinka horumaray haddii ay helaan jaanis ay ku doortaan ciddii hoggaamin la hayd, waxay u tahay fursad dahabi ah oo mar mar iyo dhif uun soo marta, iyaguna iskama dayacaan ee si fiican ayay uga faa’iidaystaan, waxaanay ku gaadhaan yoolka iyo himilooyinka ay leeyihiin.

Haddaba, innagu ma nahay ummad ku baraarugsan ka faa’iidaysiga fursadaha dahabiga ah ee soo mara xiliyada doorashooyinku dhacayaan? Bulshadeenu ma dareensan tahay in ay gacantooda ku jirto ciddii ay ku aamini la haayeen masiirkooda siyaasadeed iyo meesha aynu geeddiga u rarayaan? Haddii aynu nahay reer Somaliland ma garwaaqsan-nahay baahida aynu u qabo dhisashada hannaan Dawladeed oo xoogan, kaa soo ka shaqeeya danaha iyo daryeelka bulshadiisa.

 

Sideedaba, dawladnimadu waxay ka bilaabantaa afar tiir oo la isku geeyay ku was oo kala ah;- Masgaxda, Maalka, Muruqa iyo Aqoonta, haddii intaasi iskaashadaan, isla markaana loo sameeyo qorshe cad iyo nidaam maamul oo isu dheelitiran waa hubaal in lagu liibaanayo.
Dawladnimadu waxay mihiim u tahay ummadkasta oo ku nool dunida guudkeeda, taasoo doonaysa in ay ka midho-dhaliso himilada iyo hamiga ay leedahay. Adeegsiga nidaam maamul oo xalaal ah waa dariiqa qudhaata ee ummadduhu ku horumaraan, marka ay doonayaan in ay ka biyo gaadhaan ujeedooyinka iyo aragtiyaha ay leeyihiin.

 

Waxa ay u kala horumaraan hadba sida ay u kala Dawlad wanaagsan yihiin iyo sida ay uga shaqaysiiyaan caqliga iyo garashada uu Alle (SWT) addoomahiisa siiyay. Umad waliba wixii ay Dawladnimda gashado ayuun bay ka goosataa. Haddii aad adigu tiin ka beerato, ha ka rajaynin in ay timiri kaaga soo go’ayso, haddii aad timir ka beeratana, ha ka rajayn in uu tiin kaaga soo go’ayo.

 

Haddaba, marka aan u soo noqdo u jeedada iyo nuxurka aan uga socdo maqaal-kaygan kooban waxa weeyaan in aan iftiimiyo sababaha ugu waaweyn ee lugta jiidaya amma dib u dhigaya habsami-u-socodka nidaamka doorshooyinka, taasoo ay inoo muuqato in aynaan wali ku niyadsamaan midhaha inooga soo baxay.

 

Waxay aniga doodaydu tahay in asalka mushkiladuhu ka unkamayaan hab-nololeedka bulshadeena iyo sida ay u fikirayso. Bulshadeenu waxay ku abtirsanaa dhaqanka reer guuraaga, kaasoo xili aad u dheer aynu ku soo noolaayeen, waana sabab ka mid ah sababaha maanta dabada ka riixaya dareenka qabyaaladeed ee dhulkeena ku baahay. Waxa uu dareenka qabyaaladdu innaga weeciyay tubtii aynu ku gaadhi lahayn himilooyinka iyo humaaga aynu hiigsanayno. Waxa uu dareenka qabyaaladdu uu meesha ka saaray in hoggaamiyaha la dooranayo loo eego astaamihii lagu dooran lahaa hoggaamiye Qaran iyo nin hiraale leh.

 

Haddii aynu si kale u dhigno waxa qarannimadeena dhaawaca ku hayaa waa afkaarta qabyaaladda, taas oo aynu odhan karno way ku xididaysatay bulshada dhexdeeda. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hal xaaraan ah, Nirig xalaala ma dhasho.” Haddii dariiqa aynu wax ku dooranaynaa yahay mid khaldan, midhaha ka soo baxaana noqon maayaan kuwa ina faraxgaliya, waana ta keentay in masuulkii aynu shalay dooranay haddana maanta ka niyad-jabsanahay.

 

Marka ugu horaysaba waxaynu wax ku dooranaa waa dariiqooyin khaldan oo aan ahayn, kuwii ay guulaha ku gaadheen dadyowgii inooga horeeyay Nidaamkan aynu qaadanay.

Tusaale ahaan, marka aynu dooranayno xildhibaan baarlamaan ama ku gole deegaan, waxaynu ku bilawnaa laba tallaabo oo khaldan oo kala ah;

1. Xildhibaan kasta oo la dooranayo waxa uu ku yimaadaa magac qabiil iyo cod qabiil, halkii ay ka ahayd in uu ku yimaado cod Gobol ama ku Dagmo.

2. Xildhibaan kasta oo Qabiil wato, laguma soo xulo karti iyo aqoon hoggaamineed oo uu leeyahay ee waxa kaliyaatee ee lagu soo xulaa waa in uu buuxiyo saami-qaybsiga reerka dhexdiisa, isla markaana kuwan soo xulayaana malaha aragti Qaran iyo dareen ummaddeed ee waxa qudhaatee u muuqdaa waa saamiga reerka ay horboodayaan.
Haddaba, sida aynu ognahay ma jiraan adeegyo bulsho oo reer gooni u leeyahay, kuwaas oo haddii ay jiri la haayeen lagula xisaabtami lahaa Xildhibaanka reerku doortay. Sidoo kale marka la dooranayo madaxweyne Qaran iyana waa la mid oo qabyaalad ayaa saldhig u ah, waxa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin waa heerka ay qabyaaladdu taagan tahay, oo marna jufooyinka yaryar ee hoose ayaa ku loolama, marna qabiilooyinka waa weyn ayaa ku loolama kursiga Qaranka ugu sareeya.

 

Si kasta ha ahaatee, doorashada noocan ah, waxa laga dhaxlaa waa shacabka oo kala fogaada, dawladnimada oo tamar-daraata, dhaqaalaha oo curyaama iyo baahida oo badata. Calaa kuli xaal waxaan bulshadeena kula talinayaa in aynu dagaal naf hurid ah la galno aafada qabyaaladda ee waddankeena halakaysay si ay u badbaadino rajada inoo muuqataa.

By Cumar Axmed Cali,
camarhamad333@gmail.com,