W/Q. Cabdillaahi Beershiya

In fikrad hore oo aad ku qanacsanayd aayar aad ka tanaasushaa waa arrin adag oo inta badan aan si xoog ah looga maqal dadka ku caan baxay inay dagaal u galaan hirgelinta waxyaabaha ay aaminsan yihiin, weliba marka ay yihiin dadka ugu tunka roon ee fikirkaasi loo tiriyo, waxa se dhacda inay tanaasulkaasi keenaan sababo badan oo ka yimmaada laba dhinac oo kala duwan, sida inuu qofku guddoonsado in dhammaan waxyaabaha u aaminsan yahay ay ka soo horjeedaan jiritaanka oo ay khaldan yihiin iyo arrinta labaad oo ah inay dibbeda kaga yimmaadaan culaysyo kala duwan oo keeni kara inuu qofku ka tanaasulo maabadi’diisa aasaasiga ah ee lagu bartay.

Ereyga tanaasul oo luqadda Ingiriisga ku ah Compromise, waxa uu Qaamuusku ku qeexaa inuu yahay marxalad uu qofku aqbali karo wax ka duwan waxyaabihii u doonayey amma u aaminsanaa, taas oo ay dhaliso xaalado ku soo jiray amma tixgelin uu u fidiyey dadka kale doonistooda. Ereygani wuxuu in yar ka fudud yahay ereyga kale ee lagu magacaabo …Quit… oo micnihiisu yahay in qofku gebi ahaanba joojiyo waxyaabihii u aminsanaa isaga oo u digo roganaya meel amma xaalad kaloo ka duwan waxyaabihii lagu yaqaanay.

Haddaba, dadka inta badan ku caan baxay inay sheegtaan inay u hubaysan yihiin oo ay u dagaalamayaan diinta Islaamka, adduunka intiisa kalena ula baxay Ururada Xag-jirka ah amma “Islamic Militant” ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa ku socday inay iskaga baxan xubno door muhiim ah ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaas oo meelo kala duwan kaga dhawaaqay inay iskaga tanaasuleen aragtidii ay markii hore aaminsanayeen amma u dagaalamayeen.

Ururuka Alqaacida oo lagu tilmaamo inuu maanta hooyo u yahay dhammaan ururrada kale ee ay isku aragtida yihiin ayaa tan iyo markii u bilaabay dagaalada uu kula jiro reer galbeedka iyo dawladaha Muslimiinta, waxa ka baxayey rag miisaan culus ku lahaa ururka dhexdiisa oo saluugay qaabka uu u wado hawliha loo aasaasay.

 

Ragga iskaga baxay ururka Alqaacida waxa ka mid ahaa Jamal al-Fadl oo u dhashay waddanka Sudan oo ururkaasi ku biirey horaantii sagaashanaadkii, Essam al-Ridi oo u dhashay waddanka Masar oo sannadkii 1982-kii u safray dalka Afghanistan si uu ula dagaalamo Midawgii Sovieti, AL Houssaine Khertchou …oo u dhashay waddanka Morocco oo ururkaasi ku biirey sannadkii 1991-kii, una tababartay sidii u uu u noqon lahaa bayloodka Usama Binu Laden iyo rag badan oo aan halkan lagu soo ururin karayn.

 

Dhinaca Soomaalida kuma cusba in xubin ka tirsan ururka Alqaacida amma ururrada ay isku aragtida yihiin, sida Midawgii Maxkamadaha iyo xarakada Alshabaab uu ku dhawaaqo inuu iskaga baxay ururkaas, waxa ugu horeeyey hoggaamiyihii ururka Maxkamaddaha Islaamiga ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo markii dalka Itoobiya weerarka ku qaaday si fudud iskugu dhiibay garabkii ay kala aragtida duwnaayeen ee uu u arkayey in reer galbeed ka dambeeyo, isaga oo noqday madaxweynihii Soomaaliya.

Waxa kale oo jira rag si toos ah uga tirsanayaa xarakada Alshabaab oo ku dhawaaqay inay ka gaabsadeen aragtidii ay aaminsanayeen, sida Sheekh Xasan Daahir Aways oo ku caan baxay inuu si dhiiran dadka ugu tilmaamo in aanay diin haysan, bud-dhigna u ahaa dagaal diimeedka ka socda Soomaaliya, Waxa kale oo ururka Alshabaab ka baxay nin lagu magaacbo Sakariye Ismaaciil oo si toos ah iskugu dhiibay dawladda Soomaaliya, kana mid noqday dadka shaqaalaha u ah, sidoo kale waxa jirey Sheekh lagu magacaabo Sheekh Maxamed Siciid Ata moo isna hore u sheegay inuu ka baxay Al-shabaab.

 

Bishan aynu ku jirno ee Augost 2017-ka, waxa is dhiibay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka tirsanaa raggii aasaasay ururka Alshabaab, isaga oo si aad u weyn ugu tiiqtiiqsan jirey in xukuumadda ka jirta magaalada Muqdisho ay tahay gaalo, haddana markii u qabtay u shirkiisii jaraa’id wuxuu ku sheegay inuu u mahadnaqayo dawladda Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda (Maraykanka iyo Itoobiya).

 

Ugu dambeyn, tallaabooyinka noocan ah waxay inoo tilmaamayaan in markii hore ee aragtiyaha noocan ah la abqaalayey aan lagu dhisin mabaa’di adag oo lagu wada qannacsan yahay ee ay ku billaabmeen si jaantaa rogan ah oo aan ka fiirsi lahayn, dhibanaha kowaad ee ku khasaarayna u yahay dadka shacabka ah ee had iyo jeer dhiigiisa la shubayo.