Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Guddida Abwaannada Somaliland ee la baxay Mus-dambeed, ayaa caddeeyey inay ka baxeen waanwaan ay ka dhexwadeen khilaafka Golaha Wakiillada ka jira ee ku saabsan cidda loo doortay guddoomiyenimada aqalkaasi oo doorasho xildhibaannu sameeyeen dhawaan ay natiijadeeda ku muransan yihiin Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ku tartamay xilkaasi oo uu banneeyey guddoomiyihii hore Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Guddiga ay ka kooban yihiin golaha awbaannadii waawaynaa ee dalka oo hore u sheegay inay isu-xilqaameen xallinta khilaafka labada dhinac u kala qaybiyey xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa mar kale shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku shaaciyey inay ka baxeen dhexdhexaadintii ay wadeen kadib markii dhinac ka mid ah labada garab ee is haya uu u qabsoomiwaayey, kana codsaday inay ka baxaan arrinta Golaha Wakiillada.

 

 

Afhayeenka Ururka abwaannada Somaliland ee Mus-dambeed Abwaan Maxamed Xasan Cali (Weji) oo faahfaahin ka bixiyey sidii ay u galeen waanwaanta iyo natiijada uga soo baxday, waxa uu yidhi, “Arrinta Baarlamankeenna ka taagan oo naga soo saartay hadhkii aannu ku jirnay waxaannu ku jirnay muddo toddobaad ah, dadaal baanu galnay oo muddo afar maalmood oo xidhiidh ah ayaanu subaxii intii aannu ka gaadhno isku dayeynay in aannu la kulano intii ay khusaysay arrintu annagoo waxaannu wadnay yahay sulux iyo dhexdhexaadin, annagu waxaannu wax qaban karnaana haddii nala maqlo haddiise nala maqliwaayo waxba ma qaban karno oo ma nihin ciidammo iyo maxkamado, markaa runtii markii hore labada nin ee is hayey waanu la kulanay (Baashe iyo Talyanle oo ku muransan guddoomiyenimada Wakiillada), kulankaas horena waxaannu ka didno kalamaanu kulmin midna, markii aannu la talinay wixii iyaga xaggooda nalaga gudboonaa ee iyaguna ay noo sheegeen wixii ay tirsanayeen waxaannuna ka codsanay in aannu la kulano labada guddi ee xildhibaannada ay magacaabeen oo maalintaa la filayey inay kulmaan, labadii guddi horta ilaa maanta may kulmin, annagu waxaannu isku daynay in aannu labadaa guddi isu keenno, laakiin waanu isu keeni kariwaynay, waayo labada dhinac midi wuu noo qabsoomay oo diyaar bay ahaayeen, dhinac baase aannu u taagwaynay oo na diiday.”

 

Afhayeen Waji waxa uu caddeeyey in Md. Baashe Maxamed Faarax uu si cad uga dalbaday guddiga abwaannada inay faraha kala baxaan arrintooda, “maantana waxaaba noo sii raacday in dhinacaa awalba na diidanaa oo ah dhinaca Baashe Maxamed Faarax in isaga laftiisii uu yidhi haddii aad odayaashaa tihiin raali naga ahaada,” ayuu yidhi Maxamed Waji waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Inkastoo ay taasi naga raacday haddana haddii ay noo tanaasulaan oo ay noo qabsoomaana halkii baanu ka wadaynaa, haddii kalena waxaannu leenahay waar bal cidda kale ee aad maqlaysaan u fadhiista oo arrinta qabow ku daya.”

 

 

Sidoo kale, Abwaan Maxamed Maxamuud (Dheeg), ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka uu ula dhaqmay Md. Baashe Maxamed Faarax, “Dhawr iyo toddobaatan jir baan ahay oo weli ergo aan galay oo la yidhi arrintayada ka bax maanta horteed maan arag, waayo haddaan hadal xun naga soo bixin oo aanaan gar qaadin oo aanaan eexan wax naloogu yidhaa xafiiska nooga baxa waanu garanwaynay, weliba Baashe wuu ii yeedhay aniga oo Dheegow iga soo saar nimankan buu yidhi. Markaa ta nagu dhacday maanta waataa, runtii waxaan wanaag ahayna maanu wadin oo labada qoloba isugu kaayo mid bay ahaayeen, haddaanu gar qaadno aannu meel saarno in nalaga cawdaa waa daw, laakiin garba maanu gaadhin ee ilaa maalintii waxaannu lahayn Baashe guddidaada na tus guddigii kale waata halkaa noo taagane. Sidaasi darteed, niman arrini u go’antahay iyo niman doonaya in loo gar-qaado ayey noola eekaayeen labadaasi guddi, maantana way soo af-go’day oo halkii ugu sarraysay baa na tidhi arrintayada faraha kala baxa, waanuna kala baxnay,” ayuu yidhi Abwaan Dheeg.