Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi,ayaa si rasmi ah u caddeeyey sababtii xudunta ahayn in hoggaanka saddexda xisbi qaran xallin kari waayaan khilaafka ka taagan saami-qaybsiga Golaha Wakiillada.
Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Oodweyne oo ku biiray KULMIYE shalay, waxa uu iftiimiyey in fulaynimo la xidhiidha codadka murrashaxiinta xisbiyadu ka qabaan gobollada dalka ay sabab ahayn inay go’aan ka gaadhi kari waayaan xallinta saami-qaybsiga Golaha Wakiillada, sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay Madaxweynaha dib ugu celiyaan si uu xal uga gaadho.
“Annaguna afar shir oo ay u dhaxayso 32 casho oo mid walba aannu nidhi 7 casho aynu soo fikirno ayaanu isugu nimi oo waanu ku dhiciwaynay in aannu nidhaa Sanaag intaa ha la siiyo, Awdal intaa ha la siiyo, kana intaa ha la siiyo. Horta ninku markuu murrashax xisbi yahay waa fule, bahashu waxay wanaagsan tahay mar aanad doorasho u taagnayn in laga hadlo, aniga iyo Cirro (Guddoomiyaha Wakiillada) aannu ugu darnaanee markaanu soo fadhiisanno shirka ee la duceeyo ayuun buu Cirro yidhaa qolada KULMIYE ee xukuumaddu ha inoo bilowdo waxay ra’yi hayaan, markaasaan aniguna idhaa waa rune intii la odhan lahaa xukuumaddu dadkay cabudhisaa oo dadkay boobaysaa bal horta mucaaradku ha noo bilaabo, kadibna Faysal (Guddoomiyaha UCID) baa yidhaa waaryaadhaheen midkiina diyaar uma aha ra’yi inuu keeno ee ma isu soo noqonaa, annaguna waxaannu nidhaa haaye Faysalow waqti inoo qabo oo isna toddoba casho isu soo keen celiya, haddana maalinta dambe ee aannu isu soo noqonana sidii oo kale ayey noqotaa.
Markii dambe waxaannu nidhi maxaynu yeelnaa, doorashadii waqti yar baa ka hadhay inta arrintani taagan tahayna gali karimayno ee maxaynu ka yeelnaa? Qaranka Madaxweynahaa hoggaamiyee aynu u gayno oo wuxuu gooyo odayguna aynu ogolaano ayaanu isla garanay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay baahida loo qabo in doorashooyinka shinkoodu galay la qabto, waxaanu tusaale u soo qaatay doorashooyinka Wakiillada iyo Guurtida,“Xilligii doorashada Golaha Wakiilladu 11 sanno ayuu marayaa, dadkuna waxa ay leeyihiin nimankani waa inay meesha banneeyaan ileyn soo fadhiyimaayaane, Guurtidii soddon sanno ayey madaxa ka jartay oo waanay dhaxashay, ta madaxtooyadana labaa (sanno) daalac ah, waxaynu u baahanahay inaynu doorashooyinkaas galno, saddexdaba, waayo haddaan waxa dhiig cusub lagu shubin ma soconayo ee wuu daalayaa, biyuhu hadday meel fadhiyaan way qudhmaan, hadday socdaan mar walba waa xareed oo wasakh kastoo gasha way iska saaraan, sidaas ayey taladuna u tahay in mar walba dhiig cusub lagu shubo oo la wareejiyo.”
Markaa saddexda meeloodba (saddexda gole qaran) waqtigoodii wuu joogaa, ta Guurtida iyada inoo dhiga malaha way yar culus tahay iyadu soddon sanno ayey maraysaa oo way gaamurtay oo waxay u baahan tahay in aad looga fiirsado, tii Golaha Wakiillada ayaa iyaduna iminka Koray xoogle noqotay oo 11 sanno maraysa, waxaynu dhammaanteen eed ku leenahay mucaarad, muxaafad, aqoonyahan iyo shacaba kamaynu tashan kow iyo tobankaa sanno sharcigii aynu ku gali lahayn doorashada Wakiillada ee waynu dayacnay, waa eed qaran oo ninna dhabarka loo saari maayo, haddii laga tagi waayo qolada Wakiillada ayeynu farta ku godaynaa, waayo iyaga ayey ahayd inay wax inoo dhaqdhaqaajiyaan, laakiin waa eed ina wada saaran oo aynu gafnay, waxa ina hortimi iyagoo 11 sanno fadhiyey iyo iyadoo aynaan hayn sharcigii lagu dooranayey oo sannadii u dambeeyey uun la kacay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu sheegay in xog-ururin la xidhiidha muranka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada iyo sida lagu xallin karo oo ay dalka ka sameeyeen afar hay’adood oo ay ka mid yihiin Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta, dalladda ururrada bulshada rayiga ah ee SONSAF iyo guddi ka tirsan Golaha Wakiillada ay ka soo baxday natiijo muujinaysa in si wayn loogu kala qaybsanyahay sida loogu heshiin karo saami-qaybsiga.
Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Afartii daraasadood (xog-ururin) oo wada kala duwan mid waliba ay tahay ma taaban karo oo way adag tahay ayaa loo geeyey Golaha Wakiillada oo xildhibaannada iyo shirguddoonkoodii waxay yidhaahdeen annagu waanu u taagwaynay bahashii, dadku laba siyaabood ayey arrinkooda u arkaan oo kala ah; nimanku inay sii fadhiyaan bay doonayaan ee waxba taaban maayaan iyo qolo tidhi way u taag waayeen. Kadibna waxa loo gudbiyey Madaxweynaha oo isna markii uu eegay yidhi cidda doorashada ku lug lahaa oo xiysiyada u yeedha saddexda guddoomiye, kadibna wuxuu nagu yidhi idinka ayaa xisbiyada u qaabilsan dalka ee ii keena taladii lagu gali lahaa doorashada,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.