Araweelo News Network

Maxamuud Xaashi2

Maxamuud Xaashi2

Berbera(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in aanay jirin wax cadaawad, cabudhin iyo cago-juglayn ah oo ay ka wado degaannada Gobolka Saaxil, balse lagu hawlan yahay sidii loo maalgelin lahaa dekedda Berbera, loogana dhigi lahaa mid casri ah.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Berbera shalay, waxa uu bulshada degaanka ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan wanaaga iyo horumarka Somaliland.
“Xukuumaddu, waa xukuumadii dadkan ee maaha cadaw ku soo duulay, halkan (Berbera) kama wadno cadaawad, cabudhin, xadhig iyo bello, maaha dawladihii aynu la dagaalamaynay, tani waa dawladdii dadkani doortay ee lahayd ee lexjeclada ka lahayd, waxa aanu leenahay bulshada Gobolkan Saaxil dhan-xiirka, dhan gaagaalaha iyo warxumo tashiilka yaanay dhegihiina bello laga buuxin, wanaag baynu wadnaa, wax inay inoo kordhaan baynu wadnaa, waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada inay horumarka taageeraan, nabadda ilaaliyaan, waxa wanaagsan ee aanu wadno nagala shaqeeyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Waxa kaloo uu sheegay in xubno Golaha Wasiirrada ka mid ah ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee shaqaalaha ka hawlgala dekedda Berbera, isla markaana la isku afgartay in meesha laga saaro tabashooyinka iyo cabashada ay shaqaaluhu ka qabeen shirkadda maalgelinaysa dekedda Berbera.
“Waxa aanu u nimid in aannu kulamo is-xogwaraysi ah la yeelano shaqaalaha guud ahaan ka hawlgala dekedda, haddii ay tahay shaqaalaha muruq-maalka geelaha, salfadoorka, dekedda IWM, sida aynu dhammaanteen la wada socono xukuumadda Somaliland waxay wadahadal heshiis la samaysay shirkadda DP World, heshiiskaas oo ah mid maalgashi oo dekeddeena lagu horumarinayo, sharax badan ugu noqon mayno, waxa la qaban doono iyo waxa la xidhiidha arrintaas.
Waxa aanu u nimid in aanu uga waranno shaqaalaha kala duwan saamaynta heshiiskani ku yeelanayo, iyadoo ay cabashooyin naga soo gaadheen, kuwaasoo dabcan aanan qariibsanayn xukuumad ahaan werwerka iyaga ku soo kordhay, maadaama ay maqleen in dekedii shirkad aynu wadaag iyo malgashi aynu samaynayno, shirkadda DP World-na ay maamuli doonto, waxa aanu halkan ugu nimid Maareeyaha Dekedda iyo masuuliyiintii dekedda, dhawr kulan ayaanu halkan ku qabanay oo mar waxa aanu la kulanay tiro luxdan oo ay ka qaybgaleen shaqaalaha salfadoorku, waxa kaloo aannu la kulanay guddi ay soo saareen shaqaalaha muruq-maalka ah oo miisaan leh. Geelle (A) iyo Geelle (B) oo waayeelkoodii halkan nagu weheliyaan, waxa aanu ka dhegeysanay dareenkooda, cabashooyinka iyo werwerkoodii, sida aan carrabka ku dhuftay waxa aannu qariibsanayna may ahayn oo waa wax aannu ugu garaabayno oo macquul ah,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.
Waxaannu intaas ku daray; “Xukuumadda Axmed Silaanyo ee aanu Wasiirrada ka nahay, waxa aanu maalgashiga u doonayno dekedda Berbera in uu wax u soo kordhiyo qaranka Somaliland, inuu wax u soo kordhiyo magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, inuu wax u soo kordhiyo dekedda. Uma wadno inuu lumiyo xuquuqda shaqaaleheeda, waxaannu nahay xukuumaddii qarankan ee la doortay ee ka masuulka ahayd if iyo aakhiroba.”
Waxa kaloo uu sheegay in aannu jirin qof shaqaale ah oo laga fadhiisinayo shaqadiisa, waxaannu yidhi; “DP World iyo dekeddan dhismeheeda iyo maalgashigeedu, haddii shaqaalaheedu ku shaqo beelayaan, xigmad iyo nuxur uu salka ku hayaa maalgashideedu ma jiro, waxa aannu wadnaa intan in ka badan 3,000 (saddexda kun) ee maanta ka shaqaysaa in ka badan inay ka shaqo hesho ayaanu rabnaa oo aanu jecelnahay.
Shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala dekedda, waxa aannu u sheegnay in aannu jirin qof qudha oo shaqo waayaya, xuquuqdooduna ay tahay mudami, masuulna ay xukuumaddu ka tahay, si fiican ayaanu isu afgaranay, way noo cawdeen, waa la naga dhex shaqeeyey oo warar badan ayaa noo kala tegay, annaguna waanu ka raagnay, balse waxa aannu ku kala tagnay is afgarad, waxa aannu ku kala tagnay in aanu xuquuqdoodii iyo kalsoonidoodii beerno, waxa aanu ku kala tagnay inay guddiyo kooban soo qaybsadaan oo aanu arrimahooda meel ku tiirino, annagana waxa naga go’an in aanu dhammaantood maslaxadahooda meel ku tiirino, waayo, dawladoodii ayaanu nahay oo masuul ayaanu ka nahay, kulankaasina waxa uu ku soo afmeermay is fahan iyo is afgarad wanaagsan, waana mida aannu shirkan u qabanay kolayba waa loo dhegtaagatee in aanu intaa ku muujino.”