Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Xukun Xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha Dalka Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ayaa Maxkamaddu ku xukuntay laba sanadood iyo Lix Bilood oo xadhiga ah, sida uu xaqiijiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee xukumay.

Muwaadinkan Xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka, ka dib markii uu Qoraallo Aflagaado ku ah Diinta ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, sida Facebook.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi), ayaa sannadkiii 2012-kii ka mid ahaa Musharraxiintii ka qayb-galay doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo wakhtigaa iska soo sharraxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Sidoo kale, wuxuu qoray dhowaan Buug uu kaga hadlayo siyaasada dalka iyo mustaqbalka, sidoo kale wuxuu  inta baddan maqaalo uu kaga hadlayo mawaadiic la xidhiidha xaalada siyaasadeed, maamul  iyo dhaqaale ee dalka.