Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu madmadow gelinayo diyaargarawga doorashooyinka Golaha Wakiilladda iyo Golayaasha deegaanka ee dalka, waxaanu caddeeyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay xaq u leeyihiin inay galaan doorashadda haddii uu diido  xisbiga WADDANI.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu  u warramayey Warbaahinta Qaranka Somaliland, wuxuuna  si adag u cambaareeyey koox uu ku tilmaamay dilay laba sarkaal oo ka kala tirsanaa ciidammada Booliska iyo Asluubta, waxaanu weerarkaasi ku tilmaamay mid lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiigleyaashii dilay labadaas sarkaal, waxaanu intaas ku daray in maxkamad  la soo taagi doono.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku dooday in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu doonayo inuu madmadow geliyo masiirka dalka, isla markaana uu hor istaago inay dalka ka qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Wasiirku wuxuu xusay in dhaqanka  Guddoomiyaha WADDANI marka la eego ay u muuqato inuu marka horeba u sameystay inuu ku baa’biiyo Somaliland, waxaanu sheegay inuu wali hibanayo doorashadii madaxtooyada ee xisbigiisa lagaga adkaaday Bishii Novemer 2017kii.