Muqdisho(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dahir Mohamud Gelle, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.

Mr. Geelle, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyay bartiisa Twitter-ka, balse ma sheegin sababta uu xilka iska casilay iyo waxa ku kalifay.

Qoraalka uu ku baahiyay Bartiisa Twitter-ka , wuxuu ku yidhi, sidan: “Waxaan Maanta oo Arbaco ah iska Casilay Xilkii Wasiirnimo, Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxaan halkan uga Mahad Celinayaa Madaxdii aanu Soo Wada Shaqaynayn mudadii Xilka Hayey”

https://twitter.com/Dmgeele/status/1123552373299974144