Alt: "Biden and Netanyahu"

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Tel Aviv, 18 Oct, 2023, Image Araweelo News Network.

 

 

 

 

 

#Araweelo_News_Network.

 

Tel Aviv (ANN)’ Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday inuu aqbalo in wefdi Israa’iil ah loo diro Qaahira maanta oo Khamiis ah si ay wadahadallo daba-gal ah uga yeeshaan suurtagalnimada heshiiska maxaabiista Israel  iyo colaadda Qaza, sida laga soo xogtay laba sarkaal oo Israa’iil ah.

 

Waxa loo arakayay in ay muhiim u tahay soo jeedinta wada-hadallada daba-galka ah, balse waxay u muuqataa innay isku dayaan dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar innay horumar ka sameeyaan arrimaha aan la xidhiidhin qodobbada ugu muhiimsan ee wadahadalka, sida tirada maxaabiista, laakiin Xamaas ayaa dhankeeda doonaysa in la sii daayo maxaabiista Falastiin oo Kumanaan ah si loo abuuro jawi ay kusii socon karaan wadahalada, isla markaana loo dardar geliyo gorgortanka.

Labada mas’uul ee Israa’iil ayaa sheegay in Netanyahu uu qaatay go’aanka ah in aannu soo dirin wafdiga sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay in mawqif adag oo Israel ah oo kaliya uu keeni karo heshiis waara, kaas oo aan xilligan u muuqan.

Dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ayaa soo jeediyay in la qabto wadahadallo daba-gal ah Khamiista si heer hoose ah,  si looga wada hadlo arrimaha bini’aadantinimada ee suurtogalka ah ee heshiiska iyo maxaabiista laga haysto Israel, iyadoo qodobada ay ku jiraan baaxadda gargaarka loo oggolaan doono in ay galaan Qaza iyo suurtagalnimada in Falastiiniyiintu ay dib u soo laabtaan qaybta Waqooyi ee marrinka Qaza.

Madaxda kooxda wada xaajoodka Israel ayaa ku wargaliyay Netanyahu markii ay ka soo laabteen Qaahira habeenimadii Salaasada arrintaa waxayna u bandhigeen soo jeedinta wadahadalo dheeraad ah.

Agaasimaha Sirdoonka Israel ee Mossad,  David Barnea iyo madaxa Shin Bet Ronen Bar ayaa isku dayay inn ku qanciyaan Netanyahu innuu u diro wafdiga wadahadalka daba socda, waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in horumar la gaadhi karo, laakiin wuu diiday talobixintooda, mid ka mid ah saraakiisha Israel ayaa yidhi
“Taasi waa ta inta baddan walaaca keenay sababtoo ah Netanyahu wuxuu aaminsan yahay inaysan wax faa’iido ah ku jirin wadahadal dheeri ah ilaa Xamaas ay ogolaato inay ka dabciso mawqifkeeda tirada maxaabiista ee ay dalbanayso in la sii daayo oo qayb ka ah heshiiska, ayay yiraahdeen labada mas’uul ee Israel.
“Intii lagu jiray wadahadalladii Qaahira, Israa’iil ma ay siinin wax soo jeedin cusub oo Xamaas ah oo ku saabsan sii deynta la haystayaasha,” Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil ayaa sidaa ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ka hadlaya arrintan.

“Netanyahu waxa uu ku adkeysanayaa in Israel aannay u hogaansamin dalabaadka dhalanteedka ah ee Xamaas, isbedel ku yimaadda mawqifka Xamaas waxa uu saamaxayaa in hore loogu socdo wada xaajoodka.” Ayaa lagu yidhi.

Kulanka Salaasadii waxaa ka mid ahaa Agaasimaha CIA Bill Burns, Ra’iisal Wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Mossad Barnea iyo madaxa sirdoonka Masar Cabas Kamal.

kulanka ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, balse waxaa horumar laga gaadhay in la fahmo daldaloolada ay tahay in la xidho si loo galo wada xaajood u horseedi kara heshiis dhinacyada, sida laga soo xigtay warbaahinta Israel oo soo xigganay  ilo-wareed ka tirsan Israa’iil oo faahfaahin ka bixiyay kulanka.

“Waxa uu ahaa kulan wanaagsan, dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galayna waxa ay wadaan dadaallo la doonayo in lagu soo dabaalo horumar la taaban karo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Xafiiska Netanyahu.

 

Hase yeeshee war-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in si qoto dheer looga hadlay daldaloolada kala duwan ee ay ka mid tahay arrinta maxaabiista.

“Dhammaan dhinacyadu waxa ay u tageen shaqo-guri kaddib waxa suurtogal noqon doonta in la eego haddii shuruudaha wada-xaajoodka wax ku oolka ah la buuxiyay, “ayaa lasii raaciyay.
Waftiga Israel Salaasadii waxa ay joogeen Qaahira oo kaliya si ay u dhagaystaan, sida uu qabo amarka Netanyahu. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa aqbalay inuu wafdi u diro wada-hadallada Salaasada ka ddib markii madaxweyne Biden uu ka codsaday inuu sidaas sameeyo dhammaadka Todobaadkan

 

Laakiin waxa uu si cad ugu sheegay dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar marxaladda xigta ee dagaalka inuu yahay Rafah,” sidaa waxa yidhi sarkaal Israa’iili ah.

Hase yeeshee waxaa jiray walaac caalami ah oo isa soo taraya oo ku saabsan suurtagalnimada howlgal dhulka ah oo Israel ay ka fuliso Rafah, halkaas oo in ka badan 1.2 Milyan Falastiiniyiin ah ay gabaad ka dhiganayaan tan iyo bolawgii dagaalka.

 

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com