“Tani waa dawladdii ugu darnayd, uguna dardaaran badnayd taariikhda dalka Isarel. Iyaga, waxaa jiri doona dagaal weligood ah, mas’uuliyad madhan, maarayn madhan, guuldarro dhammaystiran.” Hoggaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid.

“Dowladda waanu ka baxaynaa haddii  ay aqbasho qorshaha heshiiska lasoo jeediyay ee dagaalka iyadoo aan la baabi’in Xamaas oo aan lasoo celin dhammaan la haystayaasha.”Wasiiro Xag-jir Ah oo U Hanjabay Netanyahu

Akhri 2min.

#Araweelo_News_Nerwork.

 

Tel Aviv (ANN)-Laba wasiir oo qayb ka ah Xukuumadda Yuhuuda ee uu hoggaamiyo  Benjamin Netanyahu, isla markaana ka mid ah kooxaha midigta-fog ee Israel yaa ku hanjabay innay is-casilayaan, taas  oo ay hoos ugu dhigayaan isbahaysiga talada haya ee Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu.

Labada xubnood ee xag-jirka ah, ayaa ku hanjabay in haddii uu Benjamin Netanyahu, aqbalo soo jeedinta nabadeed ee uu soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ay qaadanayaan go’aankaa.

Madaxweyne Biden oo lsi badheedh ah ula safnaa dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qaza iyo xasuuqa Xukuumadda Israel oo taageero Millateri ka helay Maraykanka iyo xullufadiisa ayaa si uu doorashada Maraykanka uga badbaado guuldaro wuxuu xilligan daaha ka qaaday Jimcihii soo jeedin saddex weji ah oo Israel ay soo jeedinayso si loo soo afjaro dagaalka Qaza, taas oo ku lammaanayn doonta sii deynta la haystayaasha iyo weliba”xabad joojin buuxda oo dhamaystiran.”

Mar uu khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad, Biden waxa uu sheegay in Xamaas la bahdilay oo la gaadhsiiyay heer aannay qaadi karin noocii weerar ee la arkay 7-dii October ee bilaabay dagaalka hadda ka socda Qaza, wuxuuna hadalkiisu noqday mid aan gabasho lahayn oo uu qiil u doonaya inuu taageeradiisa ku qariyo guuldarada Israel iyo xullufaddiisa Maraykanka loo xanbaariyay ku qariyo qiiq aan jirin iyo weedho dhaawac ku ah mustaqbalkiisa iyo xataa maqaamka siyaasadda Maraykanka ee dublamaasiyadda.

“Waxaa la joogaa waqtigii dagaalkan uu dhammaan lahaa,” ayuu yidhi, taas oo muujinaysa walaaciisa iyo cabsida uu ka qabo yoolalka dagaalka ee Israel iyo tageeradiisa guuldaraysatay oo xilligan tustay xaqiiqda ah in ay aqbalaan xabbad joojin rasmi ah si loogu qariyo guuldarada dagaalka kusii socda sagaalka bilood.

In kasta oo Biden aannay soo jeedintiisu ahayn mid uu dhegaysanyo Benjamin Netanyahu, Laakiin labada xubnood ee ugu caansan dawladda Israel ee midigta-fog, Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, ayaa si cad u sheegay inay diideen xabbad-joojin degdeg ah, iyagoo ku hanjabay innay iska casilayaan xukuumadda waddaaga ah ee uu hoggaamiyo Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu, wallow Netanyahu dhankiisa   ka dhawaajiyay in aannu diyaar u ahayn soo jeedinta Biden, taasoo shaki galisay mustaqbalka doorashada Biden ee Maraykanka.

Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich, ayaa soo dhigay Baraha bulshada hadal uu  ku sheegay in uu Netanyahu u sheegay in aannu“ka mid ahaan doonin dowlad ku heshiiska qorshaha la soo jeediyay oo soo afjari doona dagaalka iyada oo aan la baabi’in Xamaas oo aan lasoo celin dhammaan la haystayaasha.”

Smotrich wuxuu dalbaday in dagaalku sii socdo ilaa “burburka Xamaas iyo soo celinta dhammaan la haystayaasha,” iyo sidoo kale “abuurista xaqiiqo ammaan oo gebi ahaanba ka duwan Qaza iyo Lubnaan.”ayuu yidhi, taas oo ah riyada ku dhisan maaweelada iyo madadaalada ee ka fog xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka kusii socda sagaalka bilood ee lagu qaawiyay qabkii israel iyo isla weynidii Maraykanka ee dalalka Carabta iyo kuwa islaamka lagu cabsiin jiray.

Sidoo kale, Wasiirka amniga qaranka ee Israel, Ben Gvir ayaa  ku tilmaamay heshiiska iyo soo jeedinta Madaxweyne Biden, mid “taxadir la’aan” iyo “guul usoo hoyatay Xamaas,” iyo sidoo kale khatar amni oo ku waajahan Israa’iil.

“Haddii ra’iisal wasaaruhu uu fuliyo heshiiska aan laga fiirsan ee shuruuddaha la daabacay maanta, taas oo macnaheedu yahay dhammaadka dagaalka iyo ka tanaasulida “cidhibtirka Xamaas”, Otzma Yehudit,wuxuu kala diri doonaa dowladda,” ayuu yidhi, isaga oo tixraacaya xisbiga midigta fog ee Israel. kaas oo hoggaaminaya oo gacan ka geysta kor u qaadista aqlabiyadda Netanyahu ee Baarlamaanka.

Laakiin Madaxweyne Biden, ayaa khudbadiisa kusoo qaatay xiisaddaha ka jira dawladda Israel gudaheeda, isaga oo si toos ah uga codsaday dadka Israa’iiliyiinta ah ee caadiga ah in ay muujiyaan taageeradooda si nabad loo gaadho.

“Waan ogahay in ay jiraan kuwa Israa’iil ah oo aan ku raacsanayn qorshahan oo ku baaqaya in dagaalka uu sii socdo weligiis, qaar xitaa waxay ku jiraan isbahaysiga dawladda,” ayuu yidhi, isagoo tilmaamaya Yuhuuda xag-jirka ah, sida labada wasiir ee ku hanjabay innay ka baxayaan xukuumadda waddaaga ah.

 

Qorshaha Madaxweyne Biden ee  jeedintu ayaa marka hore lagu sii deynayaa la haystayaasha iyo Israa’iil oo ka baxaysa “dhammaan goobaha dadku ku badan yihiin ee Qaza,” si ugu dambaynta loogu dhammeeyo qorshaha dib u dhiska ee Qaza ee burburka dagaalka.

Qorshahan ayaa ah mid si weyn loo soo dhaweeyay soo jeedinta Maraykanka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo quwaddaha kale ee caalamka ay ka dalbadeen Israel iyo Xamaas innay qaataan.

Xamaas waxa ay sheegtay in ay qorshahan u aragtay “si wanaagsan” ayna diyaar u tahay “innay si togan oo wax ku ool ah ula dhaqanto soo jeedin kasta oo ku salaysan xabbad-joojin joogto ah.”sida ay sheegeen saraakiisha Xamaas.

Laakiin wax ka yar kaddib markii Biden uu faahfaahin ka bixiyay soo jeedinta, Netanyahu wuxuu ku adkaystay in Israa’iil aannay joojin doonin dagaalka Qaza ilaa ay ka gaardho dhammaan yoolalka ay ka leedahay, oo ay ku jiraan burburinta Xamaas.

Ilaa xadka uu Netanyahu ku raacsan yahay qorshaha Maraykanka ee Madaxweyne Biden, ma cadda, iyadoo bayaanku sidoo kale sheegay in “qaabka saxda ah” ee soo jeedinta Israa’iil ay u oggolaanayso Israa’iil in ay “ilaaliso mabaadi’dan.”

Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya isbahaysigiisa, taas oo ay dheertahay cadaadiska guddaha, iyadoo Sabtidii dibadbaxayaal cadhaysan mar kale isugu soo baxeen waddooyinka, kuwaas oo dalbanaya in Netanyahu uu xilka iska casilo iyo in la soo hormariyo doorashooyin.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid ayaa soo jeediyay inuu ku taageero Netanyahu inuu aqbalo soo jeedinta, Maraykanka ee Madaxweyne Biden, wuxuuna cambaareeyay hadalada Smotrich iyo Ben Gvir, isagoo yidhi,  “Khatarta Ben Gvir iyo Smotrich waa dayaca amniga qaranka, la haystayaasha iyo dadka deggan waqooyiga iyo koonfurta,” ayuu yidhi.

“Tani waa dawladdii ugu darnayd, uguna dardaaran badnayd taariikhda dalka Isarel. Iyaga, waxaa jiri doona dagaal weligood ah, mas’uuliyad madhan, maarayn madhan, guuldarro dhammaystiran.” ayuu raaciyay hadalkiisa Hoggaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Netanyahu ayaa waajahaysa baaqyo isa soo taraya oo caalami ah  iyo cadaadis shucuubta dunida ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Qaza iyadoo colaadda ay ku dhowdahay bishii sagaalaad.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com