Araweelo News Network.

 

“Madaxweyne #Buhari Waxan leenahay dalku waa in aannu marin wadadii Soomaaliya, ee ay hoggaaminayeen hoggaamiye kooxeedyadu”

Alt:Araweelo News Network

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari iyo marwadisia Image File Araweelo News Network.

#Abuja (ANN)-Xukuumadda Dalka #Nigeria ee Madaxweyne #Muhammadu Buhari, ayaa looga digay in ay dalka geyaysiiso xaalad Amni-darro  oo Nigeria ka dhigta  inay noqoto sida Soomaaliya oo kale, sidaa waxa ka dhawaajiyay Odayaasha Masiixiyiinta Waqooyiga dalkaa.

Dhawaaqan ayaa soo baxay kaddib markii muddooyinkii ugu dambeeyay ay gobollada qaarkood ka dhacayeen weerarro dhowr ah oo lagu bartilmaameedsaday iskuulada iyo jaaliyaddaha kuyaala dalka Naigeria oo dhan, waxayna arrintaasi horseeday afduub iyo dilal ka dhaca deeggaamo badan.

 

Sida lagu baahiyay warbaahinta TheCable Odayaasha Waqooyiga ee Bulshada  Kiristaanka oo loo soo gaabiyo  (NOSCEF) waxay bayaan ay soo saareen Arbacadii maanta  ka codsadeen Madaxweyne Muhammadu Buhari inuu si deg-deg ah wax uga qabto amni darrada, ka hor inta aannu dalku marin waddada Soomaaliya ee fawdada iyo qalalaasaha.

 

Guddoomiyaha maddasha Odayaasha Waqooyiga ee Bulshada  Kiristaanka oo loo soo gaabiyo  (NOSCEF), Mr.  Ejoga Inalegwu, wuxuu bayaaan uu soo saaray 5 May 2021, ku booriyay Madaxweyne Buhari inuu adeegsado qaab kasta oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee hadda jira.

 

Mr. Inalegwu, ayaa yidhi, “isbedelka cusub ee lagu bartilmaameedsanayo Ardayda waa mid la cambaareyn karo,” sidaa awgeed wuxuu ka codsaday madaxweynaha, inuu raadsado gargaar kasta oo la heli karo, gudaha iyo dibaddaba, si looga laabto arrimahan ka hor inta aan lumin dalkeena aan jecel nahay,” ayuu yidhi.

 

“Dalka waa inaan looga tegin inuu maro wadadii Soomaaliya, ee ay hoggaaminayeen hoggaamiye kooxeedyadu, xukun boqortooyo la’aan ah, maadaama aan aragno inaan horeyba ugu sii soconayno, ”ayuu yidhi.

 

Guddoomiyaha maddasha Odayaasha  Ejoga Inalegwu, ayaa sidoo kale canbaareeyay weerarro uu sheegay in lagu qaaday ciidamadda, siagoo yidhi, “Waxaan sidoo kale cambaaraynaynaa weerarrada lagu qaaday ciidamadda iyo dharka amaanka meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, kuwani waxay daciifinayaan hay’addaha wali isku haya dad ahaan, iyaga oo naftooda u huray.”

Bayaanka ayuu ku sheegay Ejoga in ay u damqanayaan qoysaska millitariga, booliska iyo kuwa kale ee amaanka, kuwaas oo sida uu qoraalka ku xusay naftooda ku waayey, iyagoo gudanaya waajibaadkooda difaaca dalkooda, waxayna ku boorrisay Maddasha Odayaashu millitariga, booliska iyo Hay’addaha  kale ee amaanka in aannay  ka sii niyad jabin dadaalkooda ku waajahan raadinta dhamaadka dhibaatooyinka amniga ee soo food saaray ummada.

Dadaallada lagu doonayo in hubka lagu xaliyo, NOSCEF waxay ugu baaqday dowladda federaalka inay hubiso in hawlgalku uu yahay mid hagaagsan oo aan lagu fulin eex kasta oo ka dhigaysa kuwa u hoggaansamaya inay xitaa u nuglaadaan weerarrada dambiyada ah”.ayaa lagu yidhi, bayaanka Maddasha Odayaasha Waqooyiga ee Bulshada Kiristaanka Nigeria.

Dalka galbeedka Afrika ee Nigeria oo ah dalka Afrika ugu dadka badan oo 200 milyan dadkiisu dhaafee, waxaa soo xilligan sii xoogaystay xaaladda Amni darrada ka jirta gobolka , taas oo sii jirtay iyadoo Boko Haram iyo kooxdeeda ka go’day, isla markaana samaysatay Dawladda Islaamiga ee Galbeedka Afrika (ISWAP), balse waxay sii wadeen weerarrada ka dhanka ah rayidka, bani’aadamnimada, sida ay sheegay warbixin ay shaacisay hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch horaantii sannadkan,  sidoo kale kooxda ayaa bartilmaameedyada milllatari. Ugu yaraan 363 qof oo rayid ah ayaa lagu diley kacdoonka islaamiyiinta intii u dhaxeysay bilaha January 2021 iyo September 2020.

 

Bishii August, mas’uuliyiinta gobolka Borno ee waqooyi-bari waxay shaaciyeen qorshayaal ay 1,860,000 oo Barakacayaal ah (IDPs) iyo qaxooti ugu celinayaan deegaannadooda inkasta oo ay jiraan walaac xagga amniga ah. Lix iyo toban maalmood kadib markii barakacayaasha dib loogu soo celiyey.

Dawlada Hoose ee Kukawa bishii 18 August 2020, kacdoonka Boko Xaraam waxay weerarreen  deeggaamo halkaas ah, waxayna afduubeen ugu yaraan 100 qof., balse xukuumadda Federaalka ee uu hoggaamiyo  Madaxweyne Buhari waxay sii waday inay kaqeybqaadato dib u celinta khasabka ah ee qoxootiga Nigeria ee kusoo qaxay dalka ay jaarka yihiin ee Cameroon.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com