Araweelo News Network

weerrarkamindidalondonLondon(ANN) Ugu Yaraan hal qof haween ah ayaa dhimatay 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay kadib markii Nin Soomaali asalkiisu yahay oo ku hubaysan Tooray weerar ka fuliyay gudaha magaalada London ee xarunta Ingiriiska.

Wararka, ayaa ka dhacay fagaaraha Russell Square ee badhtamaha magaalada caasimada u ah dalka Britain, Ninkaa oo ku hubeysan Tooreey ayaa weeraray dad ku sugnaa fagaaraha weyn ee magaalada Lodon isagoo dilay hal qof 5 kalane dhaawacyo halis ah gaadhsiiyay.

Hase yeeshee Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen qofka weerarka geystay oo lagu sifeeyay inuu ahaa Nin qaba xanuunka madaxa, isla markaana uu ahaa Soomaaliga oo ka yimid Norway in caafimaad maskaxdiisa ay sabab wayn u tahay weerrarka
Warbaahinta maxalliga ah ee Dalka Ingiriiska ayaa baahisay in dhaawacyadu ay ka badanyihiin 6 qof oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad u liidato, waxaana dadka dhaawacu soo gaadhay lagu sheegay Laba qof oo kale oo dumar ah iyo saddex nin, balse Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa weli ku jira Cisbitaal, halka saddex qof laga saaray sida uu Boliiska sheegay.

Ninka weerrarka qaaday ayaa laga daaweeyay dhaawacii soo gaadhay, ka dibna loo wareejiyay saldhiga Boliiska ee ugu dhowaa goobtaa.

Gudoomiye ku xigeenka boliiska ee hawlgalada gaarka ah, Mark Rowley, ayaa sheegay in qaybta boliiska ee qaabilsan dilka ay hogaaminayso baadhitaanka weerarka, iyadoo taageero ay ka helayso qaybta ka hortaga argagixisada.

Paul O Geibheannaigh, oo degan meel aan ka fogayn goobta weerrarku ka dhacay ayaa sheegay inuu arkay maydka qofka dumarka oo jidka yaala, goobtana ay joogeen booliis badan oo hubaysan

” Ma aanan arag boliis sidan u badan oo jooga goobtan tan iyo 7/7, ayuu yidhi, isagoo ka wada weerrarkii argagixiso ee London lagu qaaday July 2005-kii.
Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa dadka ugu baaqay deganaan iyo taxadar inay muujiyaan, waxaana la arkayay Kumanaan katirsan ciidanka Booliska Ingiriika oo lagu daadiyay waddooyinka magaalada caasimadda markii weerrarku dhacay, balse illaa iyo hadda lama sheegin in weerarkan uu kamid yahay weerarada ay fuliyaan dadka muslimiinta ah iyo in kale.

Mas’uuliyiinta Britain ayaa hore ugu sheegay dadka inay ka feejignaadaan weerarrada loogu laga fili karo kooxaha Argaagxisada oo ay fuliyaan dhalinyarada Muslimiinta.