Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Prof. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa) oo  ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay xiisada u dhaxysa Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand.

Mr. Buubaa, wuxuu ka digay inuu dhaco dagaal aan lag fekerin oo khasaare u keena mandaqada, isagoo dhinaca kalena iftiimiyay in Somaliland xaq u leedahay inay sugto xadkeeda, isla markaana la ixtiraamo xuduudihii gumaysiga, balse waxa uu ka digay dagaal aan loo baahnayn in uu dhaco.

Mr. Buubaa oo qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramay magaalada Hargeysa waxa kaloo uu soo bandhigay aragtiyihiisa la xidhiidha heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalo-xeebeedda Berbera iyo muddo-dhaafka ay kuraasta ku fadhiyaan mudanaayaasha labada gole baarlaman (Guurtida iyo Wakiillada) ee Somaliland.
Ugu horreyn, Mr. Ismaaciil Buubaa waxa uu ka hadlay saamaynta ka dhalan karta xiisadda colaadeed ee ka taagan degaannada bariga Gobolka Sool ee ku dhow xuduudka Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo sida loogu baahan yahay in xal aan dhiig ku daadan lagu furdaamiyo murannada siyaasadda iyo xuduudaha ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
“Caalamku maanta waxa aad mooddaa inuu aad uga daalay dagaalka, wax dan ahna aanay ku jirin, haddii dagaalku noqdo mid aad adigu ku turunturootay oo aanad qoondayn dhibaatooyin fara badan ayuu leeyahay.
Waxaad mooddaa dhinaca Somaliland iyo dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland labadaba in qoondo loo soo bandhigay dadka oo weyn aannu jirin, iyada oo ay sidaas tahay, haddana aniga waxay ila tahay in maamul-goboleedka Pantland aqoonsado Somaliland inay maanta qaran jiray yahay oo ka kooban dadweynaha Somaliland oo dhan bariga ha noqto ama galbeed ha noqoto.
Somaliland inay xuduudkeeda gaadho waa lagama maarmaan, maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland-na inuu ku ekaato xuduudkeeda Talyaanigii iyo Ingiriiska u kala dhexayn jiray waa lagama maarmaan.
Sidee loo gaadhaa halkaas? Aniga waxay ila tahay si diblomaasiyad ku jirto, si is-afgarad ku jiro, si danta labada dad ee xuduudka labada dhinac ka yaalla oo dad Soomaali ah oo walaalo ah oo is-dhalay ku jirto in arrintaas loo gaadho oo aanay noqon arrimo aan laga fikirin amma dagaallo keena, dabadeedna dhibaato badan dadka u soo jiidaa ka dhashaan.”
“Sidaa aawadeed, dawladda Soomaaliya iyo dawladda Somaliland waa inay wadahadalkii soo celiyaan. Lixdankii labadii waddan ee isu-tagay horta in la isku ixtiraamo xuduudahoodii, haddii ay wada joogayaan iyo haddii ay kala tageyaanba noqoto danta mid ku salaysan. Aniga waxay ila tahay arrintani in aanay noqon iyadoo aan laga fiirsan in lagu turun-turoodo oo dhibaato fara badan dadweynaha labada dhinacba uga timaad,” ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa oo ku baaqay in dib loo bilaabo wadahalladii siyaasadeed ee u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa kale oo uu ka warbixiye aragtidiisa ku wajahan heshiiska saldhigga millatari ee dalka Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil iyo saamaynta uu ku yeelan karo ammaanka guud ee Somaliland iyo mandaqadda, “Dawladda Imaaraadka (UAE) iyo dawladda Somaliland xidhiidh wanaagsan inay yeeshaan waa mid lagama maarmaan ah, in Somaliland arrintaas ka shaqeyso, dawladda Imaaraadkuna ka shaqeyso waa arrin wanaagsan. Iyada oo ay sidaas tahay, haddana mandaqadda aynu ku nool nahay, waa mandaqad aad iyo aad u xasaas ah, waayo waa mandaqad dhibaatooyin fara badan ku xeeran yihiin oo ku gedaaman yihiin.
Sidaa darteed, tallaabadii la qaadayaba in la miisaamo, laga helo dadweynaha ay khuseyso, dadka Somaliland ayey arrintani khuseysaa, waana lagu kala qaybsan yahay arrintaas. Arrimahaas Wasiirka Khaarajigu sheegay ee dhinaca farsamada weli aan laga baaraan-dagin inay jiraan aniga waxay ila tahay arrinta ka muhiimsani waa arrinta siyaasadda, waa inay arrintani noqotaa arrin dadweynuhu isku raacsan yahay, waana arrin masiiri ah oo keeni karta isku-dhac Somaliland iyo dawlado kale oo jaarka ah,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Sidaa aawadeed, dawladdu kolley arrimaha taabanaya nabadgelyada iyo degannaanshaha geyiga Somaliland iyo geyiga Geeska Afrika ee lagu nool yahayba ee ay qaadanayso waa inay hubsato oo dadweynuhuna uu la socdo, shacabkana si wanaagsan ugu soo bandhigto arrimahaas.
Arrintaas sida aynu wada ogsoonnahay si jujuub ah ayey ku timi. Siyaabo fara badan in waxyaabo caydhiin jiraan ayaad mooddaa. Kolkaas hakisku aniga waxay ila tahay waa arrin wanaagsan, laakiinse hakisku waa in aannu noqon dawladda intay Golaha Wasiirradu wax iska dhex yidhaahdaan ee waa in dadweynaha loo soo bandhigo oo dadweynuhu raalli ka yihiin, dadweynuhuna hadhowto dhibaato iyo wanaag wixii halkaa ka soo baxa ay la socdaan inay noqoto ayaa muhiim ah.”
Dhinaca kale, siyaasi Ismaaciil Buubaa waxa uu si adag u dhaliilay muddo-dhaafka ay kuraasta ku fadhiyaan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aan macquul ahayn oo dunida inteeda kale ka dhicin, isagoo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Sida aad ogsoon tihiin muddadii ahayd dadka la soo doortay way laba-dhaaftay. Lama arag wax baarlamaan isugu sheega oo Baarlamaanka maanta Somaliland oo kale ah caalamka ka jiro, waana wax lala yaabo. Waxa la doortay shan sannadood, maantana intay fadhiyeen dhowr iyo toban ka badan. Dee waxaasi wax caqliga gala ma aha, kolkaa waxay waadhaw odhan doonaan; ‘Annaga ayaa iska fadhiyeyna oo cidba nama beddeli karto.’
Kolkaa Baarlamaanku aad iyo aad ayaa siduu u shaqeynayaa u qaldan tahay, xuquuqda dadweynaha Somaliland-na meel-ka-dhac bay ku tahay Baarlamaan aan cid soo dooran oo iska fadhiyaa inuu meesha jiro. Baarlamaanku waa cid la soo doortay, laakiinse kolkay iska dhaafto hadduu iska fadhiyo meesha, waxa uu isaga qaadanayaa inuu meeshaba isagu iskaba leeyahay, wuxuu doonana ka yeeli karo.”
“Waxa jira qalad aad iyo aad u weyn oo uu KULMIYE uu ka galay ummadda Somaliland, waxnna looga baahan yahay KULMIYE inuu si degdeg ah u saxo, dawladdana waa looga baahan yahay. Waxaynu maqalnay in dawladdu tidhi; ‘wixii loo kordhiyo, annagu waxba ku kordhin mayno.’ Waxa ahayd inay yidhaahdaan, haka kaceen meesha oo doorasho imminka ha laqabto oo lix bilood gudaheed doorasho ha lagu qabto iyaga iyo dawladaha hooseba, waayo si qaanuunka khilaafsan ayey ku fadhiyaan kuraasta. Waynu ogsoonnahay ta ka sii daranna waa Guurtida ee aan la dooranba gebigooda, weliba ku taagan iyada oo la yidhi; ‘Ha la doorto.’ Markaa Somaliland inay tidhaa; ‘caalamka ayaannu doonaynaa inuu na ictiraafo oo aannu ka mid noqonno’ iyo caalamku sida uu dawladnimada u dhaqangeliyo ma yeelayno, dee wax is-raacaya noqon mayso,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mr. Buubaa.

 

Buubaa oo ka hadlaya arrimahaa iyo kuwo kale halkan ka Daawo.