Hanjaabaddaha Lays Dhaafsaday Iyo Dedaalka Diblamaasiyadda

Maraykanka Laabta U Qaboojiyay Hoggamiyaha Ukarine Kaddina Safaaradiisa Ka Raray

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa  uga digay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Maraykanku uu ku soo rogi doono cawaqib degdeg ah oo adag haddii ciidamadiisu ay duulaan ku qaadaan Ukraine.

Xidhiidh khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saacado socday, balse wuxuu ku dhammaaday guuldaro.

Hanjabaaddaha

Aqalka Cad ayaa ku adkeystay in Moscow ay wajaheyso dhibaato degdeg ah iyo kharash haddii ay hore ugu sii socoto gardarrada, balse aqalka Kremlin-ka, wuxuu Maraykanka ku dhalleeceeyay  xakamaynta ugu sarraysa ee ku hareeraysan iskahorimaadka Ukraine.

Dhinaca kale, Aqalka Cad, ayaa sidoo kale sheegay in “Madaxweyne Joseph R Biden maanta la hadlay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy.

Madaxweyne Biden waxa uu dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Maraykanka madax-banaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed, wuxuuna si cad ugu sheegay in Maraykanku uu si deg-deg ah oo go’aan ah uga jawaabi doono, isaga iyo xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, gardaro kasta oo Ruushku ku hayo Ukraine, ama kusoo qaado, isagoo Madaxweyne Biden khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ukrine saacadihii lasoo dhaafay si laabta ugu qaboojiyo, isla markaana uga saaro cabsida iyo wallaaca mawjadaha ciidamadda iyo hubka Ruushka ee hareereeyay dalkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa dhanka kale ku eedeeyay Maraykanka in uu wado  olole dacaayad oo ka dhan ah Moscow, wuxuuna sidaa u sheegay dhigiisa Maraykanka Antony Blinken mar uu taleefoon kula hadlay saacadihii u danbeeyay.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo saraakiisha Maraykanku ay sheegeen in duulaanka Ruushka uu bilaabmi karo daqiiqad kasta, isla markaana xaaladdu faha ka bixi karto.

Maraykanka Safaaraddiisa Raray

Dalal baddan, ayaa muwaadiniitooda kala baxay dalka Ukrine tan maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo Maraykanka Australia, Canada iyo kuwo kale ugu baaqeen dadkooda in ay isakaga baxaan dalkaa oo ay ku qulqulayaan Ciidamadda Ruushka iyo kuwa NATO oo Maraylanku hoggaaminayo.

Safaaradda Maraykanka ee Ukraine ayaa ka shaqayn doonta galbeedka magaalada Lviv, sida uu qoray wargeyska internetka ee Ukrainskaya Pravda oo soo xiganayay ilo diblomaasiyadeed oo Maraykan ah Axaddii.

Washington ayaa Sabtidii sheegtay in ay amar ku siinayso inta baddan shaqaalaha safaaradeeda Kyiv in ay si deg-deg ah uga baxaan Ukraine sababo la xidhiidha khatarta duulaanka Ruushka.

“Tani waa go’aan ku meel gaadh ah, kooxda safaaradda waxay ku laaban doonaan Kyiv isla marka xaaladda ammaanku ogolaato,” ayaa lagu yidhi, warka laga soo xigtay ilaha diblamaasiyada Maraykanka.

Xilliga Xabbadu Dhicikarto

Xaaladda, ayaa u muuqata in xadhkaha dublamaasiyadeed ee la doonayo in xiisadda lagu dejiyo ay shaqayn waayeen, waxaana saacad, saacad iyo daqiiqad , daqiiqad uga hadlaya warbaahinta hoggaamiyayaasha dunida oo ay ugu tun weyn yihiin Maraykanka, Britain iyo Ruushka, kuwaas oo dhaleecayn iyo weedho hanjabaad cabsi gelin ah warbaahinta isu marinaya.

 Maraakiibta Ruushka

Xayn Maraakiibta dagaaka oo lagu qiyaasay In ka badan 30-markab oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa bilaabay dhoolatusyo ay ku samaynayaan meel u dhow gacanka Crimea, taasoo qeyb ka ah dhoolatuska ballaadhan ee ciidamadda Badda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee RIA.

Digniinta Diyaaraddaha

Arrinta dhoolatuska oo qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Ukraine, ayaa sababtay in gebi ahaanba lagu wargeliyay in shirkaddaha diyaaraddaha ay ka fogaadaan inay dul maraan biyaha furan ee Badda Madow laga bilaabo maalmaha Isniinta ilaa Sabtida sababo la xidhiidha dhoolatuska ciidamada badda ee Ruushka oo halkaas ka socda, sidaa awgeed Ukrine ayaa ugu baadqay diyaaraddaha in ay ka fogaadaan aaggaa, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dalalka  ay hormoodka u yihiin Germany iyo Netherlands, ayaa durba shirkaddaha diyaaraddaha ee ay leeyihiin joojiyeen duulimaadyaddii Ukrine, waxaana la filayaa in ay kuwo kale u hoggaansamaan.

Gulufka Dagaalka

Georgia, ayaa lagu uruuriyay 17,000 dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka socda 27 dal, kuwaas oo qaybka ah hawlgalka difaaca NATO ee Ukraine, iyadoo ciidamada xulufada NATO (the North Atlantic Treaty Organization) iyo kuwa Ukraine ee lagu diyaariyay halkaa gaadhayaan 130,000, Ruushka, ayaa soo dhoobbay Belarus cudud Millateri, kuwaas oo  kulaallaya dhanka Waqooyiga Caasimadda Ukrine ee Kyiv.

Xidhiidhka Diblamaasiyadda

Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Ruushka, ayaa ku guuldaraystay in ay xaaladda dejiyaan, waxayna arrintu u muuqataa mid sabab u noqon karta dagaalka saddexaad ee dunida oo ka bilawda halkaa, maadaama ay salka ku hayso khariirad ahaan bilawgii dagaalweynayaashii dunida oo ka bikaabmay gobolka Balkans, balse waxa saaacaddihii lasoo dhaafay si weyn khadka telefoonada kula xidhiidhay labada Hoggaamiye ee Maraykanka iyo Ruushka Hogaamiyayaal waaweyn oo ay ka mid yihiin Haweenaydii xilliga adag waqtiga dheer hogaaminaysay dalka Germany Angela Merkel, Ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson, Madaxweynaha France iyo diblamaasiyiin kale iyo sjhaqsiyaad caan ah, kuwaas oo ku qanciyay in miiska laysugu yimaado oo la baajiyo dagaal dhiig baddan ku daato oo la saadaalin karin natiijadiisa.

Hase yeeshee labada dhinac ayaan midna midka kale ka qabin kaksooni, iyadoo Putin ay ka go’an tahay inuu gacanta ku dhigo Ukrarine, maadaama ay ruushku u arko in haddii ay Ukarine gacanta u gasho NATO, si fudud dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan iyo millateri ahaan looga guulaysanyo Ruushka, taasuna ay meesha ka saaray hamigii uu doonayay inuu kusoo cveliyo awooddii Millateri iyo cuddudii xilligii ay Raashiya hoggaaminaysay ee Warsaw, iyadoo markii uu bur-buray midawgii Soofiyeeti sagaashanaadkii NATO isku ballaadhisay gobolka, kaddib markii ay ku biireen dhamaadkii dagaalkii qaboobaa.

 Laga soo bilaabo March 1999 ilaa 27 March 2020, xulufada NATO waxay tan iyo xilligaa ku dartay isbahaysigeeda 14 wadan, kuwaas oo 10 ka mid ah ay ka tirsanaan jireen quwadii Warsaw iyo afar jamhuuriyadii hore ee Yugoslavia ee bur-burtay ka mid ahaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com