Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha Wakiillada

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha gollaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.

Kulanka, ayaa ahaa mid aannay warbaahintu goob joog ka ahayn, balse sida ay madaxtooyaddu markii uu dhmmaaday kulanku warbaahinta la wadaagtay waxa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha xaallada dalku marayo iyo qaabka ay u wada shaqaynayaan xildhibaanada iyo Madaxweynuhu.

Laxidhiidha: Qiimaha Shidaalka Oo Kor Kacay Iyo Xildhibaan Ku Tilmaamay Qorshe Shacabka Lagu Baadhanayo

Madaxweyne Biixi, ayaa la filayaa inuu qudbad sannadeeda dastuuriga ah ka horjeediyo labada golle maalmaha soo socda, waxaana kulankaa laga horeeysiiyay lagu macneeyay mid xod-xodasho ah, iyadoo Madaxweyne Biixi ka cabsiqabo in gollaha wakiilladu maadaama uu yahay golle cusub oo ay awood ku leeyihiin axsaabta mucaardku, isla markaana dhaliilo baddan dul hogganayaan xukuumaddiisa uu weji gabax kala kulmio labada golle.

Hase yeeshee kulankaa oo lagu macneeyay mid hadhimada ah oo madaxweynuhu ku sharfay xubnaha gollaha wakiillada, waxa madaxweynaha ku weheliyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha gollaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, mudanayaasha gollaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’addaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhar-daar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi, “Weynu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha casuumadda, golaha wakiilladuna waa golihii shacabku doortay oo shacabkay wakiil ka yihiin, dhammaan hay’adaha dawladda ee halkan fadhiyana waxa isku xidha oo oday u ah madaxweynaha oo ah odaygii guud ee qaranka, sida uu xil uga saaran yahay  xukuumadda, buu golahana xil uga saaran yahay golaha Baarlamaanka oo isku dhan, sidaas oo kale buu golaha garsoorkana xil uga saaran yahay, waana odaygii guud ee isku xidhayey intaas oo dhan.”

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud  Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha gollaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo gollahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu casuumaddan sameeyey, ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo, waxana uu yidhi,

“Maanta arrinteennu waa qado-sharaf, waana hal farriin oo kali ah oo ah goleyaasha qaranka ugu sarreeya, xeer-dejinta oo labadii shirguddoonba joogaan, maxkamaddii oo uu joogo guddoomiyihii maxkamadda sare iyo fulintii oo badankoodii jooga, aynu Ilaahay kaga codsanayno inaynnu noqonno dawlad danta qaranka ka shaqaysa, doodda oo marka ay doodaanna  halka codku u bato isku raaca, qaabka ay u shaqaynayaanna uu yahay mid ixtiraam ku dhisan.”ayaa lagu yidhi, war kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com