Dhibaatada ugu weyni waa shirkadda Trafigura oo shidaalkii Haamaha diiday,,,,”Xildhibaan Maxamed Abiib

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Qiimaha shidaalka iyo Gaasta ayaa kor loo kiciyay markii labaad kaalmaha lagu iiboyo muddo laba bilood ka yar, taas oo saamayn ku yeelatay maceeshada xilligan oo duruufo adag oo dhanka noloha ah dalka ka jiraan, isla markaana deegaamo baddan oo dalka ah Abaartu ku laba jirsatay.

Kaalmaha shidaalka, ayaa qiimaha halkii Litir ee Batroolka ka dhigay 8,000 SLsh, halkii uu ka ahaa 7,500, qiimahaa oo ahaa mid ay ku kordhiyeen dhowaan, taas oo xilligan ka dhigaysa in halka Litir uu yahay $1 dollar.

Sidoo kale, qiimaha Litirka naaftada, ayaa la kordhiyay, waxaana lag dhigay 7,000 SLsh, halkii ay ka ahayd 6,500 SLsh, qiimaha gaasta la shito, ayaa iyadana laga dhigay halkii Litir 9,000 SLsh, halkii ay ka ahayd, 5,500 SLsh.

Qiimaha maceeshada, ayaa sidoo kale dhawrkii bilood u danbeeyay kor u socday, kaas oo xadhakaha goostay tan iyo Bilihii July August 2021, iyadoo xilligana qiimaha mar kale la kordhiyay.

Lama ogga sababta ay xilligan ganacsatada shidaalka iyo kuwa badeecaddaha soo dejiyaa u krdhiyeen qiimaha shidaalka iyo maceeshada, iyadoo Bulshadu la daalaadhaacay sicir-bararka hore u taagnaa iyo xaaladdaha nollosha iyo abaaraha ka taagan deegaamo baddan oo dalka ah.

Laxidhiidha: Somaliland: Qiimaha Maceeshada Oo Si Weyn U Kordhay Labadii Billood Ee U Danbeeyay

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadlin arrintan oo si weyn wax uga bedeli-karta xasiloonida iyo amniga dalka, maadaama ay in baddan oo ka mid ah Bulshada la daalaa dhacayeen dhibaatooyin dhaqaale iyo shaqo la’aan, isla markaana la taacalayeen nolosha maalinba maalinta ka danbaysa sii adkaanay.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo arrintaa ka hadlay mar uu maanta swarbaahinta la hadlay ayaa lu tilmaamay mid la doonayo in Bulshada lagu baadhto, wuxuuna tilmaamay in shidaalka la qariyay oo aannay shidaal yaraani jirin, isla markaana aannu qiimaha shidaalku ka kicin dunida, balse la doonayo in shacbiga lagu baadhto inta la qariyo shidaalka oo la katdsado.

Arrintan, wuxuu xidlhibaanku dusha u saaray masuuliyadeeda xukuumadda oo uu sheegay in ay qarsatay heshiiska ay la gashay shirkadda Trafigura, taas oo sida uu sheegay dhibaatada arrintan masuuliyada ugu weyn ku leh.

Laxidhiidha: “Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCID

“Qorshani waa mid lagu baadhanyo Bulshada, dhibaatada ugu weyni waa shirkadda Trafigura oo shidaalkii Haamaha ku jira diiday in ay Iibiso, maaha wax la qaadar karo in shidaalka oo aduunka aan ka qali garoobin la gaadhsiiyo halkii Litir hal Dollar, wasaaradda ganacsiga waxaan usoo jeedinayaa in ay tallaabo deg-deg ah qaado, gollaha wakiillladana waxaan usoo jeedinaya in ay dalbaan sidii heshiiska shirkadda Trafigura gollaha loo keeni lahaa, si culayska dhaqaale ee bulshadda haysta loo horqaado.” ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Abiib.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com