Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa mar kale shuruud ku xidhay soo afjarida duulaanka Moscow ee Ukraine.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Aqalka Kremlin-ka oo goor dhowayd sheegay in Ruushku uu joojin doono howlgalkiisa Millateri keliya haddii Ukraine ay joojiso dagaalka, isla markaanala fuliyo dalabaadka Moscow.

Xabad joojin lagu dhawaaqay Axaddii, ayaa burburtay, iyadoo ujeedadu ahayd si sahayda gargaarka loogu helo marin lagu gaadhsiiyo malaayiin dadka reer Ukraine ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sdioo kale Axaddii ugu baaqay shacabka oo dhan inay ka hortagaan duulaanka Ruushka, waxaana wararka teel-teelka ah sheegayaan in mudaaharaadayaasha oo isugu soo baxay magaalooyinka ciidamadda ruuushku qabsadeen ay meelaha qaar waddooyinka soo buxiyeen.

Dedaalada xalka loogu raadinayo dagaalka Ukraine in lagu joojityo ayaa u muuqda kuwo aan miisaan weyn lahayn, isla markaana aannay waxba ka suurta gelayn.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in ciidamadda ruushku ay bartimaameedsadeen kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, iyagoo qabsaday dhawr goobood oo xarun laga dhaliyo korontada ay ku jirto, taas oo ah mid muhiim ah.

Ruushka ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen oo ay curyaamiyeen saldhigga ciidamadDa cirka ee Ukraine ee Starokostiantyniv iyaga oo adeegsanaya hubka riddada dheer subaxnimadii Axadda ee March 6. 2022

Ukraine ayaa joojisay isku daygii lagu doonayay in lagu daadgureeyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Mariupol , iyadoo sabab uga dhigay kaddib markii ay ku eedaysay Ruushka in uu jebiyay xabad joojin isla markaana uu weeraray jidkii ay mari lahaayeen dadka naftooda la cararaya ee ku sugan magaalada.

Dhinaca kale, Milatariga Ruushka oo wada duqaymaha magaalooyinka qaarkood, isla markaana kala badh dhulka Ukraine gacanta ku dhigay, ayaa sidoo kale, burburiyay, weeraray ama qabsaday dhowr xarumood oo kaabayaasha tamarta ah maalmihii lasoo dhaafay iyo xarunta Nukliyeerka. Guulihii uu Ruushku ka gaadhay dhinaca koonfurta Ukraine ayaa ahaa kuwii ugu xamaasadda badnaa maalmihii hore ee dagaalka,

Waxayna Millateriga Ruushku gudaha u galeen goobaha istiraatiijiga ah ee ku teedsan xeebaha Badda Madow iyo Badda Azov. Laakiin waxa lasoo sheegayaa in ciidamada Ukraine oo sii wada iska caabinta weerarka uu Ruushku ku soo qaaday magaalo xeebeed muhiim ah habeen hore ay hakisay wax-xoogay horusocodka Ruushka ee dhanka magaalada muhiimka ah ee Odessa, balse ugu danbayntii ay la wareegeen.

Odessa waxa ku taal deked caalami ah, waxayna dhacdaa xeebta koonfureed ee Ukraine , dadka ku nool ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad hal milyan oo qof, kuwaas ayaa ku hadla labada luuqadood ee Ukraine iyo Ruushka, sidoo kale waxa jira dad ku hadla Bulgaariyan iyo Yuhuuda laga tirada badan yahay oo si gaar ah saamayn ugu leh Odessa.

Dagaalka, ayaa sababay cabsi weyn oo dunida soo waajahda iyo inuu saamayn ku yeesho suuqyada dhaqaalaha dunida iyo sayldaha caalamka, iyadoo boqolaal qof ay ku dhinteen tan iyo 24 Feb 2022, markii ay Millateriga Ruushku gudaha u galeen Ukraine, waxaana lagu qiyaasay in dad ku dhow hal milyan iyo badh ay ka qaxeen, kuwaas oo ku firdhay dalalka Yurub ee ay jaarka yihiin, iyadoo la saadaalinayo in malaayiin kale maalmaha soo socda qoxooti ahaan u galaan dalalka jaarka, maadaama ay yartahay rajada laga qabo in dagaalku istaago.