Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku celiyay in doorashada tartanka Ururrada siyaada Iyo axsaabta horaysiinayo doorashadda Madaxtooyadda, Isla markaana ay xukuumaddu diyaar u tahay qabashada saddex doorasho


Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkaa ka sheegay mar uu maanta kaga qaybgalay deegaanka Dararweyne ee duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa xaflada loo qabtay munaasibada qalin-jabinta Dufcadii 7aad oo ka kooban  410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layliga Saraakiisha ee loogu magacdaray halgamaagii Mujaahid Cabdullaahi Askar.

Saraakiisha dhammaystay Layliga sarkaalnimo, ayaa  kana tirsan Ciidamada  Qaranka, Ilaalada Madaxtooyada iyo Asluubta, waxaana munaasibada Madaxweynaha kala qaybgalay Taliyayaasha Ciidamadda oo weheliyaan Wasiiro tira baddan oo Iyo Masuuliyiin kale, kuwaas oo xafiisyada cedleeyay saaka, Isla markaana dayacay shaqooyinkii ay Qaranka u hayeen.


Masuuliyiinta Maadxweynaha weheliyay , waxa ka mid ahaa  Wasiirrada Wasaaraddaha , Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Waxbarashada iyo sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, Tamarta iyo Macdanta, Cabdilaahi Cabdi Faarax, warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Diinta iyo Aw-qaafta, Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Maalgashiga iyo wershedaha, Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aarre, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka.



Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in 410 Sarkaal ee dhammsystay Layliga u dalaceen Xidiglayaal kuwaasi oo ay ku jiraan hablo “Markii aan arkay warbixinta Taliya-yaasha ciidamada ee uu usoo gudbiyey taliyaha kulliyada iyo macalimiintii qaabilsanayd duruustooda ammintan aynu joogno waxaan ku dhawaaqayaa si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland in 410-Sarkaal oo Ciidamada kala duwan ee Somaliland ahi ay maanta u gudbeen Sarkaalnimo Xidiglayaal ah oo ay ka gudbeen Layli-sarkaal, Ciidamada kala duwan ee qaranka aad hoggaamintooda kusoo biirteen Xidiglayaasha cusubow waxaa idin saaran waajibaadyo badan difaaca qaranka iyo gurmadka qaranka kolba halkii looga baahdo, haddii ay dhibaatooyin yimaadaan Duufaan, Abaar, Dhul-gariir iyo wax lamida gurmadka koobaad waxaa leh Ciidamada waayo Ciidamada awooddooda halkaa lagu yimi iyagaa urursan, ma jirto awoodd kale oo u tabobaran inay dhibaato ka hortagto”.

Dhinaca kale. Madaxweyne Biixi ayaa ku celiyay in doorashada tartanka Ururrada siyaasada iyo asxaabta laga hormarinayo doorashada Madaxtooyadda

“Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka, waxaa ku xigta Guurtidii Insha allaahu, iyaduna waxay noqon doontaa in lasoo xulo oo aynaan doorashoba qaban.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, balse wuxuu xusay in soo xulistuba ay hawl tahay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com