Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dalalka Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay in dagaalka la joojiyo nabadna lagu dabaalo xaaaladda, isagoo dhinaca kalena xaaladda Ukraine ee duqaymaha Ku tilmaamay kuwii taliskii Suyaad Barre ka fuliyeen Burco iyo Hargeysa siddeetanaadkii.

 Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inaan Hargeisa iyo Burco wixii ka dhacay aanay Ukraine ka dhicin “Waxaan xusuustaa maanta marka adduunku sidaa Ukraine uga hadlaayo  Anniga iyo inta ila da’ada ah ee usoo joogtay wixii ka dhacay Somaliland xusuus gaara ayey u leedahay, waayo sidii loo duqeeyey Hargeisa, Burco iyo wixii ku dhacay iyo rasaastii ku dhacday Caasimadda Ukraine kumay dhicin, Kyiv madaafiic waa weyn baa lala dhacaa laakiin sidii cadowtinimada lahayd ee halkan lagula dhaqmay wali may gaadhin, Hargeisa berigii dagaalku dhacay ee 1988 bari iyo galbeed waxay u ahayd 17KM Waqooyi iyo Koonfurna waxay u ahayd 13KM, Buurtaa Taliska guud dusheeda waxaa lasoo dhigay 60-Madfac oo siman oo nooc walba leh, xagga dhaqaaqa waxaa lasoo dhaqaajiyey dhawr iyo saddon taangi, wuxuu qorsheeyey ninkii halkaa ka talinaayey ee abbaan duulaha ka ahaa in Mitir kasta oo Hargeisa kamida ay Xabadi ku dhacdo, xattaa dagaalkii 1aad ee adduunka may dhicin”.

Sidoo  kale Madaxweyne  Biixi,  ayaa sheegay in haddii Soomaliya ay dagaal ka maarmi waayaan ay Somaliland u dhigi doonto Cashar ka duwan kii ay hore ugu dhigeen “Maanta Alxamdulilaah nabad baynu ku jirnaa ciddna dagaal uga biqi mayno dadka nabad baynu u wada fidinaynaa qolo halkan oo aynu beri wadaagi jirnay dawlad oo aad inoogu hanjabtaa hadday dagaal ka maarmi waayaan casharkii aynu aabbayaashood u dhignay ku ka wanaagsan baynu u dhigi doonaa, laakiin waxaa inoo yaalla awood kale oo dal dhis ah, waxaa laga doonayaa Ciidanka qaranka maamulka fidintiisa dadka walaalayntiisa, dhibaatooyinka badan ee dalka haysta inaad idinku ka saartaan”.ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibad loo qabtay saraakiil dhamaysatay Layli Sarkaal oo maanta lagu qabtay Dararweyne oo dhinaca Bari kaga beegan Hargeysa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in la saadaalinayo in sannadka soo socda u yahay Bad-xidhan loona baahan yahay in laa sii gaashaanto “Waxaa laysku raacsan yahay in sannadka soo socda u eegyahay haddii uu xitaa dagaalku maanta joogsado bad xidhan oo la kala ootay oo nin waliba wixii uu lahaa uruursaday, Shiidaalka hadday tahay dal waliba shiidaalkiisa isagaa uruursanaya, cuntadii la beerayey ee la iibsan jiray hadday tahay dhulkii ugu badnaa  ee laga beerayey ee adduunka intiisa badani ka qaadanayeen Yurubta bari buu ahaa iyo Ruushka Ukraine caalamka kala badh baa ka iibsan jiray Daqiiqda maanta waxba iibin mayso dagaal baa ka socda, Bariiska Eeshiyaa qaadan jirtay badankiisa waxaaba laga yaaba inuu Chine  dib u iibsado maadaama ay Chinuhu  iyo Ruush ku isku aragti yihiin , meesha soo hadhay waa dalalkii soo karaayey oo Africa ku jirto ka mid baynu nahay duruufaheenu waa ka duwan yihiin, maxaa inala gudboon? Dhexda inaynu xidhano oo waxa aynu haysano imika isu geyno oo keyd ka dhigano waxa soo socdana aan ku talo-galno siday uga bixi lahayn, hawshaasi waa soo eegtahay adduunka oo dhamina waa arkayaa maantana way taagan tahay”.

Sidaa awgeed Madaxweyne Biixi waxa uu fariin u diray  Ganacsatada isagoo u sheegay in loo baahan in xiligan adag lagaga bixi karo iskaashi iyo wadaaga wixii la hayo “Waxaynu kaga bixi karnaa midnimo, innaga oo waxa aynu haysano wadaagna, waan ku celinaya Baayac-mushtarka maalin horena waan la hadlay maanta waa maalintii dadka xoolaha haysta lala wadaagayey, xoolaha dadkan baad ka hesheen maanta lexe-jecladaa ma leh, ma lihin waxaaga khasaari, waxaa lagu qiyaasaa dhaqaalaha Somaliland Bilyan iyo dheeraad 4% bay ka haysaa dawladdu, waxaa looga baahan yahay inay ku talo galaan wixii ay maanta macaashi lahaayeen inay dadka la wadaagaan”.ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.