‘Baarlamaanku (Wakiillada)… Waxa ay Hadda Kuraasta ku Fadhiyaan Muddo ku Dhaw 12 Sanno’
Araweelo News Network

gwakiiladasomalilandHargeysa(ANN)Dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ee dhinaca dhaqaalaha ka taageera Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay muddada dheeraadka ah ee mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku fadhiyaan kuraasta oo haatan ku dhaw 12 sanno, kuwaasoo xilka haya ilaa markii la doortay sannadkii 2005-kii.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay masuuliyiin iyo diblomaasiyiin sare oo ka socday qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo ka qaybgalay Shirkii 9aad ee Isu-duwidda Mucaawimooyinka Heerka Sare ee Somaliland oo ka qabsoomay caasimadda Hrageysa Isniintii toddobaadkan oo Jamhuuriya helay, waxa ay ugu baaqeen xildhibaannada Golaha Wakiillada inay ka shaqeeyaan sidii loo dhammaystiri lahaa xeerka lagu dooranayo mudanayaasha golahooda.
“Baarlamaanku (Golaha Wakiillada) waxa looga baahan yahay inay doorkooda qaataan. Waxa ay hadda kuraasta ku fadhiyaan muddo ku dhaw 12 sanno, kuwaasoo muddada dheeraystay, kana tallaabsaday hannaanka xaddidan ee nidaamka dimoqraadiga ah, waxana xubnaha baarlamaanka looga baahan yahay inay muujiyaan awoodooda sharci, iyagoo ay tahay inay diyaariyaan;
• Anisixinta xeerka doorashada mudanayaasha Golaha Wakiillada, si doorashooyinka baarlamaanku u qabsoomaan bisha March 2017.
• Waa inay meelmariyaan, shanta xeer ee la xidhiidha hannaanka maaliyadda dawladda (5 Public Financial Laws), kuwaasoo aasaas u noqon kara in nidaamka maaliyadda qaranku noqdo mid waadax ah oo lagu wada kalsoonaan karo.
• Waa inay xalliyaan arrimaha khuseeya xeerka bangiyada ganacsiga ah (Commercial Banking Law), kaasoo taageero ka geysan kara maalgashiga Somaliland ee ganacsiga iyo korriinka dhaqaalaha.
• Diyaariyaan, isla markaana meel-mariyaan shuruucda tamarta iyo shirkadaha (Energy and Company Laws), kuwaasoo fududayn kara maalgashiga gudaha iyo dibaddaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay qaadhaan-bixiyeyaasha caawiya Somaliland.
Waxa kaloo ay ka hadleen muhiimadda ku jirta in xukuumadda Somaliland sii waddo ajandaha nidaamka dib-u-habaynta ee la xidhiidha dhinacyada maaliyadda, dakhli-ururinta, shaqaalaha dawladda, waxayna ku taliyeen in aan la isku mashquulin oo qudha doorashooyinka, balse waqtigan iyo xilliga doorashooyinkaba laga shaqeeyo adeegyada kale ee bulshada.
Qoraalka qaadhaan-bixiyeyaasha oo qayb ka mid ah ku soo baxay cadadkii Jamhuuriya ee shalay, waxay sidoo kale ka digeen in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland ay markale dib uga dhacaan waqtigooda.
“Waa in aannu wax dib-u-dhac ah ku iman waqtiga doorashooyinka, waxayna doorashooyinku ka jawaabayaan rabitaanka sharciga ah ee dadkiinna. Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay bixiyaan 75% kharashka ku baxaya doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo ay ku jiraan mushaharooyinka, laakiin tani waxay dhammaan doontaa kadib dhammaadka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee bisha October 2016.
Sidaa darteed, waxa muhiim ah in laga fikiro habab kale oo lagu maalgeliyo dhaqaalaha hannaanka doorashooyinka, iyadoo ay tahay in dhaqaaluhu ka yimaad dhinaca Somaliland, isla markaana la isla meel dhigo dariiqooyin (mechanisms) lagu soo saarayo dakhli dhaqaale oo ka yimaad gudaha Somaliland.”
Geesta kale, waxa qoraalkaas lagu xusay in xog-ururin qiyaas ah ay samaysay hay’adda UNFPA lagu ogaaday in heerka wax-akhriska iyo qoraalku (Litercy) aad u sarreeyo degaannada bariga Somaliland, laakiin aasaas ahaan ay ka jirto xasillooni iyo fursado kale oo la xidhiidha dhinaca fursadaha dhaqaalaha.
“Waxa tani muujinaysaa in xasilloonidu qiimo ugu fadhido Somaliland, halka adduunkuna isbeddel ku keenayo baahiyaha Somaliland si loo sii joogteeyo heerka qiimaynta isbarbardhigga faa’iidooyinka gaarka ah ee mustaqbalka oggolaanshaha in maalgalinta dhaqaale ee caalamiga ah noqoto mid la heli karo,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Qaadhaan-bixiyeyaasha ka caawiya Somaliland dhinaca dhaqaalaha iyo hannaanka dimoqraadiyadda.