Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay yeeshay koronto u gaar ah muddo 25 sanno, kadib markii Uurka Midowga Yurub mishiinno cusub ku caawiyey.
Xaflad mishiinnadaas lagula kala wareegay oo lagu qabtay Cusbitaalka Guud shalay, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Maamulka Cusbitaalka, saraakiil ka socday Midowga Yurub iyo hay’adda Qarammada Midoobay ee UNOPS, iyadoo halkaas laga sheegay in mashruuca korontada loogu sameeyey cusbitaalka ay ku baxday lacag dhan 1.5 milyan oo lacagta Yurub ah, una dhiganta ilaa $1.7 milyan oo doollar.
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, ayaa si qoto-dheer uga waramay culayska dhaqaale ee ay kala kulmi jireen isticmaalka korontada, isagoo xusay in bil kasta lacag dhan $7 kun oo doollar kaga bixi jirtay laydhka kirada ah.
Waxa kaloo uu sheegay in masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxtooyada Somaliland dedaal dheer u galeen sidii hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqayntu ka dhexayso looga heli lahaa kaalmo dhinaca korontada ah oo la siiyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana ugu dambayntii lagu guulaystay dedaalkaas oo midho-dhalkiisii noqday in cusbitaalku helo mishiinno uu gaar u leeyahay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in mishiinno kuwa laydhka ah lagu taageero cusbitaalka Hargeysa oo uu xusay inuu hawl culus u hayo qaranka Somaliland, isagoo taageeradaasna uga mahadceliyey Midowga Yurub.
Md. Saleebaan, ayaa sidoo kale tibaaxay in adeega laydhku wax badan ka tari doono shaqada iyo hawlaha caafimaad ee cusbitaalka guud u hayo bukaannada, waxaannu rajo ka muujiyey in mishiinnada cusub aanay noqon doonin kaalmooyinkii u dambeeyey ee Midawga Yurub ka caawiyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Xubno ka socday Midowga Yurub iyo hay’adda UNOPS oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ammaanay shaqada Cusbitaalka Guud ee Hargeysa u qabto bulshada, iyagoo sheegay in mashruuca mishiinnadu aannu ahayn kii u horreeyey ee ay ka fuliyaan Somaliland, balse ay jiraan mashaariic badan iska kaashaan dawladda Somaliland.