Araweelo News Network

doorkaqurbajoogaHargeysa (ANN)Shir ay isugu yimaaddeen xubno ka socday masuuliyiinta jaaliyadaha dalalka bariga qaaradda Afrika ee oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyey sidii qurbo-jooggu door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarka dalalkooda.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Qurbo-joogga Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Jamhuuriya, kulankaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Siyaasadda Qurbo-jooga Afrika (African Diaspora Policy Centre), waxa uu muddo laba maalmood ah (6 ilaa 7 June) ka socday magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socday hay’adaha jaaliyadaha ee dalalka Somaliland, Itoobiya, Kenya, Suudaan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Uganda.
“Kulanka wada-tashiga ahaa waxa ujeeddadiisu ahayd sidii madal furan la isugu keeni lahaa masuuliyiinta sare ee ka arrimiya siyaasadda iyo madaxda hay’adaha qurba-joogga ee dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD, si loo abuuro, loona wadaago, la iskuna waydaarsado fikrado la xidhiidha habka ugu fiican ee qurbo-joogu uga qaybqaadan karaan horumarinta dalalkooda iyo sidoo kale ururrada jaaliyadaha ee la sameeyeyba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland.
Shirka waxa si rasmi ah u furtay madaxa mashaariicda ee waaxda horumarinta caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Urur-goboleedka IGAD Ms. Fathia Alwan, halka ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Xarunta Siyaasadda Jaaliyadaha Afrika Prof. Maxamed Saliim iyo masuuliyiin kale, iyadoo lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in jaaliyaduhu door ka qaataan ka hortaga tahriibka iyo dejinta siyaasado lagu xakeemo safarka tahriibka dhallinyarada Afrika ugu qaxaan dalalka Yurub.
Waxa kaloo kulanka lagaga dooday, layskuna qaatay in laga hawlgo sidii looga qaybqaadan lahaa horumarinta dalalka bariga Afrika ee xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD si looga hortago falalka tahriibka.