Araweelo News Network

Mr Hubert Price

Mr Hubert Price

New York(ANN)Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York kaga dhawaaqay in mas’uul cusub ay u magacaabeen arrimaha Soomaaliya.

Bank Moon oo xilka kasii degaya, ayaa sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka lugta Mareykanka u xilsaaray in uu la socdo habsami u socodka arrimaha dalka Soomaaliya. Sida uu shaaciyay Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay.

Jeneralka loo magcaabay xilkaa Mr Hubert Price, ayaa hore uga tirsanaa melleteriga Mareykanka, balse ah howlgab noqday, waxaana qaramada midoobay u xil saartay Madaxa xafiiska ‘Taageerada iyo Taakulada Q.Midoobe ee Soomaaliya’.

Q.Midoobe waxay sheegtay in sarkaalkan American-ka ah uu kaalin weyn ka qaadan doono la dagaallanka musuq- maasuqa iyo la socoshada howlgallada AMISOM ee ka dhanka ah xarakada Al Shabaab.
Hubert Price ayaa Q.Midoobe madax uga ahaa wadanka Liberia lagasoo bilaabo sanaddii 2010 illaa 2015.