Araweelo News Network

Ambassador Michele Kiting

Ambassador Michele Kiting

Muqdisho(ANN)- Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michele Kitin, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in caddaaladda la horgeyn doono masuuliyiin ka tirsan maamulka taagta daran ee Muqdisho oo loo haysto xadgudubyo ay u geysteen warbaahinta maxalliga ah.

Ambassador Michele Kiting oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho shalay, ayaa tafaasiil ka bixiyey warbixin Hay’adda Xuquuqda Adanaha Qarammada Midoobay ka soo saartay xaaladda xorriyatal-qawlka Soomaaliya iyo xilliga kala guurka ah ee dalkaasi ku jiro waqtigan, waxaannu soo bandhigay dhibaatooyin iyo tacadiyo kala duwan oo uu sheegay inay haatan wehel u yihiin saxaafadda madaxabannaan ee ka hawlgasha gudaha waddanka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
Wakiilka Qarammada Midoobay oo farta ku fiiqayey dhibaatooyinka lagula kacay saxaafadda xorta ah, waxa uu si gaar ah u soo qaatay tacadiyo fara badan oo masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliya marar kala duwan u geysteen weriyeyaasha iyo hawlwadeennada idaacadda madaxabannaan ee Shabelle oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.
Waxa kaloo Ambassador Kating xaqiijiyey in caddaaladda la horkeeni doono madaxda iyo xubnaha dawladda ee ka dambeeyey dhibaatooyinka iyo xadgudubyada lagula kacay suxufiyiinta Soomaaliya, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo ay aad uga xun yihiin.
Hase ahaatee, Wakiilka Qarammada Midoobay ma shaacin tirada iyo magacyada masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ee uu sheegay in lagu maxkamadayn doono tacadiyada iyo dhibaataynta weriyeyaasha Soomaaliya.
Waxa uu ugu baaqay madaxda maamulka Muqdisho, gaar ahaan laamaha amniga in ay joojiyaan cabudhin uu sheegay inay ku hayaan saxaafadda xorta ah, isagoo caddeeyey in tiro ka badan 30 suxufi siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka Soomaaliya afartii sannadood ee la soo dhaafay, sidoo kalena albaabada loo xidhay xarumo warbaahineed oo kala duwan.
Sida lagu sheegay warbixinta Qarammada Midoobay ku dhawaad 15 suxufi oo oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ayaa lagu khaarajiyey meelo kala duwan oo ka mid magaalooyinka Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan lagu dilay gudaha caasimadda Muqdisho oo xarun u ah dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ma jirto xataa 1 gacan-ku-dhiigle ka mid ah cidda ka dambaysay dilalka weriyeyaashaas tirada badan oo dawladda Soomaaliya horgeysay hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.