Araweelo News Network

cirrolastHargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caddeeyey in xisbi ahaan mabda’oodu yahay midaynta shacbiga reer Somaliland, loona sinnaado horumarka iyo caddaaladda.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay loogu qabto taageerayaal ku biiray xisbiga WADDANI, waxa uu sheegay inay xisbi ahaan ogaadeen in cabashooyin xoogan ka taagan yihiin guud ahaan degaannada Somaliland oo dhan.
“Mabaadii’da ugu horeeya ee xisbiga WADDANNI waa in la mideeyo shacbiga reer Somaliland oo aannu u qaybsanaan bari iyo galbeed midna, in ay u sinnaadaan horumarka, xilalka iyo caddaaladda,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Waannu soo wada marnay Somaliland oo meel walba way cabanaysaa, barigu waxay leeyihiin galbeedka ayaa dhergay, idinkana cabashadiinnii dhegaha ayeyba na jabisay, cabashooyinku maaha wax la iska yidhi ee indhahayaga ayaannu ku soo aragnay, waxaynu u baahanahay in waxa aynu helno si wanaagsan oo caddaalad ah u qaybsano, horumarkana loo sinnaado.”
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale sheegay in diwaangelinta codbixiyeyaashu si fiican uga qabsoontay gobolada Somaliland, waqtigana ay si qurux badan uga socoto degaannada Gobolka Sool iyo Buuhoodle, isagoo xusay in guul weyn laga gaadhay diwaangelinta, loona baahan yahay in guushaas la carqaladeeyo.
“Waa in aynu ka digtoonaano guusha aynu ka gaadhnay diwaangelinta in la innaga carsha-carsheeyo, waanna in aynu ka digtoonaano in la doon-doono sababo dib loogu dhigo doorashooyinka.
“Waxa aynu ugu baaqaynaa Xukuumadda inay inoo diyaariso garoonkii lagu tartami lahaa In Sha Allaah, annagu tartan ayaannu diyaar u nahay, in doorashadu waqtigeeda dhacdana diyaar ayaannu u nahay, waxa aannu leenahay ha loo tartamo si siman oo caddaalad ku jirto,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in xisbiyada qaranku u yihiin qaar u siman gobollada dalka Somaliland oo aanay jirin meel u xidhan xisbi gaar ah, waxaannu yidhi; “Annigu haddii aan ku dhashay Gobolka Saaxil, iima xidhna reer Saaxil, ninka Gabilay ku dhashayna reer Gabilay uma xidhna, waana loo siman yahay Somaliland oo waxa aynu qaadanay nidaam dimuqraadi ah.”
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale hadalo kaftan ah hawada u mariyey Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi; “Muuse Biixi waxa lagu soo dhaweeyey degaanka Go’da Weyn oo anniga oo jooga ayey ii sheegeen in Muuse imanayo, waxaanan u sheegay inay si fiican u soo dhaweeyaan, laakiin berigii dhawayd ee diwaangelintu ka socotay galbeedka, malaha Muuse ayaa nagu balamiyeye, degmooyinka qaar ayaan na lagu soo dhawayn oo weliba na lagu yidhi; maxaad ka soo doonteen?
“Waxa aynu u baahanahay in KULMIYE tegi karo meesha uu doono, UCID-na tegi karo, WADDANI-na tegi karo oo si nabadgelyo ah uu ku tegi karo, shacbigana waxa aannu leenahay xisbi walba si xurmo leh ku soo dhaweeya. Waa la tartamayaa ee la is dili maayo, colaadna ma jirto ee qaran ayeynu dhisaynaa. Waxa aynu doonaynaa in aynu ku abtirsano axsaabta, welina kamaynaan guurin qabyaaladda iyo reerihii, laakiin dhallinyarada gaar ahaan waxa aan ugu baaqayaa in ay galaan axsaabta oo mustaqbalka ku abtirsadaan xisbiyada, haddii Ilaahay ka dhigo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.