Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Xasan Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen lagaga qaaday Wasiirada kala ah:

1.Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah

2.Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

3.Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah

2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

3. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel gaadhka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

Qodobka 1aad  Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad  Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

 

Qodobka 1aad Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

 

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda, ayaa lagu yidhi qoraalka.