Araweelo News Network.

Ankara (ANN)- Ruushka iyo Ukrain, ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo dhoofinta raashinka ku xaniban dekeddaha badda madow kaddib markii ay go’doomiyeen ciidamada Ruushka ee Vladimir Putin.

Kyiv iyo Moscow ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dib u soo celinta dhoofinta cuntada ee dekeddaha Badda Madow ee Ukraine.

Ukraine waxay meesha ka saartay inay heshiis toos ah la saxeexdo Ruushka, iyadoo labada dhinacba ay heshiisyo danno ah la qaateen Turkiga iyo UN.

Wakiilo ka kala socday labada dhinac ayaa ka qaybgalay heshiiskaa oo Jimcihii maanta ka dhacay Istanbul, iyadoo ay wehliyaan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Waxaa la rajeynayaa in dib u furista dekedaha iyo ogolaanshaha hadhuudhku ka baxo Ukraine ay gacan ka geysan doonto fududaynta qiimaha cuntada adduunka, kaasoo sare u kacay bilihii la soo dhaafay.

Xafladda heshiiska lagu saxeexay, waxa hadal kooban ka jeediyay Mr. Guterres, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda heshiiska, isagoo ku tilmaamay heshiiska mid aduunka ah.

Toddobaadkii hore, dhinacyadu waxay gaadheen heshiis horudhac ah oo ku saabsan qorshaha Qaramada Midoobay kaas oo u suurtagelinaya Ukraine inay dhoofiso 22 milyan oo tan oo hadhuudh ah oo baahi weyn loo qabo iyo wax soo saar kale oo beero ah oo ku xaniban dekeddaha Badda Madow ee Ukraine dagaalka awgii.

Putin, ayaa Heshiiska hadhuudhka lagu dhoofinayo, ayaa si weyn dunida looga soo dhoweeyay, laakiin waxa jirta saadaal mujinay in Ruushku qaadan doono dekedda Odesa oo ahmiyad weyn u leh Badda Madaw, iyadoo xilligan Ruushku qiyaastii 90% uu maamulo.

Dhinaca kale, dalalka Yurub ayaa naawilaya in heshiis sidan oo kale ah laga gaadho Saliida iyo Gaasta, iyagoo ka cabsiqaba in Ruushku ka gooyo xilliga adag ee Jiilaalka marka la gaadho.

 Duulaanka Ruushku ku hayo dalka Ukrain, ayaa galay shan bilood, wuxuuna sababay in dunidu waajahdo maceeshada iyo shidaalka oo si weyn ugu kacay sicir-barar hadheeyay aduunka.

Dagaalka oo weli socda, wuxuu aduunku la daalaa dhacayaa dhibaato dhinaca cuntada ah oo sii kordhaysa, madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ka aamusay cunno yarida, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray dalalka reer galbeedka, isagoo masiibada cunno yarida Putin sabab uga dhigay siyaasada dalalka reer galbeedka, balse aannay ahayn mid Ruushku masuuul ka yahay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com