Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Munaasibaddaa sannadlaha ah ee xarunta Dhaqanka Hargeysa oo ah mid sannad walba la qabato, ayaa sannadkan nqootay munaasibadii shan iyo tobnaad ee bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta Hargeysa “Book Fair”, taas oo Sabtidii 23 July lagu qabatay xarunta dhaqanka ee Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

Alt: Araweelo News Network
Munaasibadda 15aad ee Bandhiga Buuggaga Hargiesa Book Fair, Image Araweelo News Network, 23 July 2022@Somaliland Hargeysa.

Munaasibadda ayaa noqtay mid laysku arkay oo muujisay ahmiyada ay xanbaarsantahay iyo doorka ay ka qaadan karto qadiyada aqoonsiga ay raadinay Jamhuuriyadda Somaliland ee baarka ka jartay 31-ka sannadood, balse aan weli dunida ka helin garawshiiyo.

Sannadkan Hal-ku-dhega ayaa loo qaatay weedha miisaanka weyn ee ‘WADA-JIR’, taas oo ka turjumay ahmiyada iskaashiga iyo isku duubnidu u leedahay Aadamaha, isagoo qoraaga Prof. Siciid Saalax oo ka mid ah Odayaasha tiirarka ay ku taagantahay xaruntu sharaxaad dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay weedha sannadkan loo qaatay hal-ku-dhega, halka ay kaga jirto Afka Soomaalida iyo Afafka kale ee qalaad.

Munaasibadda 15aad ee Bandhiga Buuggaga Hargiesa Book Fair, Image Araweelo News Network, 23 July 2022@Somaliland Hargeysa.

Wufuud ka socota in ka baddan 30 Dal oo Caalamka ah, ayaa sannadkan lagu martiqaaday munaadibadda, kuwaas oo intooda baddan soo gaadheen, isla markaana xaadir ku ahaayeen furitaanka munaasibadda oo soconaya muddo toddobaad ah.

Dadka ka kala yimi dalalka qaaradaha aduunka oo isugu jira qorayal, suugaanyahano, khabiiro ku xeeldheer luqadaha, diblamaasiyiin, aqoonyahano iyo sidoo kale xeel-dheerayaal dhaqanka bulshooyinka ay ka yimaadeen iyo marti-shafar ka kala yimi gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jira qorayaal, ganacsato, abwaano, hal-abuuro, aqoonyahano ka socda Jaamacaddaha dalka, Hay’addaha caalamaiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Munaasibadda 15aad ee Bandhiga Buuggaga Hargiesa Book Fair, Image Araweelo News Network, 23 July 2022@Somaliland Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Maayarka Caasimadda Hargeysa ee martida loo yahay, Cabdikariim Axmed Mooge, masuulyiin kale oo Hay’addaha dawladda ka tirsan iyo xildhibaano, ayaa ka qaybagalay munaasibadda 15aad, ee bandhiga Buuggaagta Caalamiga ah ee Hargeysa.

Dalka Galbeedka Afrika ku yaal ee Senegal, ayaa sannadkan Bandhiga Buuggaagta lagu maamuusay sida dhacda sanand walba in hal dal si gaar loogu maamuso, wallow aannay wufuuda ka imanysay nasiib u yeelan in ay soo gaadhaan furitaankii munaasibada oo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge kusoo dhoweeyeen wufuuda ka qaybgelay bandhiga furitaankii, iyagoo khudbado kooban pp ay kaga hadlaayaan ahmiyada ay leedahay munaasibaddu iyo sawirka ay ka bixinay Somaliland si cad u muujiyeen.

Alt: Araweelo News Network
Munaasibadda 15aad ee Bandhiga Buuggaga Hargiesa Book Fair, Image Araweelo News Network, 23 July 2022@Somaliland Hargeysa.

Wefdiga ka socota dalka Senegal, ayaa loo qorsheeyay in  maalinta labaad ee Carwada Buuggaagta Hargeysa ay ku soo bandhigaan Agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda Dalkoodu leeyahay, taas oo noqonay albaab cusub oo ay Somaliland uga faa’idaysan karto in ay mariso doonista qadiyadeeda ay ku raadinay aqoonsiga, maadaama xidhiidhka dhaqan iyo dhaqaale uu inta baddan yahay sahanka albaabada diblamaasiyada caalamka.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu yidhi “Kusoo dhowaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buuggaagta Hargeysa, waxa weeye shan iyo tobban sannadood oo la dareemay faa’iidada uu u keenay qarankan iyo ummaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayay mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. 15 sannadood kaddib Maanta waa mmaalin  hana-qaad ah, oo suurto-galisay madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay: sidaa waxa yidhi, Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah aasaasha xarunta, isagoo sharaxaya sida ay bandhiga Buuggaagta ee sannad walba lagu qabto Hargeysa u noqdeen kuwo wax weyn ka tara qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland iyo xidhiidhka diblamaasiyaadeed ee ka dhasha.

Alt: AraweeloNews
Munaasibadda 15aad ee Bandhiga Buuggaga Hargiesa Book Fair, Image Araweelo News Network, 23 July 2022@Somaliland Hargeysa.

Sannadkii hore, waxa xusid muddan in ay kasoo qaybgaleen bandhigii 14aad ee Buuggaagta wufuud ka socotay ku dhowaad 30 Dal, kuwaas oo dhammaantood iyagoo xanbaarsan sawir wanaagsan oo ka turjumaya Somaliland iyo xaaladdeeda ku noqda dalalkii ay ka yimaadeen.

Qorayaal caan ka ah dunida iyoa qoonyahano iyo hal-abuuro iyo dhanqan yaqaano sanand walaba kasoo qaybgala bandhiga, ayaa sababa in door muhiim ah ka qaataan meelmarinta Qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, kuwaas oo qoraalo, muuqaalo, dooddo, ama sheekooyin ku gubiya marka ay ku laabtaan dalalkooda, ama ka qaybgalaan shirar caalami ah waxyaabo wanaagsan oo ka turjumayaa Nabadda, dawladnimada, ganacsiga, amniga, doorashooyinka iyo geedi-scodka dimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida uu qaranka aan cidna taageerada ka helin u guulaystay, iyadoo aannu dunida ka helin garawshiiyo iyo aqoonsi muddo soddon sannadodo ka baddan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com