Araweelo News Network.

Minsk (ANN)- Ruushka ayaa ciidamo horleh geeyay Caasimada dalka Belarus, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha cusub ee dagaalka Ruushku ka wado dalka Ukraine.

Belarus ayaa hore u dafirtay in ay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine qayb ka tahay, wallow aannay qarsoonayn in ay qayb ka tahay xulufada Moscow.

Hase yeeshee 9,000 oo askari oo Ruush ah ayaa markii u horaysay lagu soo bandhigay Magaalada Caasimada u ah Belarus ee Minsk oo ah ta ugu balaadhan dalka.

ALt: Araweelo News Network

Askari oo Ruush ah ayaa markii u horaysay lagu soo bandhigay Magaalada Caasimada u ah Belarus ee Minsk, Image File, 23 Oct, 2022, Araweelo News Network.

Minsk iyo Moscow waxay sheegeen inay samaynayaan unug wadajir ah oo difaaca xuduudaha Belarus, iyadoo Minsk ay hanjabaado kala kulmayso xulufada NATO ee Yurub iyo Maraykanka.

Sidoo kale, maamulka dalka Ukraine, ayaa marar baddan ku canbaareeyay Belarus in ay gacan siinay Ruushka, iyadoo ku taageeray duulaanka uu Madaxweyne Vladimir Putin kusoo qaaday dalkooda.

Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Inay Isu Dhiibaan Vladimir Putin –New York Times

Hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko ayaa ku andacoonaya in dalkiisa uu wajahayo hanjabaado uga imanaya dalka ay deriska yihiin ee Ukraine iyo xulafadiisa reer galbeedka, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in ay dhisaan Unugta isku dhafka ah ee ka kooban Ruushka iyo Belarus.

 

Ukraine waxay marar baddan ku eedaysay Moscow inay isku dayday inay Belarus dagaalka soo geliso, wallow Hoggaamiyaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko  uu siyaasad ahaan si cad xulufo ula yahay Ruushka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Vladimir Putin.

Dhinaca kale, dalalka reer galbeedka, ayaa si weyn uga walaacsan sida ay xaaladdu noqonayso, iyadoo laga cabsi qabo kacdoonada dalalkooda ee shacbiga diidaan dagaalka iyo dhibaatooyinka ka dhashay oo sii xoogaysta.

Dhibaatooyinka ka dhashay collaada Ukraine, ayaa gil-gilay dalaka Yurub, iyadoo dhawr hpggaamiye ku waayeen xilalkooda, kaddib markii ay maarayn kari waayeen dhibaatooyinka dhaqaale iyo sicir-bararka shidaalka, gaasta iyo tamarta oo gebi ahaanba saamayay nollosha.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in loo baahanyahay in xaaladda loo beddelo mid nabadeed, balse wuxuu sheegay in nabada iyo wadahadalku imanayaan haddii ay doonay Ukraine, waxaana hadalkiisa loo arkay mid hordhac u ah in Faransiisku mawqifka dagaalka Ukraine wax ka beddelay, kaddib markiin ay soo baxday warbixin lagu daabacay Wargeyska New York Times oo sheegay in xaaladda ay ku jiraan dalalka Yurub tahay mid ku khasbi karta inay isu dhiibaan Vladimir Putin, si ay uga badbaadaan kacdoonada guddaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee hadheeyay dalalkooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com